Sign in to follow this  
Dalmar1

Diyaarad Gariigu leeyahay oo bilowday duulimaad Yurub & Muqdisho

Recommended Posts

Dalmar1   

null

 

Muqdisho – Mareeg.com: Shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Gariiga oo ka tirsan qaaradda Yurub oo iskaashi kala dhaxeeyo ganacsato Soomaali ah ayaa manta markii ugu horreysay Muqdisho ku timid duulmaad kazoo kicitimay dalka Sweden.

 

Diyaaradan laga leeyahay dalka Gariiga oo lagu magacaabo SKYGREECE oo si toos ah uga soo kicitintay magaalada Stockholm ee wadanka Sweden ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

 

Duulimaadyada ay sameyneyso diyaaradan ayaa la sheegay iney noqonayaan kuwa isku xiri doono Soomaaliya iyo Yurub, iyadoo si gaar ah ay socdaal ku tegi doonto wadamada Greece, Britain, Sweden iyo Soomaaliya.

 

Munaasabad xarigga looga Jarayay duulimaadyadkan cusub ee SKYGREECE ayaa manta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana ka qeb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, saraakiisha hay’adaha amniga iyo madaxda diyaaraddan cusub.

 

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta diyaaraddan SKYGREECE oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in diyaaraddan ay isaga kala gooshi doonto caasimadaha London oo ah caasimadda Ingiriiska, Athens oo ah caasimadda Gariiga, Stockholm oo ah caasimadda Sweden iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Jeneraal Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in tani ay tusaale u tahay horumarka dalku uu ku talaabsanayo.

 

“Waxaan garoonkan ka soo bilownay, iyadoo hal diyaarad saf loogu jiro, dadaal badan ayaan sameynay, waxaana joognaa in diyaarado caalami ah ay iminka garoonka ka soo degaan” ayuu yiri Jeneraal Gaafoow.

 

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay dhiiri gelineyso ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka ka socda.

 

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Gaadidka iyo Duulista Hawada, Xirsi Aadan Rooble ayaa tilmaamay in is bedel weyn uu ka muuqdo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay soo kordhayaan duulimaadyada caalamiga ah ee ka bilaabanaya gudaha dalka.

 

Horay waxaa daka Soomaaliya duulimaadyo ku imaanayey marka laga soo tago shirkadaha Soomaalidu leedahay labo shirkadood oo ajnabi ah, kuwaasoo kala ah: Turkish Arirways iyo Ugand Air.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarad ka timid YURUB oo soo caga-dhigatay XAMAR+SAWIRO

Jun 22, 2014 - Ka Dhiibo Fikirkaaga

Diyaarad laga leeyahay Wadanka Gariiga oo si toos ah uga soo kicitintay magaalada Stockholm Wadanka Sweden ayaa maanta markii ugu horeysay waxa ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Mqudisho.

 

Diyaaradan oo magaceeda uu yahay SKYGREECE ayaa waxa ay bilaabeysaa duulimaadyo toos oo isku xiri doono Soomaaliya iyo Yurub, iyadoo si gaar ah ay socdaal ku tegi doonto wadamada Greece,Britain, Sweden iyo Soomaaliya, waxaana iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa ka soo jeeda dalka Greece, taasi oo u jeedkuyahay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed laga haqab tiro duulimaadyada ay ku doonayaan inay ku socdaalaan Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

 

Munaasabad xarigga looga Jarayay duulimaadyadan cusub ayaa waxaa ka qeb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, saraakiisha hay’adaha amniga iyo Madaxda diyaaradda cusub.

 

mid ka mid ah Saraakiisha Diyaaraddan SKYGREECE oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in diyaaraddan ay isaga kala gooshi doonto Caasimadaha London oo Ingiriiska ah, Athens oo Gariiga ah, Stockholm oo ah Caasimadda Sweden iyo Caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya.

 

Waa horumar la taaban karo oo dalkeena kusoo kordhay in la helo duulimaadyo caalami ah oo ka howl bilaaba dalka waxaana diyaaradda SKYGREECE ee dalka maanta ka howl bilowday ka horeeyay diyaaradda Turkish Airline oo isku xirta magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Wadamada Yurub.

 

DSC_0287.jpg

 

 

 

DSC_0282.jpg

 

 

DSC_0183.jpg

 

DSC_0176.jpg

 

 

 

 

DSC_0150.jpg

 

 

 

Straight flight to Europe Great achievement Mogadishu once again back to claim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalida Reer Iskaandineefiya ayee rabaan inay suuq ka sameystaan, oo aynan Istanbuul sii marin. Turkiga diyaaradooda in la raaco ila haboon aniga, xataa haddee qaalisantahay.

 

Markee Soomaali been been iyo kuwa Yurub iska isdhiibaayo oo badan raacaan diyaaradaan ayee dhib ku noqon doontaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Whose idea is this. We have nothing to do with the dirty Greeks. Their country is in a mess, they are becoming the breading ground of neonazis and anti immigrant punch. Add that, they are the arch enemies of the Turkish in Cypress and mainland Turkey.

 

This is like sticking to the Turks who have done a lot for Somalis. Trades are like diplomacy and relationship. you must earn the trust and build relationship with the people. I bet this Greeks do not even have an ambassador in Somalia.

 

you can't open your air industries to every scavenger who want to make a buck,.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

<cite>
said:</cite>

Whose idea is this. We have nothing to do with the dirty Greeks. Their country is in a mess, they are becoming the breading ground of neonazis and anti immigrant punch. Add that, they are the arch enemies of the Turkish in Cypress and mainland Turkey.

 

This is like sticking to the Turks who have done a lot for Somalis. Trades are like diplomacy and relationship. you must earn the trust and build relationship with the people. I bet this Greeks do not even have an ambassador in Somalia.

 

you can't open your air industries to every scavenger who want to make a buck,.

 

Sxb in the world of politics there are no friends or enemies just interests, its Mogadishu's interest to reconnect with the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbeedi, this is a private airline owned by Creek-Canadian businessmen. Maxaase Somalida ku xiray in Turkish kaliya meel ugu xirnaadaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The more international airlines the better, hopefully soon there will be more direct flight from countries where there is a big Somali diaspora.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Guys, I believe in a free market economy, but, in any jurisdiction, Trades are privilege. Nations do not open their markets without conditions. in addition there has to be mutual interest and exchange of trade on both sides. Open skies trade agreements are tough to negotiate.

 

If you are opening your airspace for an airline, it must represent a nation that have both Somali diaspora trade connections. I hope the era of " garab rarato" is finished.

 

Dalmar, of course there are interests but , as a nation you must have enduring allies and loyal friends who will be in your side on your hour of need, just like Turks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this