Sign in to follow this  
SomaliaRising

Qoslaaye yesterday "Xamar is safe". SNMdog godane proofs him wrong

Recommended Posts

Daawo Sawirada Weerarkii lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

by A M | Saturday, May 24, 2014 | 617 views

 

 

 

 

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerar barqanimadii maanta lagu qaaday xarunta Golaha shacabka, halkaasoo ay ku shiraan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo saddex ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhaawacmeen.

 

Rag hubeysan oo ka tirsna Al-Shabaab ayaa gudaha u soo galay xarunta golaha shacabka, iyadoo iska hor imaad muddo socotay ay dhex martay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka.

 

Is rasaaseynta ayaa qaadatay in ka badan hal saacadood, waxaana raga hubeysan ay ka dagaalamayeen dhismo ku dhow xarunta Baarlamaanka oo ay rasaas ka soo ridayeen.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga saaray xarunta golaha shacabka, iyadoo laga bixiyay albaabka dambe ee dhismaha xarunta golaha shacabka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in raga hubeysan ay galeen masaajidka Isbaheysiga oo ay in muddo ah ka dagaalamayeen, isla markaana ay aad u adkeyd in la maro wadada sayidka ah.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar qorsheysan ay ku qaadeen xarunta Golaha shacabka, iyadoo weerarkan lagu soo beegay, xilli Baarlamaanka shir ku lahaa.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Oo Xaqiijiyay Amaanka Xarunta G/Shacabka Iyo R/wasaaraha oo Booqday

 

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay booqdeen xarunta golaha shacabka kadib markii ciidamada amaanku xaqiijiyeen amaanka.

 

Kadib markii ciidamada amaanka ee dowladdu ay soo afjareen howlgal ay kula dagaalamayeen dhagar qabayaal ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo maanta weerar ismiidaamin ah oo fashilmay ku qaaday xarunta golaha shacabka ayaa R/wasaaruhu noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee booqday halkaasi.

R/wasaaraha ayaa saraakiisha amaanku waxa ay halkaasi ugu soo bandhigeen meydadka todobo ka mid ah dhagarqabayaashii xaruntaasi weerarka ku qaaday, kuwaas oo ciidamada amaanku ay toogasho ku dileen.

Dr. C/weli R/wasaaraha dalka oo halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa ciidamada amaanka ku amaanay sida geesinimada leh oo ay uga hortageen weerarka argagixisadu kusoo qaaday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay xoogga saaridoonto adkeynta amaanka dalka, gaar ahaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda, isagoo ku gooddiyay in la soo afjaridoono howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

 

R/wasaare Dr. C/weli ayaa sheegay ineysan falalka argagixiso hakineynin qorshayaasha dowladdu ay ku xaqiijineyso amaanka dalka, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falka argagixiso.

 

Dhinaca Kale R/wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ay daryeel caafimaad u fidin doonto dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixiso ee maanta.

 

R/wasaaraha ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney isdejiyaan islamarkaana ay hey’adaha amaanka gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka cadowtinimada ah ee argagixisadu ka geysaneyso dalkeena.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

AS just is mocking the so called Government, it is embarrassing. On the other hands, this might get MPs do their 'job'.

 

I don't think these MP's know the first thing about running a country.

 

Maybe we should take tips from other successful administrations in the Horn of Africa.

 

Al Shabab seems to be getting desperate

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland rising its just Amiir Godane sending his 18 may gifts he is very generous u know.

 

On a serious note Alshabaab is just showing its still strong this attack and the attack on villa Somalia is to show that they are still very active in the region and especially in the capital even thought he capital has so many troops protecting it.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Puntland rising its just Amiir Godane sending his 18 may gifts he is very generous u know.

 

On a serious note Alshabaab is just showing its still strong this attack and the attack on villa Somalia is to show that they are still very active in the region and especially in the capital even thought he capital has so many troops protecting it.

 

The Somali Capital needs to clean out the Al Shabab agents and it's sympathizers from within Mogadishu.

 

A competent Somali Intelligence Agency is sorely needed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Spot on intelligence proper coordination set up of well trained defense forces training training training is the most important. And the payment of the salaries on time and even at some stage increasing their salaries, proper structure in the command system. And get rid of these incompetent security ministers and interior ministers. And never integrate Alshabaab Militia into the Somalia army with out a long process of rehabilitation. But no one is serious about fixing the Somalia defense apparatus. Only to make a few bucks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Spot on intelligence proper coordination set up of well trained defense forces training training training is the most important. And the payment of the salaries on time and even at some stage increasing their salaries, proper structure in the command system. And get rid of these incompetent security ministers and interior ministers. And never integrate Alshabaab Militia into the Somalia army with out a long process of rehabilitation. But no one is serious about fixing the Somalia defense apparatus. Only to make a few bucks.

 

A lot of diaspora Ministers who wear cheap 50 dollar suits think they can move to Somalia and become the "Minister of Security" when they don't know the FIRST thing about actually running the Security of a nation.

 

It's an embarrassment.

 

But increasing the salaries of Somali troops, paying them on time, disciplining them when it's necessary, recruiting young unemployed Somali graduates from Mogadishu University and training them and making them Officers, executing captured Shabab Chiefs immediately.

 

Maybe the Government of Somalia could start a Conscription process, where they conscript 1 male from every single Somali household to the Army, and give him the training and salary and equipment he needs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab are desperate the Gov has thwarted many terrorist plot . Sending ten young man on suicide mission only ending up killing themselves it's sign of defeat. this should be lesson to Alshaaydans foot soldiers and low ranking leaders only death bullet a waits you .

 

This sort of unsuccessful terrorist plots will continue until top Alshabaab leaders are captured or killed .

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Alshabaab are desperate the Gov has thwarted many terrorist plot . Sending ten young man on suicide mission only ending up killing themselves it's sign of defeat. this should be lesson to Alshaaydans foot soldiers and low ranking leaders only death bullet a waits you .

 

This sort of unsuccessful terrorist plots will continue until top Alshabaab leaders are captured or killed .

 

Malistar, do you think the Somali Government should conscript young men into their Army? Perhaps 1 young man from every single family

 

Al Shaytaan seems to be getting desperate, definitely. But I think more should be done to punish their sympathizers and certain clan elders who seem to be sympathetic to Al Shabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha”Waxaan Rabaa Inaan Ummadda U Sheego In Isbedel Dhacidoono Saacadaha Soo Socda” (Dhageyso)

Published on May 24, 2014 by Mowliid · No Comments · 158 views

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay askartii iyo shacabkii ku geeriyootay weerarkii argagixisadu maanta kusoo qaadday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

 

Madaxweyne oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan dalka South Africa ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay ciidamadii ku geeriyootay iyagoo difaacaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

“Dhalinyaradii shuhadada ahaa ee geesiyada ahaa ee maanta u geeriyootay iyagoo daafacaya sharafta ummadda iyo hey’ada qaran ee Baarlamanka ayaan tacsi u dirayaa ehelkoodi, iyo ciidamadi ay ka geeriyoodeen, geesinimada uu muujiyay Kabtan Daahir Gurxan Maxamuud oo hor istaagay baabuurkii Qarxayay waxey tilmaameeysa dhiiranaanta iyo geesinimada ciidamada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab ay doonayaan iney dhantaalaan dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray ineysan niyadjebineynin falalka argagixiso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhacdadi maanta iyo kuwii ka horeeyaba ay dowlada Soomaaliya wax ka baraneyso.

“waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed inaan u sheego ineey kalsooni buuxda ku qabaan dowladooda iyo ciidamadoodaba, xiligaano kale oo la dhibanyahay waa xiliga isku duubnaan iyo midnimo loo baahanyahay, waa xilliga cadowgu kaga faa’ideysto inuu keeno wax umadu ku kala qeybsami karaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxwenaha.

 

madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in saacadaha soo socda uu dhici doono isbedel, isagoo tilmaamay in talaabooyin cad cad ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta dalka.

“Waxaa kaloon rabaa inaan caawa umada Soomaaliyeed u sheego in saacadaha soo socda isbedel dhacayo kaaso bilow ah kuwo kaloo farabadana ay kusoo xigi doonaan, talaabo cad ayaa msa’uuliyiinta dalku ay qaadi doonaan, waxaana u bahaanahay xilligan midnimo iyo isku duubnaan” ayuu yiri madaxweynaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in uu soo qaabiyay safarka uu ku joogay dalka South Africa, isagoo rajeeyay in beri aroorta hore uu soo gaaro Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadkii ku dhawacmay falki maanta ay dowladu u fidin doonto gurmad caafimaad oo deg deg ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg: Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo goor dhow is casilay

 

 

Waxaa kaloon rabaa inaan caawa umada Soomaaliyeed u sheego in saacadaha soo socda isbedel dhacayo kaaso bilow ah kuwo kaloo farabadana ay kusoo xigi doonaan, talaabo cad ayaa msa’uuliyiinta dalku ay qaadi doonaan, waxaana u bahaanahay xilligan midnimo iyo isku duubnaan” ayuu yiri madaxweynaha.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this