Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Crowning Of The 34th King Of Somalia

Recommended Posts

Dr_Osman   

boqor_burhaan.jpg

Puntland oo ka hadashey caleema saarka Boqorka

 

May 22, 2014 Leave a Comment

 

boqor_burhaanGolaha Xukuumadda ee Puntland ayaa shirkoodi caadiga ahaa ee khamiista uga hadley arrimo ay ka mid yihiin

 

- Amniga

- Caddaaladda

- Dhaqaalaha

- iyo caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood

 

Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Jaamac Quraanjecel ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay si rasmi ah uga qayb-qaadan doonto Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka dhacaaya Caasimadda Dhaqanka Puntland ee magaalada Qardho 25 May.

 

Quraanjecel ayaa sheegey in Puntland u diyaar garowdey in ay soo dhaweyso wufuud xoog leh oo ka qaybgeleysa Caleema saarka Boqorka kuwaas oo ka imaanaya, Dowladda Federaalka, Dalalka Jaarka ah iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo dhan.

 

Afhayeenka Puntland ayaa sheegey in shirkii xukuumadda looga hadley in dib loo nooleeyo dhamaan dhaqankii iyo taariikhdii Puntland ay ku faani jirtey, sida raadadkii Masaaridu ka tageen, ee uu ka soo jeedo magaca Punt Land ama Dhulkii uduga, Qalcadihii Sayidka oo Puntland magac ku leh, iyo dhamaan taariikhdii soo jireenka ahayd ee ay Puntland iska lahayd taas oo ah waxa ay ku faanto Puntland.

 

Afhayeenka ayaa carrabka kua dkeeyey in caleema saarku dhacaayo 25 May isla markaana uu ka dhacaayo Caasimadda dhaqanka ee Puntland, wufuudda ka soo qaybgelsyaana si weyn loogu diyaar garoobey.

 

Diyaar garowga loo galay caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ahayd mid si weyn loga dareemey guud ahaan Puntland, isla markaana lagu tilmaamey mid aan horey loo arag sida dadku isugu duuban yahay isla markaana uga wada shaqeynayaan caleema saarka Boqorka.

 

Dhanka Dowladda Federaalka waxaa hadda ka jooga magaalada Qardho wasiiro ay ka mid yihiin kan qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Siciid Cabdulaahi Deni iyo wasiirka Waxabarashada Ducaale, waxaa lagu wadey in maanta uu gaaro Garoowe Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, Raysalwasaaraha ayaa maanta baaqdey waxaase wararku sheegayaan in maalinta caleema saarka uu tegaayo Qardho isaga iyo wefdi uu hoggaaminaayo, warkaasi maaha mid si rasmi ah Dowladdu uga hadashey waase mid ka soo baxaya ilo ku dhaw.

 

Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yusuf Boqor Cismaan ayaa loo caleema saarayaa 25 May boqorkii 34aad, waxaana uu sanadkii 1965 ku dhashey magaalada Qardho, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ah nin Ehlu diin ah oo dadku aad u jecel yahay, tan iyo sanadkii 2005 oo ahayd xilligii uu xanuunsadey rabbi ha u naxariistee Boqor Maxamuud Boqor Muuse ayaa Boqor Burhaan Boqor Muuse siyaabo kala duwan u sii hayey xilka Boqortooyada.

 

Cabdirisaaq Maxamed Shiino

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Shir Jaraa’id oo maanta magaalada Qardho ay ku qabteen Gudigga Caleema saarka Boqorka [sawiro]

 

May 22, 20142 Comments

 

Shirkaan jaraa’iid oo ay ka soo qeybgaleen Dhammaan Gudiga Caleem Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaaan Boqor Muuse ayaa waxa ay kaga haleen sida ay u socdaan Howsha Caleema saarka Boqorka iyo waqtiga loogu talagalay in uu dhaco Caleema saarka oo ah 25-5-2014.

 

Gudigaani oo ka kooban Dhammaan Beelaha Daarood ayaa Cadeeyey in qabanqaabada Caleema saarka in sidoo loogu talagalay ay usocoto Xafladda Caleema Saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood.

 

Gudoomiyaha Gudiga Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Caaqil Maxamed Aadan Cali Xangaag ayaa sheegay …..”Diyaar waxaa u nahay oo dadka uwada sheegeynaa in 25-5-2014 in ay tahay Maalinta Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood,Magaalada Qardhona waxaa soo gaaray Dhamman Gudiga Caleema Saarka Boqorka”…..sidaa waxaa yiri Caaqil Maxamed Aadan

 

Yaasiin Muuse Boqor oo ka mid ah Gudiga qaban qaabada Boqorka Beelaha Daarood ayaa sheegay ….”waxaan halkaan ka cadeeneynaa uguna mahadcelineynaa aniga oo ku hadlayo magaca Qoyska Reer Boqor in Diyaargarow caqligeyga suureynwaayey in halkaan ka socdo,waxaana caleema saarka ka dhiman saddax maalmood aad baan ugu mahadcelinayaa aniga oo ku hadlayo magaca Qoyska Reer Boqor sida xilkasnimada leh ee la isku xilsaaray,Gacan laga geystay in caleema saarka si sharaf leh u dhaco”….

 

Maxamed Xuseen Jaamac oo ka mid ah isna Gudiga Caleema Saarka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin In howsha Caleema Saarka sidoo loogu talagalay ay u socdaan,iyadoo magaalada Qardho ay soo garayaan Wefdi kala duwan oo ka imaanayo dhammaan Gobolada Dalka iyo Dibadiisa.

 

Siciid Cali Xuseen Hogato ayaa cadeeyey in Howshaa Caleema saarka ay usocoto si heersare waxa uu rajeeyey in si sharaf leh ku soo dhamaandoonto Caleema saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

 

Cismaan Cumar Boqor Cismaanoo ah Gudoomiyaha Saxaafadda Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa sheegay in La diyaariyey dhammaan goobaha iyo sida loo soo dhaweynlahaa Wufuuda kala duwan ee ka qeybgaleysa Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood.

 

Caleema saarkaan ayaa u scoda si weyn waxaana Guud ahaan Magaalada Qardho laga dareemayaa diyaargarowga Caleema saarka oo dhici doono 25-ka Bishaan May 2014.

 

100_3648.jpg

100_3660.jpg

100_3662.jpg

100_3663.jpg

100_3665.jpg

100_3666.jpg

100_3667.jpg

100_3668.jpg

100_3669.jpg

100_3670.jpg

100_3671.jpg

100_3672.jpg

100_3674.jpg

100_3676.jpg

100_3694.jpg

100_3696.jpg

100_3698.jpg

100_3708.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxda Dhaqanka DDS Itoobiya oo aqbalay casuumaadda caleema saarka Boqor Burhaan (Sawiro)

May 19, 20142 Comments

 

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Mudane Dr. Maxamed Cabaas Cumar ayaa magalada caasimada Jig-Jiga kula kulmay Garaadka Guud ee Beel-weynta Absame Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dhool Garaad Xirsi Garaad Cumar Garaad Wiil-Waal iyo xubno kale oo ka tirsan hogaanka dhaqanka ee Beesha Absame iyo adeerkood.

 

Kulanka oo ka dhacay Hoolka shirarka ee “Qaryaan Dhoodaan Guest House” ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ahna hogaanka nabad-galyada maamulka iyo caddaalada Mudane C/llaahi Yuusuf Weerar.

 

Ujeedada ugu weyn kulanka ayaa ahaa mid wasiirku u gudbiyey dowlada iyo hogaanka dhaqanka ee deegaanka warqad casuumad ah oo ku saabsan in hogaanka dhaqanka ee Beel-weynta Absame iyo adeerkood ay ka soo qeyb-galaan caleema saarka Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo lagu qabanayo 25-ka May 2014 Magaalada Qardho ee caasimada gobolka Karkaar ee Puntland.

 

Si wadajir ah ayey u aqbaleen dowlada iyo hogaanka dhaqanka Beel-weynta Absame in ay ka soo qeyb-galaan xafladaas lagu marti qaaday.

 

photo-11-160x160.jpg

photo-12-160x160.jpg

photo-81-160x160.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Magaalada Qardho oo si weyn looga dareemayo Diyaargarowga Caleema Saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood.[sawiro]

 

May 19, 20148 Comments

 

Waxaa Guud ahaan magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland Somalia si weyn looga dareemayaa Caleema saarka Boqorka 34-aad ee beelaha Daarood.

 

SONY DSC

 

Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan ,waxaana magaalada Qardho soo gaaraya wufuud kaladuwan oo ka qeybgalaya Calema Saarka Boqorka.

 

Gudiga Qabanqaabada Caleema saarka Boqorka ayaa waxa ay diyaariyeen dhammaan goobaha loogu talagalay in lagu casuumo iyo halka ay dagayaan wufuuda ka qeybgaleysa caleemasaarka Boqorka.

 

Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa loogu talagalay in lagu casuumo wufuud kabadan 3000 oo qof oo ka imaaneysa dhammaan daafaha aduunka,waxaana si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee imaanaya caleema saarka Boqorka.

 

Caleemasaarkaan ayaa ah kii ugu weynaa inta la xusuusto in ka badan Qarni ay ka soo qeybgalayaan wufuud sidaan u badan,oo isugu jirta Isimo,Cuqaal,Ugaasyo,Garaadyo,Wabaro,Malaaqyo,Suldaano,imaamyo,iyo Siyaasiyiinta ugu caansan dalka Somalia,Culama’udiin iyo Madax sare oo ka tirsan Beesha Caalamka.

 

25-ka Bishan May ayeey dhaceysaa Caleema saarka Boqrka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan.

 

Yaasiin Cali Yuusuf xiririyaha arimaha Bulshada Caleema saarka Boqorka ayaa sheegay in Magaalada Qardho ay diyaargarowday Caleema Saarka Boqorka Guud ee Beelaha Daarood,waxa uu tilmaamay in la diyaariyey wax walbo oo lagu soo dhaweenayo Martida ka soo qeybgaleyso Caleema saarka Boqrka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan.

 

W/D:-Cismaan Cumar Boqor Cismaan. Gudoomiyaha Saxaafadda Caleema Saarka Boqorka

 

King Of Somalia Home

 

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

 

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

 

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

Diyaar_Garowga_Caleema_Saarka_Boqor_Burh

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

<cite>
said:</cite>

Since when does somalia have a king

 

U mean the king of bari disrict

 

He represents all of Somalia including the Jubbas,Gedo, Galgaduud, Bari, Nugal, Mudug, Sool, Sanaag. Where are these places located? their all in Somalia. His a King of Somalia as far as I am concerned and Hassan sheikh recently said at king kong burial 'he was a true historical king' that is coming from the SFG own mouth and that says alot. So stop your whining and accept he is your king too because all somalis are 'required' to attend not just the sahal clan but their will be envoys sent from the HAG,RRA,SNM, even parts of dubai and yemen for god sakes. This aint some local crowning, this is a kingdom that has been around for centuries.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xunjuf I think this photo says it all, isu samra bahashan boqortoyada somalia waxaa qadanayo beesheena, waa boqortoyada ugu fac wayn oo manta dalka si caadi ah ugu shaqayo. Isu Samra Isu Samra

 

boqor_burhaan.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is bosaaso king not juba laascaanoid and other places. Stop makin up lies. Even the vast majority of sahal consider his ignoble lineage a fraud. Second somalia is not ethiopia. He is not a negus negasht.. He is a sib sub sub sub clan tribal chief

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doctor, you never mind Xaaji Maalaayacni. He is just being as inconsequential as ever. He can't help himself that is all :D

 

We all look forward to the coronation of the 34th King of Somalia.

 

I hear hundreds of elders from all over the country will be in hand to pay their homage and allegiance.

 

It will be a grand spectacle and all the low born Laangaabs should best lay low while the royalty of Somalia celebrate the coronation of this new King.

 

May Allah bless him and his household.

 

Long live the King!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is he Saudi or Emirati?. This is news to me, Somali's 34th King inaugrated!. Is Puntland learning something from the South, I mean grand bliliqo of the century?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

The pirates never give up their tricks!! Only a month or so ago, they fooled some uninformed Thai company chiefs into believing that a Con artist from one of the dusty villages in Bari is "the crown prince of Somalia". Now that the Thai people are on their guard, the shipwrecked hustlers are hatching another fraudulent plot for another far away part of the world who probably unaware of the screening of Paul Greengrass's Captain Phillips.

http://www.hiiraan.com/news4/2014/Apr/54349/officials_clarify_somalian_crown_prince_news_reports.aspx#sthash.GIo85jua.dpbs

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this