Sign in to follow this  
SomaliaRising

Shiikh Aweys: Wadanka gumaysi xun ayaa ka jira, min Seylac ilaa Raskambooni!

Recommended Posts

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo markii u horeysay 11-bilood kadib ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah

 

 

Hogaamiyihii hore ee Ururkii Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda ayaa markii u horeysay hadlay 11-bilood kadib, iyadoo khudbad uu uga hadlayay xaalada dalka oo uu soo duubay laga sii daayay Idaacadaha Muqdisho.

 

Sheekh Xasan Dahir oo xabsi guri ah, walina la rumeysan yahay in aan mowqifkiisa ka tanaasulin ayaa khudbadiisa aheyd mid ka duwan hadaladiisa hore, iyadoo sheegay in dalka wali gumeysi ku jiro.

 

Khudbadiisa ayuu ku soo beegay maalmo kadib 15-ka May oo ku beegnneyd 71-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ururkii gobonimo doonta ee SYL, waxaana uu sharaxaad ka bixiyay halgankii loo soo maray dalka iyo meesha hada taagan yahay.

 

Sheekh Xasan Dahir ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay cadawgii ku dareen shacabka oo dagaalkooda ku soo leexiyeen, isagoo xusay in taas tahay arrin aan la qarin karin oo ceeb ku ah Shabaab sida uu yiri.

 

"Umadii soomaaliyeed ee dhibka heystay, oo cadaw heystay islaamka laga fogeeyay dantoodi laga fogeeyay oo la kala qeybiyay oo la rabay in cadawgii laga fujiyo, ayagii la isku soo celiyo ayay aheyd, intii yareyd oo SYL ay keentay aheyd in hal umad inay noqoto ayaga dantooda la fahamsiiyo, dantooda loo dagaalamo, dantooda loo soo celiyo ayay aheyd ayaa waxaa moodaa in dagaalkii ku dareen Soomaalida oo dhan, dagaalkii cadawga lala dirirayay in shacabka lagu daray"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

 

Xasan Dahir oo sii hadlayay ayaa yiri "waxaa dhacday oo faasiladaas xun ayaa ka timid dadkiiina cadawgii lagu daro, maanta aan jihaadkii la maqashiin karin, islaamiyiinta la maqashiin karin, cadawgiina ay gacal moodayaan runtii ceebtaas weyn ayaa timid, waa ceeb weyn shabaabka ay sameeyeen waaye, wax la qarin karo ma ahan oo qof walba garanayo"

 

Waxaa uu sheegay in wali dalka uu heysto cadaw, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Itoobiya oo uu xusay in dalka maamulo qabiilo ah ay u kala qeybisay, isla markaana maamul walba uu iyada u tagayo, lana soo shirayo sida uu yiri.

 

"Wadanka cadaw baa heysta Itoobiya ayaa heysata kuwa ayaga la mid ah ayaa heysta kuwo ayaga la mid ah oo cadaawo naga dhaxeyn jiray baa heysta waxa weeyaan dad la heysta baa nahay oo cadaw na heysta, gumeysigii waa soo noqday asagoo kii ka xun, ka culus, ka badan oo waliba si caalami nagula daray, waagii hore dowlad dowlad u duuli jireen Talyaaniga meelu qabsan jiray Ingiriiska meeluu qabsan jiray, Faransiiska meeluu qabsan jiray, laakiin hada waxa weeyaan kuligood inta isu keen tageen ayaa kuwii ugu liitay ee qabaanada ahaa ayaa nalagu soo salimay, hada waxaa nagu soo socota 1-July waa gobonimo loo dabaal degayo wadankiina waa la heysta waa la og yahay, maxaa loo dabaal degaa Gobonimo"ayuu yiri Xasan Dahir Aweys.

 

Mar uu soo hadal qaaday maamulada gobolada laga dhisayo ayuu xusay in qabiil kasta oo Soomaaliya ku nool uu dowlad noqday, isagoo xusay in taas ay tahay qatar weyn oo ku soo socota Soomaaliya.

 

"Hada gobol gobol naloo qeybiyay gobol walba Itoobiya ku xiran yahay hadii Puntland tahay Itoobiya ku xiran tahay, Madaxweynahooda addis ababa ayuu iska xaadiranayaa ayaga u warbixinayaa, Somaliland sidoo kale, Jubaland ayaga gacal u ah ayage u ordayaan, kuwa Muqdisho ayage u tagayaan, sida hada dhacday markee is qabtaan ayage ku ordayaan oo kala bixinaya. arrintaas waa arrin qatar, soomaalidiidka waa dowlad waaye, baidoa waa dowlad waaye, HAG waa dowlad waaye, sahal bari dowlad waaye, sahal Jubba dowlad waaye wixii dhamaana addis ababa ayaa laga xumaa"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

 

Ma cusba in Xasan Dahir uu ku eedeeyo hogaanka Shabaab inay ka leexdeen jihaadka ama arrimo kale, iyadoo markii uu taagnaa khilaafka u dhaxeeya ragg uu Xasan Dahir ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-Shabaab uu marar badan ku eedeeyay keli talisnimo iyo in awooda isku koobay.

 

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii Xasan Dahir Aweys loo soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya, kadib markii uu dooni kaga soo baxsaday degmada Baraawe, kadib markii Al-Shabaab ay dileen saraakiil ka tirsanaa oo khilaaf kala dhaxeeyay hogaamiyaha Shabaab.

 

 

 

 

The Ahraar Soomaal mujahideen condemns the cruel occupation by terrorists, invaders and puppetgovt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aweys is a failed terrorist he could not die for his cause he gave up and sought refugee in the Amisom Bunkers at the end History will remember him as the coward who gave up on his cause after sending so many youth to their graves who remembers in the 2009 fighting's 300 people died in fighting in Mogadishu between Sheikh dalxiis and sheikh daahir abees. I used to have respect for Daahir but they day he gave up he lost all of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

^ I agree 100% , 2006 Sending young kids to do Cihaad and him relaxing in Xamar both Aweys boy and Sherif Bantu are typical walewyne hypocrytes disgusting that they are playing with Deenta to gain political power , their powerhunger has no limits Subhanallah may allah punish them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He fled when the xabashis invaded Xamar to Asmara and was nurtured by another xabashi called isiyas afewerki the asmara dictator. Now that would still not be bad the fact that he gave up on his struggle and sought refugee in the Amisom bunkers that is cowardice culture of aweys.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this