Sign in to follow this  
odayga inanta

Bajal Iyo Bisadii

Recommended Posts

Bajal waxa uu aha nin wax u yara dhiman yihiin oo daganaa magaalada borama wakhitgii sagaashameeyadii. Hadaba bajal waalidiisu ma badnayn oo waxay ahayd mid aad u yar oo qofkii si fiican ugu fiirsada uu garto. Bajal in kasta oo uu ahaa nin wayn hadana guri iyo xaas midna ma lahayn oo kolba meesha ilaahay geeyo ayuu dagi jiray.Wuxu inta badan raadin jiray meel dhagax lagu rogay oo la rabo in guri laga dhiso, taas oo dadkii iska lahaa ay ugu talo galeen inay mudo kadib dhisaan. Halkaa ayuu dhagaxda is dul dhigdhigi jiray oo uu guri ka samaysan jiray. Marka ay dadkii guriga dhisanaysay ay bilaabaan dhismaha guriga waa laga dumin jiray gurigiisa si dhagaxda loo ismticmaalo. Odaygan isaga ah arinka in gurigiisa laga dumiyo wax dhib ah kumay hayn oo meel kale oo dhagax lagu rogay ayuu iska raadsan jiray, kadibna halkaa ayuu mid kale ka dhisi jiray.

 

Hadaba bajal waxa uu ahaa oday cajiib ah oo waligii qof insaan ah waxba kama qaadan, hadii la siiyana uu diidi jiray. Marka la waydiiyo sobabta uu waxba dadka uga qaadan laayahay xataa hadii la siiyo waxa uu odhan jiray " waar dadka waxba lagama qaato waayo way kugu sheeganayaan hadhaw, kadibna way ku yaraysanayaan,markaa ilaahay ayaa wax la waydiistaa", sidaa darteed bajal uu iska xoogsan jiray oo subixii ayuu kalihi jiray. Waxa uu inta badan tagi jiray meelaha qashinka lagusoo qubo waxana uu ka raadin jiray hargaha xoolaha ama kabo lagusoo daadiyay halkaas, markaa suuqa ayuu gayn jiray kadibna waa laga iibsan jiray oo sidaa ayuu noloshiisa ku dabari jiray.

Sidaan horay idinku soo sheegay gurigiisu waxa uu ahaa dhagax uu dusha iska saarsaaray, wuxuuna dhinaca sare ku hagoogi jiray biro iyo baco badan, albaabkana dhusha sare ayuu ka samayn jiray oo markuu guriga soo galayo ama uu ka baxayo dusha sare ayuu ka bixi jiray ama kasoo gali jiray. Bajal waxa uu aad u jeclaa hilibka iyo maraqa, markaa waxa uu aad u iibin jiray hargaha uu soo helo oo lacag yar oo fiican ayaa laga siisan jiray.kadib waxa uu soo iibsan jiray hilib oo habeenkii ayuu karsan jiray,inta soo hadhana meel ayuu dhigan jiray.

Subixii hadaba marka uu bajal guriga ka baxo waxaa jirtay bisad "mukulaal" iyadu guri usoo waydaaran jirtay oo wixii aya guriga ka hesho ayay iska cuni jirtay.

 

Arintani bajal ayay dhib ku noqotay oo markasta oo uu guriga soo galo wuxuu arki jiray cuntadii iyo hilibkii meesha uu dhigtay oo la cunay iyo waliba gurigiisiina la dabagadiyay.

 

Marka uu guri soo galayo ayuu arki jiray bisada oo guriga kasii baxaysa, markaa ayuu odhan jiray " bisadani way I dhibtee wallee maalinta aan gacanta ku dhigo inta aan gawraco ayaan harageedana iibsan". Markaa isaga oo cabiraya dhibka isaga iyo bisada kala haysta ayaa waxa uu yidhi.

 

Bisadbaa I dhibtoo

Baadkii aan dhiganaayiyo

Biyihiiba dhamaysay

Waar ma anaa wax ka biiyay

Aduunku waa badanyee

Baytkan aan daganahay

Iyo maxaa daaskan ku baabay

Arsaaqdaa badatee

Eebaheen balbalaadhshay

Ma bustaa laga saaray

May banaanka u sooftoo

Bariis meel lagu daadshiyo

Baastadii la hambeeyay

Hadhaagii basasha

Xabuub aanan bislaan

Caanahoo burcadkii

Iyo biyihii laga saaray

Oo baraxaa lagu daadshay

Intaa miyay bajasho

Dabadeed budliso

Badhka ay kari waydana

May u baaqdo caruurta

Iyagna ay ka bogtaanoo

Bisinkaa u qabtaane

Gurigii iga biisay

Kadinkay balaqdaa

Gogoshii wada boodh

Biyihii fadaraysay

Bi'iwaa bajaloow

Beesteen saanay u qaadin

Waa inaan bisadaa

Plan wayn u dajaa

 

Arintu waxay sidii ahaataba, ninkii bajal mudo ayaa uu dhibkaa ku jiray oo marka uu guriga ka baxo ayaa bisadu soo gali jiraty kadibna wixii yaala guriga ayay cuni jirtay. Hadaba waxa dhacday in odaygii bajal suuqu ka xidhmay oo hargihii uu meelaha qashin qubka kasoo heli jiray uu waayay, markaa in mudo ah ayuu xaalkiisu sidaa ahaa oo uu iska bisaaradaysnaa. Maalin ayaa isaga oo fara madhan uu guriga kusoo laaabtay, kadib markii uu guriga xaga sare kasoo galay ayuu markiiba bisadii isha ku dhuftay, kadibna albaabkii ayuu si dagdaga u xidhay. Bisadii ayaa markay aragtay bajal isku dayday inay baxsato, laakiin way u suurto gali wayday oo albaabkii kaliya ee laga soo galayay ayaa xidhnaa.

Bajal ayaa isaga oo naftiisa la hadlaya yidhi "maanta waa in bisadaasi iyada oo nool ayna ka bixin guriga si harageedu uuna kuu seegin"

markaa bajal ayaa isaga oo bisadii la hadlaya yidhi.

 

Maanta waan ku hayaa

Habaryahay oofaha waynlii

Horta waad xidhantahay

Ha soo dhaafin bartaa oo

Halkaad joogto istaag

Gurigii aad halaysay

Hilibkii aad dhamasay

Caanahaaad hirqatay

Iyo hadhimadii idilkeed

Imika soo dhig halkaa

Ama waa haragaaga

Hadaad yeelin sidaa

Hadii aan lagu haybin

Oon haragaagana iibsan

Hebel layma yidhaa

 

Bajal waxa uu weerar laxaadle ku qaaday bisadii oo bud iyo birba uu iskugu daray. Kadib bisadii ayaa iyadna markay meel ay ka baxdo wayday kusoo jeedsatay odaygii markaa ayaa dagaal culus meesha ka dhacay. Labada dhinacba dhaawacyo daran ayay is gaadhsiiyeen, bisadii iyada bud ayaa lagu garaacay oo feedhaha ayaa laga jabiyay, ninkii bajal isagana ciddi ayay maqaarka sare kaga qaaday. Kadib bajal markuu budkii waxba tari waayay ayuu midi iska jiiday oo madaxa kaga taagay, bisadiina halkaa ayay ku dhimatay. Kadib bisadii ayaa inta uu gawracay haraga ka saaray, maydkeedina inta uu bac ku riday ayuu gidaafada ku daray.

 

Bajal hadaba dhaawacyo aad u waawayn ayaa ka gaadhay maqaarka oo inta dhiigu isku darsamay ayaa uu xanuun iyo hafeef joogi waayay. Markaa isaga oo guriga ka dhex taahaya ayaa waxa maqashay qof dumar ah oo jaarka ahayd oo la odhan jiray muumina. markaa muumina oo la yaaban buuqa ka soo baxaya guriga ayaa inta ay gurigiisii yaraa soo hor joogsatay bajal ku tidhi

 

Muumuna

Haye ii waran xaaji

Horta saw lama fiicna

Miyaad soo hadh gashay

Hawraarta aad tirinaysiyo

Higaada waan maqlayee

Ma cidbaad la hadlaysay

 

Bajal

 

Muumina ismaaciileey

Maanta waan ba'anahay

Miyaan jiifsan karaaba

 

Muumina

Oo maxaa ku helay

Ma mijihii adhiga

Maraqii ad ka saartay

Iyo baruurbaad miratay

 

Bajal

 

Madixii adhiga iyo

Maraqii an ka saaray

Maba saarin afkaygee

Mukulaalbaan is dilnay

Mininkayga dhexdiisa

Miyaadan dhiiga arkayn

Miciyahay I dartee

Ana middi aan af lahayn

Ayaan madaxaa ka gashayoo

Maydkeedaan ka kacay

Mijihaa adhiga iyo

Maraqaan karsanaayayna

Iyadaa madhisay

 

Muumina

Waar miyaad waalantahay

Wuxu waa mukulaale

Maxaa kuu geeyay miskiinta

Miciyahaa ay kugu taagtiyo

Naburkan guudka ka muuqda

Hadii aadan milixda

Iyo biyo aadan ku maydhin

Mililbay sobobtaaye

Ha moogaan bajalaw

Oo milicdana iska ilaali

 

Subixii dambe ayaa ninkii bajal jidhkii oo dhan bararay oo nabaradii bisadu gaadhsiisay ayaa kusoo wada baxay. Markaa subixii uu bixi kari waayay oo uu iska jiifay. Kadib muumina ayaa duhurkii si kadis ah is tidhi bal ninkii bajal inuu saaka baxay iyo in kale soo eeg, Kadib muumina ayaa bajal oo aad u xanuunsanaya u tagtay oo waxay aragtay odaygii oo aad u ba'an. Muumin intay gurigeedii kusoo laabatay ayay wiilal ay dhashay oo guriga joogay ku tidhi " Ninkii miskiinka ahaa ee bajal ayaa maanta aad u xanuunsane bal dhakhtarka geeya dawooyina uga soo qaada".

 

Labo wiil ayaa utagay bajal waxayna u sheegeen in dhakhtarka la gaynayo dawooyina lasiin doono. Hadaba ninkan bajal aad ayuu dhakhtarada u necbaa iyo meelaha dadka buka iskugu yimaadaan, isagoo aaminsan in qofkii dhakhtarka la geeyo uuna soo laaban oo uu sidaa ku dhinto. Sidaa darteed waxa uu odhan jiray dhakhtarka waa lagu dhintaa oo ma fiicna tagitaankiisu, markaa bajal waligii dhakhtar kama ag dhawaan dawana waligii ma qaadan.

Markii uu arintii maqlay ayaa inta uu hurdadii kasoo booday yidhi " dhakharaa!, ma anaad dhakhtar ii wadaan?, Waar anigu ma dhimanayee socda oo shaqadiina qabsada. Bisad ayuunbaa iyar xagatoo waxba ma qabee, hada ayaaban islahaa suuqa aad u baxdid". Markii bajal sidaa ku adkaystay ayaa ay wiilashii muumina ku laabteen oo ay u sheegeen inuu diiday in dhakhtar la geeyo. Muumina ayaa ku laabatay bajal oo waxay ku tidhi " dhakhtarka waa lagu gaynayaa hadalka badan jooji, hadii aan dhakhtar lagu gayn xaaladaadu way sii xumaan doontaa. Markaa diyaar ahaw waa lagu kaxaynayaaye". Odaygii bajal ayaa inta uu cadho qarsoomay ku jawaabay " muuminaay waligaa dhakhtar miyaad I gaysay, dee waa maya. Hadaba arimahayga ka bax hadii kale waan isku dhacaynaa. Anigu waligay dhakhtar ma tagin hadana tagi mayo".

 

Bajal subixii dambe jidhkii oo dhan ayaa bararay, kadib ayaa hal irbad inta laysku qabtay lagu muday. Markii uu bajal bogsaday ayuu meeshii uu daganaa ka guuray, gurigiisii yaraa ee dhagaxda ka samaysnaana uu burburiyay. Wuxu aaminsanaa in uu dhiman doono, markaa isaga oo muumina iyo wiilasheedii ku xanaaqsan ayaa uu yidhi " way tola'ay oo tola'ay, qaraabaday iyo tolkay ayaan doonanayaa, waxaan ahay nin lagu xad gudbay"…

 

Sidaa ayuu bajal uga guuray xaafadihii, waxana uu aad uga xanaaqi jiray bisadaha oo haday jid yar kaga soo hor baxdo wadada kale ayuu mari jiray. Haragii basada uu ka saarayna waxba lagama iibsan ee waa uu ku qasaaray. Wixii intaa ka dambeeyay marka uu guri dhisayo albaabka dusha sare kama samayn jirin ee dhinac ayuu ka samayn jiray sida guryaha caadiga ah.

 

Halkaa ayayna sheekadii bajal iyo bisadii ku dhamaatay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this