Sign in to follow this  
odayga inanta

"Habar-dugaag oo aroos igu casuumay".

Recommended Posts

Habar-dugaag

...........................

Maalin maalmaha ka mida ayaan isku dayay inaan tahriibo oo aan wadanka iskaga tago. Waxan ka ambabaxay magaalad Borama ilaa iyo dhanka Itoobiya, sidii aan u socday ayaa waxaan gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya. Dhawr maalmood ayaan halkaa ku nastay anoo raadinaya cid ila socdaasha oo ila gasha safarkan dheer, nasiib wanaag waxaan is helnay dhalinyaro Somali ah oo iyaguna rabay inay wadanka ka dhoofaan. Anagoo xayn dhalin yar ah ayaa waxan ka sahay qaadanay Adis abab anagoo gaadiid dhawra wadana, kolkaasaan u hayaanay ilaa dhinacaa iyo Sudan oo aan safar dheer halkaa ka bilawnay...

 

Jidkii udhaxeeyay Itoobiya iyo Sudan ayaa ahaa mid aad u dherer badan, roobku kala joogsi ma lahayn, dhirtuna waxay ahayd mid is wada haysata oo aanay geed mooyaane wax kale ishaadu qabanayn. Codadka shimbiraha kala duwan iyo duur joogta kale ayaa iyaguna jawiga qabsaday. Adigu ayaanan waxba hadal kugu daaline dhulku barwaaqo ayuu ahaa, indhuhuna waxay cosobsanayeen cagaarka dhulka iyo bilicda aadka u wanaagsan ee nagu hareeraysnayd.

Goor aan wadada ku taaganahay oo sheeko iyo madadaalo la is dhaafsanayo ayaa waxaan mar kaliya maqalnay gurxan iyo gooh kasoo baxaya kaynta gadaasheeda; nasiib daro waaba jabhad dhiigyo cab ah oo dadka safarka ah dhacda had iyo jeer. Nafi orod bay kugu aamintaa; qof walba cagaha ayuu wax ka dayay oo orod buu miciinsaday...

 

Aniga oo ambabarsan ayaa waxaan u orday dhinac anoo neef tuuraya. Garan maayo meel aan u socdaye, waxan sii dhacdhacba waan fogaaday. Sidii aan u caymadayay ayaa waxa aan usoo galay habar-dugaag. Joog ayaa markiiba la igu amray, " dad ayaad ka baxsanaysaye ma duur-joog ayaad daf u soo tidhi, waa yaab!" ayay naftadu I waydiisay. La igamaba hadline tudh ayaa la I siiyay, inta la isku kay jabiyay ayaa garba duub la ii xidhay waxana la ii geeyay boqorkii habar dugaag. Waa aar libaax oo aad wax walba ka filan karto, wuxu markiiba ii sheegay inaan dil ku xukumanahay, aroortana la khaarijin doono. Talo faraha ayay ka baxday, wax aan sameeyana waan garan waayay. " ma oydaa mise waad qaylidaa, ma baryootantaa ma iska aamustaa, mise waabad is dishaaba" ayaan isku la hadlay. Kolkaan qadar yar fikiray ayaa waxan is idhi waad dhimataye allah kuu naxariisto.

 

Libaaxii ayaa subaxii dambe ii yeedhay si uu ii waraysto waxaan ahay iyo meesha aan ka imid. Boqorkii oo xanaqsan ayaa la I horkeenay, wuxu igu yidhi "Waar maxaa dhulkayaga kusoo galiyay, miyaadan ogayn inaad wadkii lugahaaga kusoo doonatay?". Markaa ayaan anna waxan ku hadaaqay " Boqorow!, boqorkii habar dugaagoow waxaan ahay qof soo lumay oo ay tuugo eryanayso". Hadana wuxu i yidhi; halkeed ka timid?, kolkaasaan ku jawaabay; waxa aan ka imid SOOMAALIYA oo ay dagaalo rakaadiyeen, markaa waan is kaga soo barakacay maadaama aan ku noolaan kari waayay dhulkaygii. Libaaxii ayaa dhoola cadeeyay, aniguna yaab I hel oo aan is waydiiyo tolow muxuu kaaga qoslayaa. Laakiin niyada anoo wanaajinaya ayaan is idhi wallee qosolkiisa aragtaye wuxu soo wadaa ma xuma, balse aan iska sugo.

Kadib libaaxi intuu cabbaar aamusay ayuu af buuxa ku yidhi "Aniguba Somali ayaan ahay oo asalkaygu halkaa ayuu kasoo jeeda, awowgay ayaa sidan oo kale ugasoo barakacay. Waxa aan aad uga xumahay in ay wali dagaalo ka socdaan dhulkii hooyo. Waxba ha ka cabsan dhulku waa dhulkaagii".

 

Markay sidaasi dhacday ayaa aniga neef qaboobi iga soo baxay, waxan ku hadlo ayaan garan waayay. Waxan Is idhi madaxa ma dhunkataa, haddana markaasaan baqay, farxad darteed ayaan bood-booday oo aan garan waayay meel aan joogo. Wuxu igu yidhi hadana libaaxii "is daji, wax wanaaga kuuma aanu samayn. Waan isu leenahay oo noole wada dhashay oo carro qudha laga abuuray ayaan nahay. Iska naso oo nala yara joog". Goortaan Libaaxi is garanay ayaa uu yidhi aroos baa jira oo Diin ayaa guursanaya, sidaa darteed caawa marti ayaad ii tahay oo waan ku casuumayaa, arooskana waad nagala qayb gali hadduu alle ka dhigo. Arinkii waan ka gudoomay sidaa ayaan habeenkii marti ugu noqday habar-dugaag.

 

Goobtii waxan isku baranay dhamaan habar-dugaag oo dhan, yar iyo wayn, dhidig iyo lab, si wanaagsan oo kal iyo lab ahna way isoo dhaweeyeen. Badi habar dugaag waa iska wada mashquul sanayeen; qaarbaa ugaadhsi loo diray, koox kale dhaan ayay ku maqnaayeen, kuwa kale xaabo ayay dooneen, qaar kalena qaban qaabada arooska ayay ku jireen, meesha hawl aan caadi ahayn ayaa ka socotay. Libaax ayaa ku yidhi Maroodi oo na garan joogay "ninkan inoo ah martida kaxee oo dhulka soo yara marmari". Halkii ayaa aniga iyo Maroodi iska raacnay oo aan kusoo wareegnay goobtii uu aroosku ka dhacayay. Waxaan aad ula yaabay habsamida iyo kala dambaynta ay u shaqaynayeen; dawocooyin ayaa ahaa kuwa qaabilsan cunta karinta, markaa iyagoo basal badan wada ayay nasoo hor mareen. Dawoco ayaa hadal yar oo kaftan ah igu soo tuurtay oo tidhi" mashaa allaha maanta xataa arooska waxaa jooga tima yare, macnaha bani aadan". Maroodigii oon wada soconay ayaa ku yidhi "xishooda oo orda shaqadiina qabsada", iyaga oo hoosta iska gujinaya ayay na dhaafeen.

 

Shaqadii iyo hawshii arooska waa la dhameeyay, cadceediina way gaabatay oo way dhacday. Dhamaan intii shaqo loo diray ama hawl ku maqnayd way soo laabatay, xafladii arooskuna sidaa ayay ku bilaabantay. Boqorkii Libaax oo ku labisan shaash ayaa soo baxay oo kursgiisii dahabka ahaa ku fadhiistay. Diin oo ahaa caruuskii oo ay Masas badani minxiis u yihiin ayaa isagana loo soo kaxeeyay goobtii arooska oo aad loo qurxiyay, iyagoo mashxarad lagu galbinayo ayaa kuraastii loogu talagalay oo dahab lagu sharaxay ay fadhiisteen. Dhamaan markii ay habar dugaag oo aad u wada labisani halkaa iskugu yimaadeen, dabcan aniguna aad ayaan u soo labistay ayaa Libaaxii kacay, wuxu yidhi " Waxa farxad wayn ii ah inaan arooskan qiimaha leh idin kala soo qayb galo. Caawa kaftanka iyo in la isku foorjeeyaa way furantahay oo cid xanaaqi kartaa ma jirto, aniga laftaydu waan ku jiraa tartanka. Qafkii laga badiyo ha is adkeeyo, inta caawa madasha ka muuqatana abaal marin ayaan siinayaa. Waxan u hambalyaynayaa lamaanaha is guursaday, arooskuna ciyaar iyo cabitaanba waa furanyahay"..

 

Habar-dugaag markay aroos sidan oo kale isku yimaadaan wacdaro ayaa ka dhaca laga sheekeeyo sannadada soo socda. Waxa laga dhaxlaa aroosyadan oo kale hadalo dhaxal gal noqda oo ay habar-dugaag is kugu maahmaahaan. Habar-dugaag way kala duwanyihiin sida aadamuhu u kala duwanyahay; qaar baa heesaha ku fiica oo cod dahabiya leh, qaarba gabya oo aftahano ah, kuwa kale ayaa majaajilada ku wanaagsan, kuwa kale ayaa iyaguna qoob ka ciyaarka "Dancing" ku fiican, qaarbaa waxbaba aan ku fiicnayn, qaarbaa la wada jecel yahay. Waxa iyaduna meesha ku jirta ina habar-dugaag qaarkood ay sheeko u dhaxayso; qaarba arimo jacayl dhex yaalaan, qaarbaa inay is guursadaan la isku diiday, midbaa mid mid kale ka raacday.

 

Waxba ayaan hadal idinku daaline arooskii ayaa la is kugu wada yimid, iyada oo aad loo wada labisanyahay. Aan idiin kala baxo arooskii habar-dugaag iyo wacdarihii ka dhacay....

 

............La soco qayta kale...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

waa sheeko la yaab leh oo xikmad badan waxayna sii macaanaatay markii loo sheegay in diin caawa aroos yahay

mahad sanid awoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

lol.

 

Saxiib, welcome. Thanks for sharing it. I am jealous of how you tagged this topic "Coofle, Saxansaxo, wyre". You must know they like these stories. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

what!? haha, you made me laughing man. i am sorry i didn't choose them for one reason or another, i just wanted my story to be read by some of you. it was a random choice sxb, may be i was wrong about that. i am new to this place, that is...anyway thanks for reading the story, i will post the second part. stay with me...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this