Sign in to follow this  
odayga inanta

Heerarka suugaanta soomaalida

Recommended Posts

Suugaanta soomaalidu waxay soo martay marxalado kala duwan sida ay dadku sheegaan. Marxaladaha waxa kamida

 

1.Guumaysiga ka hor

 

2.Wakhtigii gumaysiga

 

3.Xilligii gobanimo doonka

 

4.Markiii xornimada la qaatay ee dawladu dhalatay

 

Suugaanta hadaba laba jeer ayay ugu fiicnayd, taas oo aan odhan karno waa labada xilli ee dahabi ahaa oo ay suugaanta soomaaliyeed soo martay.

 

1.Xilliga hore waxa weeyaan kasoo bilaw qarnigii 19aad ilaa qarnigii 20aad horaantiisii. Waxana kamida suugaanyahanadii wakhtigaa noolaa; Sayid max'ed c/lle xasan, Qamaan bulxan, Ismaaciil mire, Salaan carrabay, Cali dhuux. Wakhtigaa waxan odhan karnaa waa casrigii dahabiga ee ay maansadu soo martay abid, gabayada ugu doorka roon ee dhaxal galka ahna badi wakhtigan ayaa la tiriyay. Xilligan kaliya godka gabayga ayaa suugaanta laga tiring jiray, inta badan.

 

2.Xilliga labaadna waa markii la bilaabay in suugaanta masraxa ama tiyaatarada la keeno. Waa wakhtigii xornimada la helay ee ay dawladu dhalatay. Waxana kamida hoobaladii wakhtigaa jiray; Xasan sheekh muumin, Hadraawi, Sangub, Cabdi qays, Dhoodaan, Xasan ganay iyo intii kale ee la lod ahayd. Xilligani wuxu kaga duwanyahay wakhtigaa hore maansada godadkeeda kala duwan ayaa la istic maali jiray. sida; gabayga, jiiftada iyo heesta, buraanburka iyo qaybaha kale ee maansadu ka koobantahay.

 

Silsiladaha suugaanta soomaalida

 

Silsiladuhu waxay kamid yihiin waxyaabaha suugaanta soomaaliyeed kor u qaaday. Silsiladuhu waa maansooyin taxane ah oo la isku tiriyo. Inta badan silsiladuhu waxay ka yimaadaan mawduuc la isku qabto oo kadib la isku af dhaago, markaasaa gabayaa kastaa caqligiisa iyo wixii uu dufaacayo ka gabyaa. Silsiladaha ugu caansan ee soomaalida waxa kamida;

 

1.Silsiladii Halac dheere:- Silsiladan oo sidoo kale loo yaqaano Haamey am doollo ayaa waxay ku bilaabantay sidan; niman ka soo hayaamay agagaarka banka qoraxay ayaa gabadh la yidhi ina keenadiid ayay ahayd waxay ka dooneed gobolka mudug gaar ahaan deegaanka hobyo. Nin cali sharmaake la yidhaa oo reer mudug ah ayay nimankii gabadha doonayay biyo ka dalbadeen. Nin halac dheere lagu naanayso oo ragga la socday ayaa wiil yar oo uu dhalay cali sharmaake ku yidhi " waar orod oo reerka nagasoo waraabi". Intaanu wiilkii yaraa dhaqaaqin ayaa raggii mid kamid ihi yidhi " waar halac dheerow haduu cali sharmaake ku yidha waxan ahay ninkii halac dheere baryo hayn jiray maxaad samayn?". Wiilkii yaraa ayaa hadalkii ka hoos qaaday raggi markaasuu cali sharmaake u sheegay.

 

Markuu cali sharmaake sheekadii maqlay ayuu raggii marti qaad u fidiyay isaga oo arrin la maagan. Kolkuu martiqaadkii dhamaaday ayuu gabayna u dhiibay, waxa kamid ahaa gabayga

 

Gobanimo inay hodan tahay oo horay naloo siiyay

Hanti tiisa isagoon wadanoon tolkii iga horaynin

Halac dheere ninkii sannado hayn jiraan ahaye.

 

Sidaa ayay silsiladu ku bilaabantahay. Waxa loo kala baxay reer qorraxay iyo reer mudug. Waxa ka qayb galay silsiladan; Cali sharmaake oo bilaabay, Sayid maxamad c/lle xasan, Qamaan bulxan, Cali dhuux, Maxamuud qamaan, Gooni cabdi xaaji, Yuusuf ibraahim iyo Faarax yuusuf.

 

2.Silsiladii Guba: -Silsiladani waxay salka ku haysaa mashaakil iyo dagaalo ka dhex dhacay laba beelood oo soomaali ah. waxay ka bilaabantay mar gabayaagii caanka ahaa ee Cali dhuux uu hal uu lahaa loo diiday inay ceel ka cabto. Kadib cali dhuux ayaa gabay tirinaya uu beel ku kicinayo isaga oo ku guubaabinaya inay beel kale goroda is daraan. Gabaygii uu cali dhuux tiriyay wuxu sobabay isku dhac laba beelood oo markii danbe geel iyo hantina lakal dhacay. Silsiladani waxay socotay muddo badan " 1920s illaa 1950s" , ilaa wiilkii markay bilaabantay dhashay uu soo galay markii danbe.

 

Waxa ka qayb galay; Cali dhuux, Qamaan bulxan, Salaan carrabey, Ismaaciil mire iyo niman kale oo badan

 

3.Silsiladii xaydha: -waxay dhacday markuu dagaalkii labaad ee aduunku socday. Waxayna ka kacday niman socota ahaa oo intay burco ka tageen hawd kusii jeeday ayaa markay magaalaada kasoo baxeen waxay u baahdeen subag ay jidka kusii maraan. Nin xirsi caamir la odhan jiray ayaa subag loo diray kaas oo markii danbe rag kale yidhaahdeen xaydh ayuu ahaa. Halkaa ayay ka bilaabantay. Silsilada waxa ka qayb galay; Xirsi caamir, Weerar cali geelle, Maxamad nuur abokor " huube", Aar xandulle nuur iyo Diiriye x. guuleed warsame.

 

4.Silsiladii siinley:- silsiladani waxay bilaabantay sanadkii 1972 or 1073-kii, waxana bilaabay Cabdi qays iyo hadraawi. Hees la yidhaa "aakhirooy halkeebaad naga xigtaa" ayuu Cabdi qays tiriyay, kolkaasuu hadraawi ka jawaabay isagoo uga digaya inuu siyaad faraha la galo. Markaa wuxuu hadraawina kaga jawaabay hees la yidhaa "Arraxmaan". Muddo markay kasoo wareegtay ayaa waxa soo baxay ruwaayad la odhan jiray "aqoon iyo af-garad" taas oo rag hadraawi kamid yahay ay sameeyeen. Waxa ku jirtay riwaayada heestii " saxarlaay ha fududaan", kadib Cabdi qays ayaa isaguna hadraawi dib ugu jawaabay hees la yidhaa " Ninka soo scodow joog". Sidaa ayay ku bilaabantay. Laakiin waxa la yidhaa siyaasad ayay ahayd oo Saxarlada la sheegayay waxay ahayd Jabuuti oo la xoraynayo.

 

Silsiladani waxay kuwa hore kaga duwantahay waxa laga tiriyay godka heesta ama jiiftada, waxana ka qayb galay; Cabdi aadan xaad " cabdi qays", Max'ed ibraahim warsame " hadraawi", Cali saleebaan bidde, Xaaji aadan axmad " af-qalooc", max'ed xaashi dhamac " gaariye", Siciid saalax axmad, Max'ed C/laahi riiraash, Yuusuf jaamac " yuusuf canfar", axmad max'ed " 18 jir", Xasan cilmi " reer jibouti", Ibraahim gadhle " reer jabuuti iyo Caasha jaamac diiriye " oo saxarla ahayd, reer jabuuti"…

 

5.Silsiladii deelay:- waxay bilaabantay sanadkii 1979- 1982-kii. Silsilada waxa bilaabay gaariye oo ka hadlayay dawladii wakhtigaa jirtay. Silsiladii way balaadhatay, waxana loo kala baxay rag dawladii kacaanka taageersan iyo kuwa kasoo horjeeda. Silsiladan deelay waxa ka qayb qaatay; maxamed xaashi dhamac " gaariye", maxamd ibraahim warsame " hadraawi", siciid saalax axmad, cabdi lidaan faarax, axmad faarax cali " idaajaa", ibraahim gadhle, c/qaadir xirsi yamyam, c/laahi macalin axmad " dhoodaan", ibraahim she. Sulaymaan, cabdi aadan xaad " cabdi qays", aadan cilmi " qooryare", aadan tarabi jaamac, maxmad jaamac " gaax-nuug" iyo muuse cali faruur.

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

odayga maanta, marka hore soo dhawoow, marlabaad waxaan ka mid ahay dadka suugaanta xiiseeya. labada wakhti need sheegtay midka hore wakhti aag buu ahaa. wakhtigaas hore waxaan ku arkay suugaan badan oo u badan Faan, Diradiraale, iyo digasho. Inkasta oo waxyaaba badan oo dhaqan, deeqsinimo iyo geesiniom ku jirto hadana waxaad moodaa in ay tayo liidatay.

 

Dhinacayga waxaan is leeyahay, suugaantii gobonimo doonka iyo wakhtigii xoriyada ka horeysay ayaan u arkaa mid tayadeeda iyo meesha laga ciyaarayba ay ayhayd mi saraysa.

 

Bal eeg Barkhad Cas, Xaaji AAdan af qalooc iyo rag kale oo ka hadlayey gumaysiga iyo nxoriyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbeedi waad ku mahadsantahay fikirkaa aad soo gudbisay. Labadan xilli ee aan sheegay waa labada la isku raacay suugaanta soomaidu inay kor u kacday, taasina waxay sabab u aha suugaanta oo xifaaltan gashay; waxa la bilaabay silsiladaha suugaanta ee markii dambe caanka noqday. laakiin suugaantii gobanimo doonku iyada ayaa ugu qiimo badnayd, sobabta oo ah guubaabo iyo wanaag ayay ku salaysnayd. laakiin anigu waxan ka hadlay labada jeer ay suugaanta soomaalidu kor u kacday...salaam....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this