Sign in to follow this  
malistar2012

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo la qorsheynayo in dhawan dib loo howlgeliyo

Recommended Posts

Dood Cilmiyeed ku saabsan dib u howlgelinta Kuliyadaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ee Jaamacadda Umadda oo ka furmay Muqdisho “

 

tumblr_m5za6p45Ha1qcm9jgo1_1280-620x330.

 

 

 

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta furay dood cilmiyeed ku saabsan dib u howlgelinta iyo qaabeynta kuliyadaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka mid ah noqonaya kuliyada ay Jaamacaddu bilaabi doonto.

 

Dood cilmiyeedka ku saabsan dib u howlgelinta iyo qaabeynta kuliyadaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, islamarkaana socon doono muddo labo cisho ah, iyadoo ay ka qeyb galeen Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, aqoonyahano horey wax uga bartay Jaamacadda iyo marti sharaf.

 

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Aadan Guuleed Shabeel ayaa ka sheekeeyay taariikhii Jaamacadda iyo heerarkii kala duwan ee ay soo martay, isagoo xusay in Jaamacadda la aas aasay 1-dii December ee sanadkii 1969-kii, kahorna ay ahayd markii ay jirtay dowladdii daakhiliga 1950 Machadka Siyaasadda, 1954- Machadkii Dhaqaalaha iyo 1964-tii oo ahayd Machadkii sharciga iyo dhaqaalaha.

 

“Waxaa jirta in xaruntii hore ee Gaheyr ee la furay 1985-tii ay deganyihiin ciidamo, sidoo kale kuliyado kala duwan oo ay Jaamacaddu ku lahayd Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Hoose ay iminka yihiin kuwa ay shaqsiyaad iska deganyihiin iyo kuwa kale oo la ogyahay dadka degan, marka waxaan qorsheyneynaa in aan xarumahaasi dib u howlgelino” ayuu yiri Aadan Guuleed Shabeel.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in ujeedka dood cilmiyeedkan uu yahay sidii loo qaabeyn lahaa kuliyadaha ay Jaamacaddu ku bilaabi doonto inay howlgeliso, isagoo xusay in 1-da July ee sanadkan ay la wareegi doonaan xaruntii hore ee Jaamacadda Umadda ee ku tiilay dhabarka dambe ee Hotel Shabeelle, halkaasi oo haatan ay dib u dhis ay ku sameyneyso dowladda Baxreyn, si bisha August halkaasi loogu bilaabo ilaa iyo lix kuliyadood oo ay wax ku baran doonaan 500, arday.

 

Ku-simaha Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaadi Mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa ugu baaqay aqoonyahanada Soomaaliyeed inay la soo xiriiraan Mas’uuliyiinta Wasaaradda, si ay isaga kaashaadaaan dib u soo nooleynta Kuliyadihii ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed lahaan jirtay, ayna gacan ka geystaan dib u howlgelinta Jaamacadda Ummadda.

 

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Axmed Maxamed oo isna ka hadlayay dood cilmeedka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Jaamacadda Ummadda looga fadhiyo inay ka fekeraan sidii ay Jaamacaddu u noqon lahayd mid xambaarsan aqoon, islamarkaana ay koontarool ku sameeyaan Macalimiinta wax ka dhigi doonta Jaamacadda xagga aqoonta iyo tayadooda.

 

“Aniga waxaan ka mid ahaa dufcaddii labaad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka baxay ee dhiganayay kuliyadda Beeraha oo la bilaabay 1971-kii, anaguna waxaan noqonay 48 arday oo ah kuwa ugu badan ee sanadka 1978 ka baxay Jaamacadda” ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

 

Guddoomiyaha gudiga beeraha, Xoolaha iyo kheyraadka Xildhibaan Saciid Maxamed Cali ayaa ku baaqay in dood cilmiyeedkan lagu marti qaado ardayda wax ka baratay Jaamacadaha dalka, si ay talo ugu soo biiriyaan.

 

Xildhibaan Prof Cabdirisaaq Xasan Jurile oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay in Jaamacaddu ay ahayd siyaasaddii Qaranka ee Tacliinta sare iyo xarun cilmi baaris ah oo ay bulshada ku dhaqan Qaaradda Afrika ay Jaamacadda u soo raadsan jireen.

 

“Runtii Jaamacadaha ku yaalla wadamada bariga Afrika, halkaan ayay cilmi baaris u soo raadsan jireen, waxaanu ahayn aqoonyahano ay ka go’antahay in Jaamacadda la hor mariyo, waxaan inta hadda howshaasi gacanta ku haysa uga mahadcelineynaa sida ay ugu dadaallayaan in dib loo howgeliyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo xaqiiqdii waxbarasho lacag la’aan iska dhaafee anaguna nala xanaaneyn jiray, lacagna bishii nala siin jiray” ayuu yiri Prof Jurile.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo furay dood cilmiyeedka looga hadlayodib u howlgelinta iyo qaabeynta kuliyadaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay gacan ka geysanayso sidii hib loo howlgelin lahaa Jaamacada Umadda Soomaaliyeed.

 

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo la qorsheynayo in dhawan dib loo howlgeliyo ayaa Mas’uuliyiinta Jaamacaddu waxa ay wadaan qorsheyaal ku aadan sidii dib u habeyn iyo qaabeyn loogu sameyn lahaa lix kuliyadood oo ay ku bilaabi doonto Jaamacadda, iyadoo intii uusan dhicin bur burka dalka ay Jaamacadda lahayd 14-kuliyadood, waxaana Jaamacadda La furay 1-da December sanadkii 1969-kii.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this