Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu Mayor shuts down arms market

Recommended Posts

hub.jpg

 

 

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo nabad sugida gobolka Banaadir ayaa maanya weeraray suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ee lagu kala iibsado hubka iyo rasaasta.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay isku daqiiqad xoog ku galeen suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cirtoogte iyo suuq hubka lagu iibsado oo sanooyinkan dambe ka sameysay Km5.

 

Intii uu howlgalkaas socday ayaa ciidamada dowlada waxay labada suuq ka soo qabteen hub fara badan oo kala nooc ah iyo rasaas looga ganacsabnayey suuqyadaas.

 

Sidoo kale ciidamada ayaa soo xirxiray ganacsato fara badan oo ka mid ahaa kuwii ka ganacsanayey hubkaas, iyagoo u taxaabay macal hubkoodana la geeyey xarunta dembi baarista CID ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada hubka ayaa la sheegay iney baxsadeen ka hor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada howlgalka fulinayey, iyadoo howlgalkan uu noqonayao kii ugu horeeyey noociisa ee laga sameeyo suuqyada hubka lagu iibiyo ee Muqdisho, illaa haddana saraakiisha ciidamada dowlada kama aysan hadlin.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

images?q=tbn:ANd9GcREKRFbv0xzLgWUKW1iRZ5

 

Ciidamo gaar ah oo maanta la wareegay gacan ku heynta suuqa hubka lagu iibiyo ee

 

 

Ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia ayaa maanta waxa ay howlgal aan horay loo qorsheyn ka sameeyeen suuqa lagu iibiyo hubka ee Cirtoogte

kaas oo ku yaala degmada Hodan. Ciidamo si gaar ah u tababaray ayaa gabi ahaanba xabsiga u taxaabay ganacsatadii hubka ee Suuqa Cirtoogte kaas oo ku yaala meel u dhaw isgoyska Suube sidoo kale waxa ay ciidamada qaateen

dhammaan hubkii yaalay halkaas oo lagu iibinaayay.

 

Saraakiisha Ciidamada Howlgalkaas fulinaayay ayaa waxa ay amar ku bixiyeen in gabi ahaan la baaro goobaha ku yaala halka hubka lagu iibinaayay oo isugu jira goobo Ganacsi waxaana laga soo saaray hub badan meelihii baaritaanka lagu sameeyay.

 

Si kastaba ciidamadaan ayaa waxa ay ku wargaliyeen dadkii meesha joogay in aan hub lagu iibin karin halkaas iyadoo goobta lagu iibinaayay ay

ku taalo meelaha ugu socodka badan Muqdisho. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay eheyd ka dib markii koox daba gasha cunaqabteynta hubka Somalia oo

la magacbaxda Marqaati ay warbixin ka diyaariyeen

suuqaan waxa ayna soo bandhigeen iyadoo hub iyo rasaas laga iibsanaayo ciidamada DF Somalia. Si kastaba waa markii ugu horeysay ee DF Somalia

ay howlgal noocaan oo kale ah ka sameeyeengoobaha lagu iibiyo hubka ee magaalada kudhaxyaala.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Police-car.png

 

 

 

 

 

Kooxo dhibaateyn jiray shacabka oo xalay lagu toogtay degmada Dharkiinley

April 6, 2014 - Waxaa Qorey : Balcad Media -

 

Wararka aan ka heleeno degmada Dhargiinley ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada booliska ee saldhiga galbeed ee

degmada Dharkaynlayay toogasho ku dileen mid ka mid ah koox xirnayd dharka ciidamada DF Somalia kuwaas oo dhac ka gaysanayay degmadaasi.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Booliisak degmada ay ka war heleen kooxo dhac ka

geysanaayo degmada tiradoodana ay eheyd sadax ruux oo ku labisan dareeska Ciidanka kuwaas oo markii ay iska hor yimideen ciidanka diiday in ay is

dhibaan isla markaana meesha lagu dilay mid ka mid ah halka mid kale la qabata balse waxaa baxsaday ruuxii sadaxaad.

 

Tan iyo markii degmada Dhargiinley loo magacaabay gudoomiye cusub ayaa waxaa soo badanaayay howlgalo lagu ugaarsanaayo kooxaha nabad galyo

darada ka wada degmadaas Dharkiinley. si kastaba halka uu falka ka dhacay ayaa waxa ayeheyd Xaafada Ceeldheere ee ka tirsan degmada Dharkiinley kooxahaan xalay ku dhax dagaalamay degmadaas ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen kooxihii horay uga talin jiray degmada.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tarsan_sabasta_looga_qaaday_3.jpg

 

These three stooges failed to combat alshabaab and criminal bandits in Mogadishu.

 

423.jpg

 

Mujaahid Muungaab keep up the good work - The city of Mogadishu has found the Mesiah its been looking for .

 

 

 

The New Mayor Muungaab now controls the security force in Mogadishu- Something I have been advocating for long time . The Mayor promised more target mission instead of rounding up entire district Males . The City will be secured from bandits and alshabaab foot soldiers .

 

 

 

 

Xili dhowaan degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho uu xafiis ka furtay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) ayaa oday Axmed Diiriye Cali sheegay in mar hore looga baahnaa dowladda arrintani.

 

“Muungaab tallaabo wanaagsan ayuu qaaday, kol hore ayaana masuuliyiinta dowladda looga baahnaa maadaama aysan waxba taraynin in wado kaliya lagu koobnaado(Makka Al-mukarrama)” sidaas waxaa yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

 

No Hiding or hot sport for Alshabaab criminals ....... Gudoomiye Mungaab Promised.

Share this post


Link to post
Share on other sites

While you're at it, could you please advise the mayor to tone up. Lead by example.

 

I ask you this since you're the government's rep here, well sort of!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this