Sign in to follow this  
malistar2012

Maxmed Jaamac Indha Sheel holds meeting with RW C/wali Sheekh

Recommended Posts

Top News+Daawo: RW C/wali Sheekh Iyo Madaxwaynaha mamulka Khatumo state Maxaa dhexmaray

 

IMG_0812.jpg

 

Madaxweynaha Khaatumo Maxmed Jaamac Indha Sheel iyo waftida uu hogaaminayo ayaa kulan la qaaday Raysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed,kulan oo layskula soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan xaaladda gobolda maamul goboleedka Khaatumo.

 

Madaxweynaha Khaatumo oo sidiiran loogu soo dhaweeyey xafiiska Raysal wasaaraha ayaa ka xogwaramay xaalada deegaanka Khaatumo isaga oo sheegay in maamul goboleedka Khaatumo hawlo badan wax ka qabtay xilliganna isu diyaarinayo shirweyne balaadhan oo xukuumad rasmiya oo uu yeesho maamulka Khaatumo looga dhawaaqi doono.

 

Madaxweynaha Khaatumo waxa kale oo uu ka warbiyey xaaladdaha ka taagan deegaanka Khatumo isaga oo sheegay in ay midnimada Soomaaliyeed u taagan yihiin , maamulada hareeraha ka xigana jecel yihiin in ay daris wanaag kuwada noolaadaan, wuxuuna madaxweyne Indha sheel sheegay in ay lagama maarmaantahay in la taageero qofkii u taagan midanimada Soomaaliyeed.

 

IMG_0815.jpg

 

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay la kulanka madaxweynaha dawladgoboleedka Khaatumo isla markaana uu aad u soo dhaweynayo watiga iyo madaxweynaha Khaatumo, wuxuuna sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin in layska kaashado xoojinta midnimada iyo dawlada Soomaaliya oo gaadha dhamaan dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Maxmed Jaamac Indha Sheel iyo watiga uu hogaaminayo ayaa waxa ay muddooyinkanba ku sugnaayeen magaalada muqdisho iyaga oo hore ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Jawaari.

 

By: Aadam Jaamac Ahmed – Warbaahinta Kalshaale.com – Muqdisho Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this