Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Development News

Recommended Posts

Dr_Osman   

Puntlabd President Opens two new paved roads in Bosaso city which is the fourth paved road in bosaso. There is also another road under construction jidka Sodonka and others are in the pipeline.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

 

Isbitaalka Qardho oo lagu soo Kordhiyay Qaybta Gargarka Deg dega (Sawiro)

 

March 30, 2014—2 Comments

 

 

Isbitaalka Guud ee Magaalada Qardho ayaa waxaa lagu soo kordhiyey Dhismo Cusub oo loogu talagalay in wax looga qabto arimaha Gargaar Deg Dega iyo dhammaan Howlaha Caafimaad ee u baahan in si deg deg ah wax loogu qabto.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Saadaq Eenow ayaa xarigga ka jaray Dhimahaani,waxa uuna sheegay in aad looga baahanyahay in isbitaalka Qardho uu yeesho qeyb si gaar ah wax ugu qabato arimaha Gargaar Deg dega,waxa uu xusay Wasiirka in dhismahaan kaalin ka geysan doono Badbaadinta Shacabka ay soo gaarto dhaawacyada kala duwan si loola tacaalo xaaladaha Caafimaadka ee si deg deg ah ku soo wajaha,maadaama ay jiraan Shilaal kala duwan oo ka dhaca wada laamiga.

 

Agaasimaha isbitalka Magaalada Qardho Cismaan Cabdi Aw Muuse ayaa Wasiirka Caafimadka Puntland Dr Saadaq Eenow siiyey warbixin ku saabsan sida oo u shaqeeyo Isbitaalka Guud ee Qardho, waxana uu ku soo dhaweyay cisbitalka magaalada Qardho isagoo u mahad celiyey Wasiirka Caafimaadka oo safar dheer u soo galay sidii uu dhismahaani Xariga uga jari lahaa.

 

Agaasimaha Isbitaalka Qardho ayaa Wasiirka Caafimaadka ku soo wareejiyey Qeybaha uu ka koobanyahay Isbitaalka iyo Dhaqaatiirta ka howlgasha iyo goobaha ay jiifaan Bukaanada ku sugan Isbitaalka,waxaana wasiirka la dhacay shaqada ka socoto Isbitaalka isagoo ku booriyey Maamulka isbitaalka in uu sii laba jibaaro dadaalka shaqo oo ka wado isbitaalka.

 

Isbitaalka Qardho ayaa waxaa ka socdo hor wanaagsan waxaana lagu soo kordhiyey dhismayaal kala duwan,adeegyada Caafimaad oo isbitaalka Bixiyo waxaa ka faa’ideysta dadka ku nool shanta Degmo oo ka koobanyahay Gobolka karkaar oo kala ah.Qardho,Rako,Waaciye,Xaafuun,Bandarbeyla iyo Waaciye.

qardho

qardho

qardho

qardho

qardho

qardho

qardho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

(Warbixin+Sawiro) Dowlada Puntland oo Dhagaxdhigtay Dhul loo dhisayo Barakacayaasha ku nool magaalada Qardho

 

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland,Maamulka Gobolka Karkaar iyo maamulka degmada Qardho ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhul deegaan ah oo dadka Barakacayaasha ah looga dhisayo magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Xaaji Warsame oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Dhismaha cusub ee loo dhisayo dadka Barakaacyaasha ah,wuxuu ugu baaqay Hay’adaha Qaramada Midoobay inay door ka qaataan Taakulanta Barakacayaasha.

 

Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid ‘’Hogaama-laroor’’ oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintiin ka hadlay Munaasabada dhagaxdhiga ah ayaa sheegay in magaalada Qardho ay tahay magaalo ay uso Barakacaeen dad aad u fara badan oo kaso Barakacay dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya.

 

Beexaani Axmed Bare oo ah agaaasimaha wasaarasa arimha guadaha Puntland u qaabilsan Barakacayaasha ayaa sheegay inuu aad uso dhoweynayo Dhulka loo dhisayo dadka Barakayaasha ah.

 

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

 

post@puntlandi.com.

 

idp

idp

idp

idp

idp

idp

idp

idp

idp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

(Warsaxaafadeed+Sawiro) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Max’ed Cali Gaas Oo Xafiiskiisa Madaxtooyada Garowe ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday Shirkad Chain’s Ah

 

Axad 30,03,2014 Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Chaina shirkadaas oo lagu magcaabo Chaina Civil Engineering Construction Corporation oo loo soo gaabiyo CCECC, shirkddasi oo hore Madaxweynuhu ugula soo kulmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti kadib safarkii uu dhowaan dalkaasi ku tagay.

 

Wafdiga Chain’s-ka ah ee ka socday CCECC waxaa hogaaminyay RUI Chen iyo Allen Lee oo ah kaaliyaha madaxweynaha shirkaddaasi CCECC.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda CCECC waxaa ay ka wada hadleen qaabkii loo horu marin lahaa wax ka qabashada dhinaca wadooyinka, dekedaha ,garoomada diyaaradaha,biyo xidheenada iyo wax soo saarka macaadinta.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhoweeyey masuuliyiinta Chain’s-ka ah ee ka socday shirkadda CCECC , tilmaamayna in Dowladda Puntland ay garab kusiinayso tallaabo kasta oo shacabka reer Puntland wax loogu qabanayo.

 

Halka dhinaca shirkadda CCECC ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyaan mashaariic wax tar u leh dalka iyo dadka reer Puntland, isla markaana ay danaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Puntland.

 

Kulankaasoo qaatay mudo saacado ah ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad , iyadoo kulanka ka dibna uu Madaxweyne Gaas qado shraf u sameeyey masuuliyiintaasi ka socday Shirkadda CCECC.

 

-DHAMAAD-

 

Xafiiska Warfafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka

Ee Madaxtooyada Puntnland.

china

china

china

china

china

china

china

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

(Sawiro) Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo dhagaxdhigay xarun cusub oo ay yeelanayso Jaamacada PIDAM

 

Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Jaamacada PIDAM.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa amaan balaran u jeediyay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada PIDAM oo uu sheegay inay door ka qaaten kor u qaadida Waxabarshada Jiilka soo koraya.

 

Wuxuu intaas ku daray Dr. Eenow in muhiim ay tahay in Mujtamaca laga dhiso dhinaca Aqoonta.

 

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xassan Cade oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dhismaha cusub ee Jaamacada uu kor u qaadayo Waxbarshada Jaamacadu ay u hayso ubada Soo koraya.

 

Talaabada Jaamacada PIDAM ay ku dhisanayso xarun cusub ayaa waxa qayb ka tahay dadaalka kor loogu qaadayo hormarinta Waxabarshada Puntlpand.

 

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

 

post@puntlandi.com.

 

www.puntlandi.com.

pidam

pidam

pidam

pidam

pidam

pidam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

 

Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe oo dhismayaal horleh lagu soo kordhinayo( Sawirro).

 

Posted on March 7, 2014 by editor

 

 

Garoowe (East Africa University.net) Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe Waxaa lagu wadaa in isbedel dhanka Dhismaha ah laga hirgasho iyadoo Madaxda Jaamacada ay Saaka Dhagax dhigeen Xarunta Maktabada u noqonaysa Jaamacada taasi oo dhawaan dhismeheeda la bilaabi doono, waxayna dhirir ahaan le’egtahay 24 halka Balac ahaanna ay le’egtahay 20 sida ay sheegeen Masuuliyiinta Jaamacada.

 

EAU Growe

 

Waxaa jiri Doona Dhismayaal ay ka mid yihiin fasalo horleh Meherado wax laga cuno Xarumo u gaar noqda Macalimiinta iyo Meelo la dhigto Gawaarida oo ay sii dheertahay Darjoiino ay ku nastaan Ardayda iyo martida iyadoo qorshahaasi mustaqbaka dhaw la fulin doono waxaana wali Jaamacada u harsan Dhul banaan oo hadii loo baahdo dhismayaashaasi iyo kuwo kale oo ka badanna laga dhisi karo.

 

Dhagax dhiga Saaka ee Xarunta Maktabada Jaamacada Bariga Afrika qaybteeda Garoowe waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada Bariga Afrika Mudane Dr C/Risaaq Hiirad Maxamed,Gudomiyaha Aas-aasayaasha JaaMacada JBA Sheekh Yuusuf C/Casiis,Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, iyo Agaasimaha Guud ee tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Puntland C/Laahi Cali Jaamac (Dhubad) iyagoo si wada jir ah u dhagax dhigay Maktabada Cusub ee Jaamacada loo dhisayo dhawaan.

 

eau

eau

eau

eau

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Qaloocan, mind you I didn't even include the school minister of education opened in garoww recently, the sunajif bridge, turkey hospital and technical school project, and the new ministry for federalism

 

Plus garowe nec electricity supplier is going to give the capital wind powered electricity. They just bought two a27-225kw turbines. Installations begin this year. Picture is below.

 

windfarm

 

http://www.windtech-international.com/project-and-contracts/acsa-and-nec-sign-order-for-hybrid-wind-energy-project-in-somalia

 

All smiles in Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this