Sign in to follow this  
SomaliaRising

Beesha Bay&Bakool chooses second president! War of Presidents! Game of Thrones!

Recommended Posts

Daawo Sawirada Shirkii saddexda gobol ee Baydhabo ka socday oo Madaxweyne lagu doortay

 

 

Ergadii ku shirsanaa magaalada Baydhabo ee u fadhiyay Maamulka Koofur Galbeed ee saddexda gobol ayaa waxay doorteen Madaxweynaha Maamulkaas, iyadoo arrintan ay sii xoojineyso xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada.

 

Madaxweynaha cusub ee Maamulka saddexda gobol ayaa loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur, kadib doorasho ka dhacday Hotelka Bakiin oo ay ergadan xarun u aheyd.

 

723 Ergo oo ka kala yimid saddexda Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa doortay Madaxweynaha cusub 713, halka 10 ay diiday, waxaana sidaas uu ku dhawaaqay Gudoonka doorashada Maamulka in Maxamed Xaaji Cabdinuur uu yahay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

 

Wararka ayaa sheegaya in markii la doortay Hogaamiyahan ayaa isla goobta lagu dhaariyay, waxaana siyaasigan la sheegay inay isku hooyo yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Maxamed Xaaji Cabdinuur Hogaamiyaha Maamulka saddexda Gobol ayaa ka soo jeeda Gobolka Bakool, waxaana ay isku heyb yihiin Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah xubnaha taageersan Maamulka lixda gobol.

 

Maamulkan saddexda gobol ayaa ah Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, halkii maamulkii horay looga dhawaaqay Baydhabo uu ka ahaa lix gobol oo lagu daray saddexdan Gobol iyo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Afartii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka jiray banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo uu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

 

Doorashadan ayaa ah tii labaad oo ka dhacda magaalada Baydhabo, waxaa horay loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee lixda Gobol.

 

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa saakay ah mid degan, iyadoo ammaanka goobta doorashadan ka dhaceysay ee Hotelka Bakiin ay sugayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

 

 

http://www.jowhar.com/images/news/sadex_gobol_3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

When tuugii weynaa ee Shariif Xasan hamigiisa u shaqeyn waaye oo shacabka kacdoon ku qaadeen, forcibly removing him from Baydhabo, he sneaks his brother (waa isku hooyo) who declared himself madaxweyne the day after his brother was forced out from Baydhabo. Dad doortay ma jiro, ergo ma jirto. Idaacadaha ka yiraahdo madaxweyne aan ahay madaxweyne laguma noqdo.

 

Knowing kacdoonkii walaalkiisa Baydhabo loogu saaray forcibly, I don't think this madaxweyne ku sheeg and politically irrelevant will last a week in Baydhabo.

 

N.B - Dadka Reer Koonfur Galbeed la dhahaa. Baay, Gedo, Jubbooyinka, Shabeellaha Hoose iyo Bakool wada degaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this