Sign in to follow this  
SomaliaRising

TFG iyo Maamulka SNM oo isku khilaafsan Aaska Tubeec

Recommended Posts

DEG DEG. DFS iyo Maamulka Somaliland oo isku Khilaafsan halka lagu aasi lahaa Maxamed Suleeban Tubeec.

Mar 15, 2014 -

 

Iyadoo ay Dowladda Federalka iyo Guddi ka tirsan Fannaaniinta Rug-caddaaga ee Hoballadda Qaranka ee Waaberi u diyaar-garoobayaan sidii Aas Qaran loogu samayn lahaa Allaha U Naxariistee Marxuum Al-fannaan Maxamed Suleymaan Tubeec, ayaa waxay Maamulka Somaliland maanta ku dhawaaqeen Guddi Heer Wasiir oo qabanqaabiya Aaska loo samaynayo Fannaankaasi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Zeylici ayuu ku magacaabay Guddiga Qabanqaabadda aaskaasi, oo kala ah:-

1- Wasiirka Wasaarada Dhallinyarradda iyo Sport-ga.

2- Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta

3- Wasiiru-dawlaha Madaxtoonyada

4- Wasiir-ku-xigeenka Amniga

5- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil

6- Duqa magaalladda Berbera

7- Maareeyaha Dekedda Berbera

8- La Taliyaha Madaxweyne Silaanyo ee dhinaca Bulshada

9- Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

1

0- Abwaan Xasan Xaaji C/llaahi (Xasan Ganey)

1

1- Boqor Axmed Ugaas Iimaan

12- Weriye Maxamed Xasan Cali (Weji)

Mustaf Maxamed Suleymaan Tubeec oo ka mid ah Awlaadda uu dhalay Fannaanka geeriyooday ayaa horey u sheegay inuu aabihiisa kula dardaarmay in lagu aaso Magaalladda Muqdisho ama Berbera, iyadoo Qoyska Maxamed Suleymaan Tubeec deggaan ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, kuna soo barbaareen.

Dowladda Federalka ayaa horey u sheegtay in Aas Qaran loo samaynayo Fannaanka caanka ahaa ee Maxamed Suleymaan Tubeec, iyadoo Wasiirka Warfafainta, Mustaf Sheekh Dhuxulow iyo Guddi ka tirsan Abwaanadda iyo Fannaaniinta Qaranka isla meel dhigeen Miisaaniyadda lagu kharaj gareeynayo Aaska Marxuumkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Maamulka Somaliland ayaa u muuqda Loolan nooc cusub oo Siyaasadeed, oo ay ugu xusul-duubayso inay Beesha Caalamka isugu muujiyaan inay Fannaankaasi u dhigayaan Aas Maamul.

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Everything doesn't have to be political.There are many more opportunities to score points, but this one is not one of it.They should honor the man request( IF he had any) in place and bury him there..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this