Sign in to follow this  
malistar2012

Alshabab loosing ground to SFG and Amisom Force the game ends Here

Recommended Posts

Dhagayso Ciidamada Ahlusunna iyo kuwa dowlada iyo Amisom oo la wareegay Buudhuubo Isla markana Baardheere ku wajahan. Faafaahin

March 7, 2014 - Written by admin - Edited byadmin

Ciidamadda Ahlusunna kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM ayaa saakay waabarigii hore la wareegay degmada Muhiimka ah ee Buurdhuubo halkaasi oo Shabaab ay gacanta ku hayeen mudo ka badan 5 sano.

Ciidamadda Al-shabaab ayaa iskaga baxay degmada ka hor intii aysan gudaha u galin Ciidanka Dowladda iyo AMISOM magaalada Buurdhuubo.

Col, Xuseen Deeroow Ismaaciil oo kamid ah saraakiisha dowladda ee la wareegay degmada Buurdhuubo ayaa u sheegay Warbaahinta Caalamiga ah ee K24 Ciidamadda inay si rasmi ah ula wareegeen degmada Abaare 8-dii subaxnimo xiliga geeska Africa, iyado aysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay.

“baryahaan waxaa socday howlgal sida aad la socoto lagu xoraynayay deeganada ay Shabaab uga suganyihiin deegaanada gobolada dalka gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana saakay aan la wareegnay degmada Buurdhuubo iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin, si wanaagsan ayayna dadku usoo dhaweeyeen, waxaana imika socda dhaq dhaqaaqyo la doonayo in lagu xoreeyo goobaha kale ee Shabaab uga suganyihiin deegaanka” ayuu yiri.

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay horay u sheegeen inay dagaal adag la geli doonaan Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaduna sheegtay inay ka hortagayso duulaanka lagu soo qaaday deegaannada ay ka taliso, iyagoo shacabka ugu baaqay inay dagaalka ka qaybgalaan ayna ka hortagaan ciidamada Itoobiya.

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan ka talisa dowladda Soomaaliya, marka laga reebo degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo manta Ciidamadda Huwanta kala Wareegeen Al-shabaab ay gacanta ku hayay muddo badan, lamana oga sida uu xaalku isku bedeli doono maalmaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

201428635274753962188858gs45tredfg.jpg

 

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah howl galka AMISOM ayaa kaabiga ku haya degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ay isaga baxeen Xoogaga Al-Shabaab ee halkaas ka talinayay.

 

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa ku sugan duleedka degmada, kuwaasoo aanay wali gudaha u gelin degmada, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

 

Dagaalo culus ayaa labada dhinac ku dhex maray duleedka degmadaas, kaasoo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadkii deegaanka ee ku dhaqnaa degmada Xudur ay isaga barakaceen.

 

Madaafiic ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaceen qeybo ka mid ah degmada Xudur, intii uu dagaalka socday, waxaana si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.

 

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaano badan oo u dhaxeeya Ceel Barde iyo Xudur.

 

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee la wareegay degmada Rabdhuure ayaa ka baxay, iyagoo u ruuqaansaday degmada Waajid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

cali-dheere11.jpg

 

 

Kenya oo shegtay in ay Dileen Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere (Warbixin)

 

Emmanuel Chirchir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa bogga uu Tweetterka ku leeyahay waxaa uu ku sheegay in maalintii Arbacada uu geeriyooday Sh, Cali Max’ud Raage oo Cali dheere ku magac dheer ahna afhayeenka Xarakadda Al-Shabab.

 

 

Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay in Cali Dheere oo waayahaan qabay dhaawac culus oo kasoo gaaray duqeyn muddo 2 bilood ka hor ka ah ka dhacday Soomaaliya uu geeriyooday maalintii Arbacada ee na dhaaftay sida uu yiri waxaana sidoo kale qoraalkaan kasoo baxay afhayeenka ciidamada Kenya lagu qoray wargeyska Daily Nation oo Kenya kasoo baxa iyo wakaaladda wararka AFP.

 

 

Chichir waxaa uu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan xaqiijinayaa inb Cali Dheere afhayeenkii Al-Shabab Arbacadii ayuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn 10 bishii January ee sanadkaan ka dhacday degaanka Birta dheer ee koofurta Soomaaliya” waxaana uu intaa ku daray in duqeyntaas oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa bartilmaameedkoodu waxaa uu ahaa hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane laakiin looguu yeero Sh, Abuu Zubeyr hase ahaatee uu ka bad baaday.

 

 

Duqeyntaas sidoo kale afhayeenkaan Kenya u hadlay waxaa uu sheegay inay ku dileen illaa 30 ruux oo hogaamiyaal Al-Shabab iyo Al-Qacida ka tirsan.

 

 

Al-Shabab willi kama aysan hadlin hadalkaan dawlada Kenya kasoo baxay hase ahaatee Sh, Cali Dheere ayaa maalmo ka hor la hadlay warbaahintooda sidoo kalena dhawaana mar ayuu kasoo muuqday Tv,g

Share this post


Link to post
Share on other sites

cidanjaz.jpg

 

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Degmada Xudur

 

Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa gellinkii dambe ee maanta la wareegay gacan ku aynta degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay ka talinaysay Al-shabab.

 

Dagaal xooggan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa ka dhacay dibadda degmada Xudur, iyadoo dagaalka kaddib ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Xudur.

 

Taliska AMISOM ayaa xaqiijiyay in Xudur ay gashay gacanta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya, iyadoo aysan bixin faahfaahin intaas ka badan oo ay bixisay AMISOM.

 

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ayaa qabsaday degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool,” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lasoo dhigay bogga ay AMISOM ku leedahay shabakadda Twitter-ka.

 

Ma cadda khasaare nafeed oo ka dhashay dagaalka oo ahaa mid culus, waxayna ku soo beegmaysaa qabsashada degmada Xudur iyadoo xoogagga Al-shabaab ay xalay dib ugu laabteen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo maalin ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.

 

“Degmada Xudur waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana arag wax khasaare ah oo dagaalkii dhexmaray ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Al-shabaab ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay si naf-la-caarinimo ah kula wareegeen gellinkii dambe ee maanta degmada Xudur ee gobolka Bakool. Iyagoo sheegay inay ciidamada Itoobiya gudaha degmadaas kula beegsadeen qaraxyo khasaare geystay.

 

Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo howlgalladan oo ah kuwo cusub lagu sheegay in dalka oo dhan ay ku qabsadaan.

 

Tan iyo sannadkii 2011 ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday degmooyin badan oo ay ka talinayeen, iyadoo howlgallada ay horkacayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwo kusoo beegmay xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in sannadkan uu noqonayo sannadkii Al-shabaab laga saari lahaa Soomaaliya oo dhan.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ka socda dalka Itoobiya ayaa ku wajahan degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo Al-shabaabna ay isku dayayso inay difaacan doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

cii744-620x330.jpg

 

 

 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa wax iska caabin ah la kulmin kahor inta aysan gudaha u gelin degmada Waajib oo Al-Shabaab ay si nabad ah ugu baxeen.

 

 

Ciidamadan oo ku hubeysan taangiyo ayaa waxaa ay fariisimo ka dhigteen gelinkii dambe ee maanta duleedka magaalada Waajid. Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo ka samaystay garoonka dayuuradaha ee magaalada Waajid iyo xarumo kale.

 

 

Waa go'an xiriirka isgaarsiinta degmada Waajid iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada ay isaga carareen kahor inta aysan ka bixin ciidamada ururka Alshabaab.

 

Waa degmadii Labaad ee Al-Shabaab lagala wareego 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo ay jiraan xiisado colaadeed oo ka taagan gobolada Bakool iyo Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its losing ground to Ethiopian troops don't make it sound like the Qat chewing bantu looking Somali troops had anything to do with it.

 

Besides same *&^& different day, they will be back within a few months. Look at Somaliland and even Puntland to an extent and see how they deal with it and no - it doesn't involve tanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab is losing ground but they are going underground, i believe Alshabaab is more radical and more extreme and more effective that it was few years. The African union troops will chase them away from all the major cities but in time they can never really defeat shabaab who are hiding in the midst of the civilians and the African union troops are not police forces and can never really keep the place secure they can remove shabaab but they can not keep the place secure. it takes allot of intelligence to fill the vacuum to set up proper networks of intelligence in the places removed by Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

By the way, is it true Ali Dhere is gunned down?. That guy frequently appeared in the media before but he vanished from the scene lately. Where are our brothers, the Ugandes and Brundians. Have they gone home :-) ?

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

jab.jpg

 

 

 

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano dhoor ah oo kuyaala Gobolkaasi.

Ciidamada Huwanta oo aad u Hubeesnaa ayaa saakay u dhaqaaqay lana wareegay Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhaxe iyo Deegaano kale oo dhoor ah oo horey gacanta ugu hayeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

 

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegay in goordhaw la waeegeen Degmada Warshiikh iyo Deegaano kale oo badan hadana ay kusii jeedaan Degmada Cadale iyo Deegaano kale oo wali gacanta ugu jira Al-Shabaab.

 

Lama soo sheegin wax dagaalo ah oo ka dhacay Degmada Warshiikh iyo Deegaanada kale ee goordhaw la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Howlgalka maanta ka bilowday Gobolka Sh/Dhaxe ayaa u muuqda mid lasocda Howlgalo kale oo kasocda Qaar kamid ah Gobolada Dalka oo AL-Shabaab looga qabsaday Degmooyin iyo Deegaano badan ay horey gacanta ugu hayeen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this