Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

security further deteriorates in Xamar another sucide bomber hits the city

Recommended Posts

Faahfaahin ku saabsan Weerar Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Baar FIAT ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa qaraxa loo adeegsaday, waxaana dadka dhintay ku jiray sarkaal sare oo ka tirsanaa nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

 

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen maydadka 12-qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca dad ka badan 10-qof oo ay ku jireen laba haween ah oo lahaa maqaayadaha qaraxa lala beegsaday.

 

“Anigu waxaan ka cabayay baarka Koobashiin waxaana arkay gaari darbiga ku dhacay, dadkii maqaayadda ku jiray oo tiradoodu ahayd 20-qof ayaan u qaybsamay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri goobjooge saxaafadda la hadlay.

 

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay inaysan isaguna waxba gaarin, balse dadkii maqaayadaha ku sugnaa ay gabi ahaantood u qaybsameen dhimasho iyo dhaawac, markaas kaddibna ay yimaadeen ciidammo badan iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

 

Gaadiidka badan oo kuwa gurmadka ah ayaa ka qaaday goobta dhaawaacyo iyo dhimasho fara badan oo isugu jiray rayid iyo dhimasho, waxaana ka mid ahaa askar ka tirsan hay’adda nabadsugidda.

 

Baabuurka qaraxa sameeyay ayaa ahaa kuwa yaryar ee raaxada, waxayna u sheegeen warbaahinta qaar ka mid ah goobjoogayaasha inuu eryayay gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha degmada C/casiis, C/llaahi Xasan Xuseen oo isaguna goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xooggan uu dhacay ayna weli socdaan baaritaanno ku saabsan dadkii wax ku noqday.

 

Maqaayadaha uu qaraxa ka dhacay ayaa ka horjeeda hoteelka FIAT ee Muqdisho waxaana goobta yaallay maydadka shan qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen rayid maqaayadda wax ka cunayay iyo askari ciidamada nabad-sugidda ka tirsanaa.

 

Haweeney ka mid ahayd goobjoogayaasha oo qaylinaysay ayaa sheegtay in kuwa weerarka geystay ay yihiin cadow dadka baabi’Inaya ay ka faa’iideysteen awood la’aanta hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

 

Ma jirto weli cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan oo noqonaya kii labaad oo ka dhaca Muqdisho toddobaadkan, iyadoo la xusuusto in Jimcihii la soo dhaafay ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerareen madaxtooyada Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you carefully follow Shabaab their target are always specific targets they attacked the intelligence office in Mogadishu today UN offices Turkish emabassy. Now they have attacked the intelligence office because the intelligence was an obstacle to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ugo   

they r not doing real damage. just more shredded bodies of somali youth on the sandy streets of Mogadishu. talk about population control

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this