Sign in to follow this  
SomaliaRising

Muungaab is the new mayor/governor of Banadir

Recommended Posts

ASMI: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab)

 

 

War deg deg ah oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabay Saareeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, kaasoo maalmahan la hadalayay in xilkaas loo magacaabayo.

 

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Maxamuud Axmed Tarsan oo xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho hayay tan iyo bartamihii sanadkii 2010, waana Gudoomiyaha ugu waqtiga dheeraa.

 

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu faray Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).

 

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ay tahay mid rasmi ah oo wareegto goor dhow soo baxday lagu shaacin doono.

 

Jen. Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xilkan la sheegay inay kula tartamayeen xubno kale duwan oo ka soo jeeday Beesha Mudullood.

 

Mr Tarsan ayaa ahaa Gudoomiyaha ugu waxqabadka wanaagsanaa ee soo mara Muqdisho, iyadoo lagu xusuusan doono wixii uu ka qabtay magaalada, sida bilicda magaalada, nadaafada iyo kicinta bulshada, waxaa uu ahaa nin cod kar ah oo aan la ganban afkaartiisa.

 

Magacaabista Mungaab ayaa soo afjareysa warar iyo hadal heyn badan oo muddo soo jiitamayay, kaasoo ahaa in loo magacaabi doono xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

 

Dhinaca kale Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise loogu kordhiyay muddo labo bilood, isagoo si KMG ah u hayay xilkaas, sidoo kale waxaa la magacaabay Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhowrka

 

 

 

Bye bye Tarsan, he did great job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

 

2014227635290895971535852Muungaab.jpg

 

 

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud maanta oo Khamiis ah ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid kaddib markii uu dhageystay talooyinka ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wasiirka arrimaha gudaha & federaalka, C/llaahi Goodax Barre.

 

“Markii uu ogaaday inay jirto baahida loo qabo in guddoomiye cusub loo magacaabo gobolka Banaadir. Kaddib markii uu tixgeliyay soo jeedinta iyo waayo-aragnimada uu Jen. Muun-gaab u leeyahay maamulka, garsoorka iyo nabad-galyada ayuu xilkan magacaabay,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyanha Soomaaliya.

 

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

 

“Waxaa xilkii guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho laga qaaday, guddoomiyihii hore Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan),” ayaa sidoo kale wareegtada lagu sheegay.

 

Dhanka kale, wareegtada ayaa lagu faray in hay’adaha ciidanka booliiska, qaybta gobolka Banaadir iyo hay’adda nabad-sugidda qaybteeda gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay.

 

Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay wareegtada in xeerkan uu dhaqan-galiyo marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ahna loogu faafiyo warbaahinta dalka.

 

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilkan hayay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana uu horay u diiday inuu qabto xil wasiir ku xigeen ah oo loo magacaabay.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Waar Ileen Anagaa Wax Aragnay, Damujidiid , are trying to fill the deck with the members of the Party. This Muungaab guy is one of those who have been given the rank of a General while he was in his thirties. He was appointed Colonel in 2010 by Sheekh Shariif, without ever attending any military collage or service, he started with Colonel, and two years before he left office President Shariif gave him the rank of full General.

 

He has a degree from Sudan ( where else), which does not qualify him a General. You can appoint him minister or Governor, but not a General. Reer Koonfurka waxa laga Kari Laayahay Darajadan Beenta ah ee ay wada xidhanayaan. Shariifka oo keliya sodomeeyo ayuu Magacaabay. Wax walba ma bililiqay moodayaan.

 

Dadkaasaan ka suigaynaa in ay dal meel geeyaan. CIil badanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is one of the most important jobs in Somalia and I'm not sure that this guy is qualified. How can a person become a "Brigadier General" in a couple of years? Do you know how many there are in the biggest militaries of the world? I hope he does better than expected though my expectations are so low he might meet them by accident.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

cadale is celebrating in his swedish hideout after his close relative was named. loool. tarzan was from a minority clan and qoslaye didn't want a minority clan running mogadishu. qoslaye plays clanish politics to the core so this was easy for him to do. tarzan put up a fight but eventually was overpowered after qoslaye paid some of the elders.

 

unuka will regret this move. this maangaab person is useless according to everyone in nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

Mooge, loool. Tarzan's subclan is represented in the parliament, unuka got 9 mp positions and muungaab's clan isn't represented so they got the mayor position and i think its only fair. The biggest good bye party will happen in mogadishu very soon for the longest and best serving mayor in the city these latest 22 years.

 

Muungaab is rageedi only one day after he got named as the mayor he decided to move the entire banaadir admin HQ to warshadda baastada in huriwaa the most dangerous district inorder to strengthen the security also by making the people of the district more comfortable i personally think its an excellent initiative since everyone who needs to sort out something in the office needs to go to huriwaa instead of xamarweyne. So by just moving the office to huriwaa will lead to a tight security also the district will be more crowded.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mungaab3.jpg

 

 

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa soconaaya qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo, in siku meel gaar ah Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, loogu wareejiyo Degmada Heliwaa, iyadoolaga duulaayo xoojinta ammaanka.

Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay iminka ku taallaa Degmada Xamar Weyne, gaarahaan Wadada Via Moscow ee horumarta Isbitaal Martiina, waana Xarunta ebid looga arrimin jiray Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan Dowladda, ayaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ku dhaliyay fikirka ah in Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir loo wareejiyo Degmada Heliwaa Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in General Muungaab uu qorsheynaayo, in Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir laga dhigo Warshaddii Baastada, oo ku taala Degmada Heliwaa. Haddii Warshaddii Baastada loo wareejiyo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay shakhsi walba oo dani ay kaga xiran tahay Maamulka Gobolka Banaadir, uu ku khasbanaan doonaa in uu taggo Xarunta, oo markaasi ku taala Degmada laga cararaayo ee Heliwaa, oo Shabaabku ku xooggan yihiin.

Kahor inta aan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir loo wareejin Degmada Heliwaa, ayaa waxaa la xoojin doonaa Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala,

iyadoo sidoo kalana ay jiri doonaan hawlgalo lagu baacsanaayo ragga baxsadka ah ee Shabaabka ka tirsan.

Tani, ayaa waxay noqon doontaa tallaabo wanaagsan oo ay horey u qaaday Dowladda Federalka ee Soomaaliya, laguna xaqiijinaayo ammaanka

Degmada Waqooyi Bari ee Gobolka Banaadir dhacda.</strong>

Share this post


Link to post
Share on other sites

maxkamada-ciidamada-oo-laga-furay-aagaga

Nin culus baa shaqaada loo dhiibay

 

Libaaxi alshabaab laayay ayaa so baxay markale

 

 

The District of Heliwaa has become safe heaven for the terrorist , Most of the resident have fled to other Neighborhood for safety , all that will change the new Governor and Mayor plans to move Mogadishu Admin Head Quarter to the trouble area to show support and strength.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this