Sign in to follow this  
Dr_Osman

Kenya To Open Consulate Garowe

Recommended Posts

Dr_Osman   

 

Dowladda Kenya oo qunsuliyad ka furanaysa Garoowe dibna u holgalinaysa safaaradi Soomaaliya ay kulahayd

 

 

Posted on February 21, 2014

 

Nairobi[RBC Radio]Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowladdisu ka go’antahay xoojinta xiriirka kala dhexeya Soomaaliya,waxaana uu soo hadal in xilligaan safaarad ka furan doonan Soomaaliya.

 

William Ruto ,waxaa kalo uu sheegay in magaaloyinka qaar sidoo kale ay ka furi doonan qansuliyado taaso uu sheegay inay fududeyn doonta isku soo dhawan shiyaha labada dal,waxaana uu hadalkaan ka sheegay kulan uu Arbacadii la qaatay raysul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed.

 

Dowladda Kenya ayuu sheegay in si dhaqsa ah u rabto inay qunsuliyado ka furato magaalooyinka Garoowe oo xarun uu ah Puntland , Hargeysa oo caasumad uu ah maamulka Soomaaliland iyo Kismaayo oo maamulka Jubba saldhig uu ah.

 

“Waxaan xaqiijinayaa in Kenya ay ka go’antahay in ay la shaqayso Soomaaliya, dhowaanna waxaan howlgalin doonaa Safaaradda aan ku leenahay dalka Soomaaliya. Waxaan ka qayb qaadan doonnaa xasilinta dalka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan.”ayuu yiri William Ruto.

 

Waxaa kalo uu soo hadal qaaday madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto, inay Kenya door firfircoon ka cayaari donto xaqiijinta in dastuurka Soomaaliya lagu sameeyo dib-u-eegis si doorasho dimuqraaddi ah ay u qabsoonto 2016.

 

Ugu danbeyna waxaa uu caddeyey in Kenya qorshaheedu uu yahay inay muujiso doorkeeda derisnimo, waxayna xaqiijineysaa inay Soomaaliya xasilloon tahay,isagoona inta ku daray inay Kenya sii wadi doonto la dagaallanka argagaxisada iyo Al-Shabaab.

 

Raysul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh ayaa isagu soo dhaweeyey adkeynta xiriirka dowladda Kenya,waxaana uu shaaca ka qaaday in door muuqda ku leedaay Kenya horumarinta xasilloonida Soomaaliya iyo caawinta qaxootiga Soomaalida, wuxuuna sheegay in laga guuleysan doono kooxaha argagaxisada ee fawdada ka wada dalkiisa.

 

Dowladda Kenya waxaa ay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliya kuwaaso qeyb ka ah howlgalka AMISOM,sidoo kale malaayin Soomaali qaxooti ah ayaa iyaguna ku nool xeryaha qaxootiga dalkaasi Kenya.

________

RBC Radio

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this