Sign in to follow this  
SomaliaRising

Culusoow recovers however Xamar is burning

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh "Hal habeen xataa qandho ima qaban, waa caafimaad qabaa" (Dhageyso)

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar suuqa la soo geliyay oo sheegayay inuu geeriyooday, isagoo ku eedeeyay kooxo cadaw ah inay wararkan faafiyeen, kuwaasoo doonaya inay qal qal geliyaan dalka iyo siyaasadiisa.

 

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Raadiyaha dowladda ayaa waxaa uu sheegay inuu booqasho ku joogo dalka Turkiga, oo uusan aheyn mid rasmi ah, hase ahaatee uu yahay booqasho uu kula joogo qoyskiisa.

 

"Aniga Caafimaadkeyga waa boqolkiiba boqol, hal habeen xataa qandho ima qaban, wararka la been abuurayay waa kuwo qal qal lagu gelinayo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasada dowladda"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii warkan uu soo baxay ay la soo hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo dad Soomaaliyeed, waxaana uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan wararkan dad u shaqeeya cadaw sida uu yiri.

 

"Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab"ayuu yiri Madaxweynaha

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Hey'adaha amniga inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad sida uu yiri.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

_________________________________________________

BUT Xamar is not that lucky. Xamar is burning while Culusoow is eating Cambuulo in the finest Mohadishu Hotel.

DEG DEG: Jug Xoog leh oo madaafiic ah oo caawa ku soo dhacaya qeybo ka mid ah Muqdisho

 

 

Jug xoog leh oo u muuqda dhawaaqa Madaafiic soo dhacaya ayaa xilligan laga maqlayaa qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn goobaha ay ku soo dhacayaan iyo halka laga soo ridayo.

 

Meelaha jugta xoogeeda laga maqlayo ayaa ah degmooyinka ku xiriirsan Maka Al-Mukarama ilaa degmada Madiina oo dadka ay si aad ah u maqlayaan jugta xoogeeda.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa taleefano isku wacaya oo is weydiinaya halka jugta ay tahay ama madaafiicda goobaha ay ku dhacayaan, waxaana habeen kale magaalada u muuqataa mid dadka dhagahooda ay ku soo dhacayaan jugtii iyo duqeymihii ka dhici jiray caasimada saddex sano ka hor.

 

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Waabari ee degan agagaarka Jidka Maka Al-Mukarama ayaa u sheegay Jowhar.com inuu maqlay ilaa shan dhawaaq madfac ah, lamana oga halka ay ku abaaran tahay rasmi ahaan.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhacayaan qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geysanayo, hase ahaatee walaaca dadka ayaa ah mid taagan.

 

Todobaadkii hore ayay aheyd markii labo habeen madaafiic ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kaasoo taliska Booliska uu ku tilmaamay walxo dheemisha ah oo lagu qal qal gelinayo magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Alshabaab are increasing their attacks desperately shelling the civilians at night with mortar easy to carry to cause panic and set back , SFG troops and Amisom are ready to pacify Alshabaab from Somalia , Dangerous times as Terrorist are losing the plot and are desperate. well trained Gov Troops are on the move .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this