Sign in to follow this  
Saalax

Somalia government officials arrested in Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Xubno ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya lagu xiray Hargeysa

 

 

Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay garoonka magaalada Hargeysa ka qabteen shalay galab saddex ma’suul oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in saddexdan qof ay qabteen xilli ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Hargeysa.

 

“Saddexda xubnood waxaa gacanta ku dhigay booliiska iyagoo doonaya inay si qarsoodi ah ku galaan Hargeysa, maxkamad ayaana soo taagaynaa,” ayuu yiri Waran-cdde

 

Mas’uuliyiintan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa kala ah: Jaamac Maxamed Jaamaac oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia iyo C/Casiis Aadan oo ah dublamaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

 

Sidoo kale, Waran-cadde wuxuu sheegay in xubnahan ay diyaaradda kasoo raaceen Muqdisho ayna doonayeen inay Hargeysa soo galaan, isagoo xusay inaysan ahayn dad halkaas taraansit ku marayay.

 

“Xubnaha waxay doonayeen inay Hargeysa galaan, wayna ogaayeen inuu sharci adag halkan ka yaallo xubnaha xilalka ka haya dowladda Soomaaliya waana la xisaabtamaynaa,” ayuu wasiirka oo sharraxayay eedeymaha loo haysto saddexdan qof.

 

Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Hargeysa oo aan la ogeyn, waxayna noqonayaa mas’uuliyiintii ugu horreeyay oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo sannadkan cusub lagu xiro Somaliland.

 

Dhanka kale, ma jiro hadal intaas dhaafsiisan oo ku saabsan xariga loogu geystay Hargeysa mas’uuliyiintan, mana jiro hadal kasoo baxya dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya oo ay shaqaale u ahaayeen.

 

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay wadahadallo ku yeesheen dalka Turkiga mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Somalia iyo Somaliland kaasoo ay kaga hadleen ay iskaashi ku yeelan lahaayeen.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

 

 

http://www.hiiraan.com/news/2014/Feb/wararka_maanta2-45160.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

well, if they enter somaliland without letting the goverment know, they are looking for trouble. we all know Federal officials cannot enter Puntland if they don't get permission from Garowe so it is the same thing.

 

they violated Somaliland local law which is to get permission to enter Hargeisa. the permission can easily be given and it doesn't have to be sneaking into city. you could be a terrorist.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

I THINK THIS ISSUE IS VERY COMPLICATED FOR SOMALI GOVERNMENT SINCE FAWZIYA LEFT THE OFFICE

THEY HAVE TO MAINTAIN GOOD RELATION WITH THE NEIGHBORS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thats exactly how you deal with a people and a nation who can not even patrol their own city without african mercenaries. Before you try and transit through Somaliland to get to Ethiopia you need to apply for a F*** an entry visa.

 

African mass rape in Mugdisho: Enjoy your false recognition.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War kuwan haddii ay shaqadii ka soo dhamaadtay, dee ha isla fasaxo. Xaggee kalow aadi lahaayeen. Xamar markii horeba caysh bay u doonteen ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this