Sign in to follow this  
malistar2012

Shirkii u socday DF Somalia iyo Somaliland oo Maalintii labaad galay

Recommended Posts

all smiles i wonder whats funny

 

 

MIz5Vuv.jpg

 

Shirkii u socday DF Somalia iyo Somaliland oo Maalintii labaad galay

 

Wararka laga helaayo Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaas maalintii labaad ka bilaawday shirka wadatashiga DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Wadahadaladaan u socda Somalia iyo Somaliland ayaa waxa ay shalay labada dhinac isla afgarteen in ay soo qortaan ajandihii ay kaga hadli lahaayeen wadahadaldooda .

Wufuuda ka kala socota labada dhinac ayaa mid kasta waxa uu doonayaa in ay ka dhaadhiciyaan dhinaca kale habka ay u doonayaan in ay ku heshiiyaan DF Somalia iyo maamulka Somaliland .

Wufuuda ka socota DF Somalia ayaa iyaga isku dayaya in maamulka Somaliland ay ku qanciyaan in ay ka tanaasulaan in Somalia ay ka go’aan sidaas darteed ay halmeel ay ka wada tashtaan.

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa waxa ay wadahadalkaan ka rajeenayaan in ay noqdaan maamul ka ooni ah DF Somalia isla markaana ay noqdan Dowlada gaar ah oo ka jirta Geeska Afrika.

Si kastaba Wadahadalada labada dhinac ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowlada dalka Turkiga taas oo laba dhnac ka codsaneysa in ay gaaraan heshiis ay dadka Somaliyeed ku qancaan.

Wixii ku soo kordha Shirkaas waxaad ku aqrisan doontaan warkeena soo socda haduu alle idmo.

 

The two side came on prepared with no agenda or a frame work writing down , I guess they both came for a free get away vacation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

somalland waxay ka faa iidaysaa shirkan musaqbalka markay ingiriiska u dacwooto inay ku dodo dhawr jeer baan is hor fadhiisanay waana heshiin wayna dawladda soomaaliya

yaa sheegi waxa qoladaan fedaraalku ka faa'idayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is getting ridiculous, why do they waste time touching on peripheral points on cooperation and maritime information sharing instead of discussing the big topics of union vs separation and such? This is a waste of time and money.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Some of these issues could have been handled by a technical committees instead of Ministers talking for the sake of talking. Did you hear that they do not even have organized agenda yo discuss. All they need is two capable men to sit and push the agenda, but there are no trust among the Somaliand ministers. They don't allow the foreign minister to conduct the negotiations, that is why Hirsi is the one leading.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagu Kala Kacay iyo Ergadii Somaliland Oo Dawladda Turkiga Ka Codsatay Inay Si Rasmi Ah Usoo Dhex Gallaan Labada Dhinac

 

urmay magaalo madaxda ganacsi ee dalka Turkiga ee Istanbul ayaa labada dhinac isku mari waayeen qodobadii ajandaha shirka la soo dhigay, iyadoo dhinac waliba qodobka madax banaanida Somaliland iska taagtay.

 

Ergadii uu hogaaminaayey wasiirka amniga ee dawladda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa diiday inay gebi ahaanba aqbalaan ka hadalka madax banaanida Somaliland, qodobkaasi oo shallay guddiyadii isku dhafka ahaa ee labada dhinac u xil saareen wada hadalku ay ku soo dareen mar danbe.

 

Kulanka oo u badna gorfayn iyo wada hadal huwan duur xul iyo lafa gurid ku sallaysan taariikhdii midnimada labadii gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960-kii midoobay, ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyey madasha wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa ka codsaday dhinaca ergada Soomaaliya inay keenaan qodob sharci oo ay u cuskanayaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Soomaaliya, Mr. Biixi wuxuu kulanka ka sheegay in markii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya midoobayeen aanu jirin qaraar sharci oo la geeyey qaramada midoobay oo labadii dhinac ku heshiiyeen.

 

Mr. Biixi wuxuu usoo bandhigay ergada dhinaca kale inay dadka reer Somaliland waagaasi iyadoon cidi qasbin ay midnimada qaateen, maantana iyagoo aan cidi qasab ku lahayn ay xornimadoodii la soo noqdeen, wuxuuna si adag ugu soo jeediyey ergada dawladda Federaalka Soomaaliya inay aqbalaan oo ay muujiyaan gobonimadii ay dadka reer Somaliland 1960-kii muujiyeen.

 

Dhinaca Ergada Soomaaliya ayaa waxay ku doodayeen in dalkii Somaliland ee 1960 ee midawga la gallay Soomaaliya aanay beelahii degaayey u wada dhamayn madax banaanida Somaliland, waxaana ergada Soomaalidu sheegeen in aan la joogin wakhtigani xilligii Soomaaliya ay kala tagi lahayd, iyagoo sheegay in haddii ay Somaliland go’do ay marka u horseedi doonto dhinaca kalana in gobol kastaaba gooni usii go’o, taasina aanay aqbalaynin.

 

Kulanka ayaa noqday mid hadalka si weyn la iskugu kululeeyey oo aan waxba la iskula hadhin, waxaana ergadii Soomaaliya ay diiday inay aqbasho in qodobadda heshiiska wada hadalka ka soo baxaya lagu darro inay aqoonsadaan madax banaanida Somaliland.

 

Markii halka la marayo ayaa ergada Somaliland waxay ku henjabeen inay wada hadalka ka baxayaan isla markaana u gudbinayaan beesha caalamka ee shirka dhex dhexaadinaysay in aanay wada hadalkani fool ka foolka ah sii wadi karin, balse beesha caalamku si rasmi ah usoo dhex gasho, si loogu garnaqo isla markaana beesha caalamku ay keento xal kama dambays ah.

 

Wararkii ugu danbeeyey ayaa tibaaxaya in la isku afgaran laayahay qodobadda heshiiska wada hadalka lagu gaadhayo ee ballantu ahayd in maalinta berri ah la shaaciyo, iyadoo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiguna ay labada dhinac ergooyinkooda si gooni gooni ah ula kulmeen.

 

Wada hadalkani maanta ilaa caawa soo gaadhay ee dhex maraya ergooyinka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu xasaasisana uguna kulula, marka la bar bar dhigo afartii kulan ee ka horeeyey.

 

Wararka imika aanu hellaynaana waxay tibaaxayaan in ergada dhinaca Somaliland ay ka baxeen wada hadalka, isla markaana ay dalbanayaan in dawladda Turkigu wada hadalka si rasmi ah usoo dhex gasho.

 

Weli kulanada ayaa caawa wakhti danbe ka sii socda magaalada Istanbul, iyadoo ay u dhawdahay inay dawladda Turkigu soo dhex gasho wada hadalka si xal looga gaadho heshiis ay labada dhinac gaadhaan, ergada dhinaca Soomaaliya ayaa u eg qaar naqasku ku dheganyahay oo u muuqda qaar aan go’aan qaadasho lahayn.

 

 

http://waaheen.com/?p=21431

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this