Sign in to follow this  
nuune

Villa Somalia going CRAZY tonight

Recommended Posts

galbeedi   

The problem is the system. What can the Prime Minister do? you have Shariif Sakiin fighting for the defence minister, you have Jawaari bringing his block; you have Siilaanyo pushing his cousins, add that to Damjadiid and other special interest groups. the defence could have been given to professional solders. The media were called yesterday around five pm, yet they announced at 2am. This tells that the guy was fighting four different groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Waxaan filayaa in aysan jirin cid kufaraxsan sida ay wax udhaceen, iyo 55 xubin oo qol qaadaba laheyn, iska daa in la maamulo.

 

Qofka wax fiican kasugayey madaxweyne kufaraxsan in marka uu xaajo gudanayo ay tahay in askari Ugandhees ah uu sii kaxeeyo, markii horeba wuu qaldanaa.

 

Ayadoo ay taasi jirto, hadana waxa naga maqan hadii aan Maryooley nahay, qaab dhaqanka umadaha jabka uu kudhacay iyo sida ay uga baxaan jabkaas.

 

Waxa muhiim ah badbaadinta jiilasha soo socda oo ah waajib saaran jiilka maanta jooga ama siyaasad toos ha uu jiraan, ama cyberka ha kaga jiraanbee, talaabooyinka lama huraanka ah waa:

 

1- In la qiro lana rumeysto in Maryooley ay jabtay dhinac kasta.

 

2- In la ogolaado sida hadda ay xaaladu tahay - Madaxweynaha wadanka waa Nick Kays, ciidanka rasmiga ah waa Amisom, wasaaradaha rasmiga ah waa hey'adaha qaramada midoobey ee wadanka ka howlgala.

 

3- In laga shaqeeyo sidii wax looga badeli lahaa xaalada dhabta ah ee jirta, lana qaado talaabooyinka la awoodo hadda, kuwa aan la awoodina waqtigeeda iyo jiilkeeda loo gudbiyo si ay ayagu halkaa uga sii wadaan.

 

4- Isbedel walba oo dadka loo diyaarinayo waa inuu ku dhisan yahay:

 

- Nabad. mid aan dagaal lagu gaarin, maadaama umadan ay u baahantahay in ay kasoo kabsato dhiig bixii badnaa iyo wayraxa uu keenay dagaalka badan, si

jiil maskax fiyow oo nabad ku barbaara loo helo.

 

- Isfahan. iscafin buuxda, iyo isfahan dhab ah oo la dhix dhigo umada ayadoo lagabilaabayo heer degmo, heer gobol, heer qabiilo. Waxa asaas u ah isfahanka, in dadka la fahansiiyo xaalada dhabta ah ee wadanka ka jirta.

 

5- La dagaalanka jahliga. sabata ugu weyn ee maanta Maryooley loo heysto waa aqoon la'aanta dhicyada nolosha oo dhan. Howshan waxa masuuliyda ugu wayn ay saarantahay dadka waxbartay oo inta badan dibada ku dhaqan, waxa ugu yaraan ay dadka gudaha lawadaagi karaan sida umadaha kale u noolyihiin iyo waxa bud-dhiga u ah nolol ku dhisan, ixtiraam, isfaham, iyo wada noolaansho bulsho.

 

6- Abuurid fursado shaqo, qof kasta oo aqoon leh, xoogaana heli kara, ha isku dayo inu abuuro fursad shaqo ay kafaa'iideysan karaan in kabadan hal qof, shrikad hadii aad wax ku darsanaysid su'aalaha ugu muhiimsan haka mid noqoto, inta shaqo ay wadanka gudihiisa ka abuurayso shirkadaas.

 

7- Baahin niyad/rajo waanaag. dadka dibada jooga iyo kuwa gudaha jooga ee waxbartay, waxa saaran waajib ah in ay baahiyaan niyad wanaagsan iyo rajo

fiican, si jiilasha soo korayo ay ugu barbaaraan jawi fiyow. Hadii, eedeyn, rajo xumo, xumaan sheeg, iyo ciil iyo cuqdad abuurid ay wax dhisi karaan, waxa maanta aan heyno waa miraha arimahaas.

 

Su'aasha aan rabo in aan weydiiyo saaxibada kor arigtidooda ku cabiray iyo reer SOL dhamaan waa:

 

Waad aragtaan meesha xaalku marayo, shakhsi ahaan muxuu yahay waajibka ku saaran, si aad xaalkaas wax uga badashid?

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

great news for all

waxaa muuqan karta inay soomaalidu hadda diyaar u tahay in in dawladda laga wada qayb galo si aan cid gaara hadhow loo eedayn waliba waxaa fiicnaan lahayd in 150 la gaarsiiyo dawladda risiqa ilaah baa bixiyee liido halagu wada dabaasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

xasan sheikh waxaa cadaatay maanta wuxu yahay.

 

wasiir ka mid ahaa wasiiradi hore aan aqoon u leeyahay wuxuu sheegay inuu madaxweynaha soo wacay saacada ka hor inta aan la magacaabin wasiirada cusub wuxuuna u sheegay in la badalay iyo qofka lagu badaly,laakin wasiirka ayaa ku yiri madaxweynaha halay badalo ma xuma ee lakin maxaad nin moorayaan ah dagaaladi kasoo qeyb qaatay oo na wax aqoon waxbarasho laheen igu badashay atleast qof wax yaqaano igu badali waysay,madaxweynaha wuxuu ugu jawaabay ninkan waa nin mizaan culus ke leh beeshaada adigana waxa mizaan kuma lihid xaga beesha.

 

tusale kale beesha aan ka dhashay ninka wasiirka u ahaa dawladi saacid wuxuu ahaa qof aqoon diineed iyo mid aduun ba lahaa wuxuuna ahaa qof aamin ah,laakiin hada kan lagu badalay waa nin iskaba daa wax kale asaga ayaaba is qayaanaayo waana afmiishaar aan hal run ah ku hadlin.

 

tusaale kale maryan qaasim wasiiradi dawlada saacid waxaa booskeeda lagu badalay khadiijo deriye oo ah qof muqayilad weyn oo xitaa dhaqan fiican laheen.

 

waxaa kale oo aan maqlay raisal wasaaraha shaqadiisa hore wuxuu kasoo qaatay 4 months oo fasax ah waana arki doonaa haduu mardhaw cararo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

 

 

 

 

 

 

maryan qaasim wasiiradi dawlada saacid waxaa booskeeda lagu badalay khadiijo deriye oo ah qof muqayilad weyn oo xitaa dhaqan fiican laheen

 

Cadnaan, anaa markhaati kaaga ah, Maryam Faceboogeeda ayey ku ashahaadatey balse wa diplomatic oo waxey tiri Ilaah hala garab galo wasiirada cusub.

 

 

Maanta Hoteelada Xamar waxaa ka socda olole lagu diidayo in uu barlamaanka ansixiyo.

 

balse dhibka jira ayaa waxaa weeyaan, wasiirooyinka la magacaabey ayaa 83% from Baarlamaanka ah, halkaas maxaa kaaga soo baxayo, in loogu tala galey in ansixinta aysan dhib noqon oo dirito mia istaraado wax kasta noqdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Waxaa waajib ah hadii muran iyo isqabqabsi cusub bilawdo , in Madaxweynahan iyo Raiisul Wasaaruhu aysan kala hadhi doonin markan. Baarlamaanka waxa ku bwaajib ah in uu xaaladan cusub ee keentay in 37 maalmood qaadato in la soo xulo wassiro , ay thay mid uu keenay madaxweynaha oo farabaas ku haya Raiisuwasaarha. sidaa darteed hadii ay dhacdo un kooxdiisu olole ka bilaabaan baarlamaanka , waa in labadaba is raacaan. AQoslaye ha ogaado in uusan ka hari doonin markaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune,

 

What's your reason for posting this thread? I don't quite understand you.

 

Mida ugu horeysa, are you disappointed with the list because your candidate didn't make the list?

 

Mida labaad, are you disappointed with the final list because the PM's choice of cabinet are just not religious enough?

 

 

 

Cheers,

 

LayZie G.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ My candidate actually made it so I am not disappointed, and happy for him, that is Mr Dhuxuloow for Wasiirka Warfaafinta, he was one of the friends who were feeding me what was happening there before his name appeared in the list(his feeds were diplomatic though while the other was feeding me every minute of what was happening there), Dhuxulow was actually told 3 days ago that he will be named.

 

So that is your first question.

 

It is times like this we wished we had your Sharif in the seat, he was indeed missed.

 

About the long list, we had quite big number of wasiiro in the govenrment of Sharmaake, so that is not why I am disappointed.

 

And religious or not is not why I am opposed.

 

The same reason why everyone on this thread is opposed is why I am also opposed, that is, ra'isul wasaaraha oon xornima helin inuu wax soo magacaawdo, haye, is that enough for you yaa Leezi-Gaal, and welcome back geweryahey guudka-dheer:-)

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

There are some good men who have achieved something before like, Godax Barre, who even fought Sheekh Shariif when he appointed a warlord governor for Hiiraan, and Abdiraxman Bayle is a successful technocrat. here some of his songs he composed in 2006:

Qaylo Dhaan: A dialogue between the Somali Flag and Dr. Abdirahman Beileh

 

By Abdirahman Beileh

December 08, 2007

Print Friendly

Dear Folks,

 

I would like to share with you this short note as a preamble to the song attached below called Qaylo Dhaan. Qaylo Dhaan is a culmination of a long dialogue, over a period of about 14-15 years, between the Somali flag (the Blue one with the white star in the middle) and Dr. Abdirahman Beileh (myself). This dialogue was taking place, intermittently, during occasions of important international/regional meetings, conferences, and summits where high level national representatives from Africa and from relevant institutions, seated gracefully behind their national flags, debated national issues and promoted their own respective interests. The dialogue took place in these meetings when the two of us met representing two different entities, the Flag representing the Somali Republic and me representing the institution I work for (the African Development Bank).

 

In these meetings, I often delivered statements and/or participated in discussions on behalf of the Bank. During the deliberations of each of these conferences, we would, once in a while, have eye contacts with the occasional nod or two signifying recognition of each other’s presence. The Flag would always be sitting there quietly and desolately, squeezed and barely noticeable, between the Rwandan delegation on the left, and that of South Africa on the right. You have to look hard to recognize its existence, especially as the seat is always empty. During the earlier years, say 1994 to just about 1999, various groups would show up, each one claiming the right to occupy the seat, with sometimes a scuffle or two between them over the seat, and in the process violently damaging both the flag and the chair. The organizers would then arrive, with security personnel, and decidedly order all groups to leave the premises. The flag would then be folded up and put away with the chair moved to a remote corner somewhere outside the debate area. This normally happened when such important meetings took place somewhere in the Horn.

 

More recently, however, the look on the face of the flag and the eye contact have appeared noticeably much more hostile towards me than before, to an extent that it made me nervous at the podium delivering a prepared statement or during my participation in discussions. He often frowned at me with visible anger and disdain towards me. I first noticed this in the Food Security conference held by the African Ministers of Agriculture and Water in Libreville Gabon on November 28-29 2006. In this conference, I spoke about what the African Development can do to assist African countries in their efforts towards achieving the Millennium Development Goals on Food and Poverty reduction. The flag’s gaze at me was so intense that I had to disguise my discomfort by taking frequent sips of water with short coughs! I succeeded to restrain myself and the meeting was concluded without any physical contact between us. I occasionally concluded that this was harassment and that I should perhaps draw it to the attention of the organizers. But then, the better part of me commanded that I gave more credence to our blood ties, and thus I should refrain from taking any action against Him.

 

After the conclusion of this meeting, all delegations participating in the Libreville Conference moved to Abuja Nigeria, where Heads of State Summit was convened on December 4th and 5th 2006 to deliberate on and endorse the outcome of the Libreville Ministerial meeting. There we met again! But this time, because of the expectation of a Head of State, the Flag was mightier in size and more imposing. In addition, the Somali delegation (supposedly led by the head of state) was seated very close to the podium and the high table. As I took a position at the high table, I immediately faced the all-imposing blue flag with the big white, and very bright star, right on my left shoulder looking at me as more disdainful to me as ever.

 

This session was not a very productive one for me but, at least, I made an effort to concentrate on what I had to say. Within this session, I decided that as soon the session broke for coffee, I would politely approach Him and ask him what sort of problems He had with me!

 

So I did! as soon as the Chairman, adjourned the session, I got up and directly walked up to Him, very nervously, not knowing what His reaction would be towards me. I quietly shook his hand and hastened to assure Him that I was not there to fight Him like the others in the past, but simply came to say hello! As I sat down with him, we were joined by two ladies who later on told us they were refugees living in Abuja but recruited temporarily to assist in the organization of the meeting. We all talked and confirmed our origins to each other all speaking in the language: iska warrama? Waa nabade idinkuna? Alla mahaddii and so on and so forth..

 

I then said “ But, Flag, we have been meeting over the years without talking to each other”…” I am happy that we now started talking to each other”…. “Let me just ask you…”

 

And this song then started expressing these feelings. The ladies also took part in the song!!

 

QAYLO-DHAAN

 

Beydkii koobaad

 

Dr. Beileh (1)

 

Calanyohow qanddoodaa

Sida qaanso roobaad

Amma kaynta qadawgoo

Inta uu qayood helay

illimuhu qulqulayaan

quruxdaadu badanaa

maxaa qiimo kugu ladhan

in aad qaayo leedahay

qalbigaygu kula jiro

anaa kuu qiraayoo

naftu kuu qushuucdee

bal qabsoo ha yeeshee

qambaruursigaagiyo

isha qoodha daymada

igu soo qallocdiyo

qoolaabnidaadaa

qulub igu abuurtoo

igu dhalisay qarowgee

anaa kuu qareen ehe

maxaan ku qabtaa sheeg

Calanka (1)

 

waxan qoomameeyaa

weli quuddarreeyaa

qun-u-dhalasadaydii

ballantii ad qaaddiyo

qorshahaan samaynniyo

hilbahaygan kala qalan

quruxdiyo hankaygii

qolqollada magaalada

waxan qoorta fidinjiray

xiddigaha ku qaydnnaa

qarinjiray daruuraha

hadba laanta qawlka ah

qoollaalligaygii

debintoon qaniiniyo

ma qaxootibay xigay

maxaad haatan ii qaban

ma adaan ikala qubin

qudhu ha’iga socotoo

maruun aan qarsoomee

qarka ma’iska tuuraa

Hoorintii Hablaha

 

calankan qaayaha lahoow

qudhada badhkeediyoow

waxaan kuu qabo jacayl

qiyaas kuma koobi karo

hadday caanuhu qubtaan

illayn dabadood la qabay

waxaan diray qaylo-dhaan

saadaal wacan baan qabaa

sidaa ku-calool qabow

Beytkii Labaad

 

Dr. Beileh (2)

 

shirkan qaabka loo wacay

qasdigiisu uu yahay

quruumaha adduunyadu

danahooda qaaska ah

in ay wada qorsheeyaan

qaadaa-dhigaan talo

arrimo isla qaataan

qaran jira in aad tahay

hadday kugu qiyaaseen

sidaa kugu qadariyeen

madal kugu qotomiyeen

haddaad qaawantahay weli

qaladkooda maahee

waxa guuldarrada qaba

qoolkuna dulsudhanyahay

qoonkaad u dhalatee

qaybsani ka doorbiday

qarannimada wadareed

garoo qoontu waa taa

maxaan kuu qabtaa sheeg

Calankii (2)

 

Qaran jabay miyaan ahay!

Waxaan beero qodanjiray

Quudinjiray adduunyada

Qaddarkay* ma liicoo

Qayrkay ma tuugsaday

Qaraamaad ma urursady

Qacda waranka feedaha

Qaniinyada halka I mudan

Weli maan qandhaysnahay!

Sida qaanso oo kale

Ma u soo qallocasamay

Qufac ioy xanuun iyo

miyaan qaaxo weheshaday

ma qaxootigiibaa

bahaluhu ku quutaan!

maxaad haatan ii qaban

ma adaan ikala qubin

qudhu ha’iga socotoo

maruun aaan qarsoomee

qarka ma’iska tuuraa

Hoorintii habalaha

 

calankan qaayaha lahoow

qudhada badhkeediyoow

waxaan kuu qabo jacayl

qiyaas kuma koobi karo

hadday caanuhu qubtaan

illayn dabadood la qabay

waxaan diray qaylo-dhaan

saadaal wacan baan qabaa

sidaa ku-calool qabow

Beytkii 3aad

 

Dr.Beileh (3)

 

wax la yidhi qiyaamuhu

marka uu qariib yahay

qaab lagu gartaa jira

hadal aad ku qanacdiyo

qiso aan ku siiyoon

kuu qaboojo laabtee

qun-u-dhalashadaadii

nimankii ku qaabbilay

qalbigooga kuu furay

kuwii dhiigga kuu qubay

kuu qaaday heesaha

qof hadduu ka noolyahay

sedan uma qatalanteen

qaawanaan ma mudateen

ilmo kaama qubateen

qawyada majebiseen

qandho iyo xanuun iyo

jirro kuma qardoofteen

anaa kuu qareen ehe

mxaan kuu qabtaa sheeg

Calankii (3)

 

qoran weeyi geeridu

qofna waari maayee

qabri lama huraayee

haddii qaamudkood galay

qiso ma aha yeeblee

maxaa qaatay ubixii?

qalinkiyo tawaaddii?

qorijirey ummuuraha

qarankiyo dadkisii

qarada iyo laxaadkii

quwaddiyo itaalkii

la’igu wada qaddarinjiray

qoomiyad jacaylkii

Qarshe iyo dirkiisii

qasiidooyinkoodii

qawlkii halyeygii

qammaammuurtii waberi

qabanqaabadoodii

maxa qaatay ee helay?

miyay iga qatoobeen?

Hoorintii habalaha

 

calankan qaayaha lahoow

qudhada badhkeediyoow

waxaan kuu qabo jacayl

qiyaas kuma koobi karo

hadday caanuhu qubtaan

illayn dabadood la qabay

waxaan diray qaylo-dhaan

saadaal wacan baan qabaa

sidaa ku-calool qab

Beytkii afraad

 

Dr. Beileh (4)

 

Talo wey qallibantoo

waxa qaatay beledkii

qasnadihii la oogsaday

qawleysataa timid

yamyam iyo qadaad weyn

quraafaadka beenta ah

qaybqaybta maahda ah

qalbiyada daciifka ah

ku qadhaabanaysoo

qofna aan canyn iyo

ilma qaabaqowsyeyn

qisadeennu waa taas

waxan kugu qancinayaa

qiil kaaga dhigayaa

in kastooy qadhaadhahay

Qadder weeye eebbee

inaad qaadataa furan

anaa kuu qareenoo

kula qaadi heestii

maxaan ku qabytaa sheeg

Calankii (4)

 

waxaan quudhsanjirey beri,

ka qashaafijiray hore

qasab ma igu noqotoo

dani ma igu qabatoo

dullinimo ma qaayibay !

qayrkay ma tuugsaday!

ma hantiyay cad* (hilib) quudheed

Qacda waranka feedaha

Qaniinyada halka i mudan

Weli maan qandhaysnahay!

Waabay qadhaadh iyo

ma qantuugay jahanama

wakhtigaa is qallibayee

anay qoontu igu taal

maxaad haatan ii qaban

ma adaan ikala qubin

qudhu ha’iga socotoo

maruun aaan qarsoomee

qarka ma’iska tuuraa

Hoorintii habalaha

 

calankan qaayaha lahoow

qudheyda badhkeediyoow

intaan kuu qabo jacayl

qiyaas kuma koobi karo

hadday caanuhu qubtaan

illayn dabadood la qabay

waxxa diray qaylo dhaan

aadaal waxcan baan qabaa

sidaa ku-calool qabow

Dr. Abdirahman Beileh

Email: a.beileh@afdh.org

 

-----------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Waxaan filayaa in aysan jirin cid kufaraxsan sida ay wax udhaceen, iyo 55 xubin oo qol qaadaba laheyn, iska daa in la maamulo.

 

Qofka wax fiican kasugayey madaxweyne kufaraxsan in marka uu xaajo gudanayo ay tahay in askari Ugandhees ah uu sii kaxeeyo, markii horeba wuu qaldanaa.

 

Ayadoo ay taasi jirto, hadana waxa naga maqan hadii aan Maryooley nahay, qaab dhaqanka umadaha jabka uu kudhacay iyo sida ay uga baxaan jabkaas.

 

Waxa muhiim ah badbaadinta jiilasha soo socda oo ah waajib saaran jiilka maanta jooga ama siyaasad toos ha uu jiraan, ama cyberka ha kaga jiraanbee, talaabooyinka lama huraanka ah waa:

 

1- In la qiro lana rumeysto in Maryooley ay jabtay dhinac kasta.

 

2- In la ogolaado sida hadda ay xaaladu tahay - Madaxweynaha wadanka waa Nick Kays, ciidanka rasmiga ah waa Amisom, wasaaradaha rasmiga ah waa hey'adaha qaramada midoobey ee wadanka ka howlgala.

 

3- In laga shaqeeyo sidii wax looga badeli lahaa xaalada dhabta ah ee jirta, lana qaado talaabooyinka la awoodo hadda, kuwa aan la awoodina waqtigeeda iyo jiilkeeda loo gudbiyo si ay ayagu halkaa uga sii wadaan.

 

4- Isbedel walba oo dadka loo diyaarinayo waa inuu ku dhisan yahay:

 

- Nabad. mid aan dagaal lagu gaarin, maadaama umadan ay u baahantahay in ay kasoo kabsato dhiig bixii badnaa iyo wayraxa uu keenay dagaalka badan, si

jiil maskax fiyow oo nabad ku barbaara loo helo.

 

- Isfahan. iscafin buuxda, iyo isfahan dhab ah oo la dhix dhigo umada ayadoo lagabilaabayo heer degmo, heer gobol, heer qabiilo. Waxa asaas u ah isfahanka, in dadka la fahansiiyo xaalada dhabta ah ee wadanka ka jirta.

 

5- La dagaalanka jahliga. sabata ugu weyn ee maanta Maryooley loo heysto waa aqoon la'aanta dhicyada nolosha oo dhan. Howshan waxa masuuliyda ugu wayn ay saarantahay dadka waxbartay oo inta badan dibada ku dhaqan, waxa ugu yaraan ay dadka gudaha lawadaagi karaan sida umadaha kale u noolyihiin iyo waxa bud-dhiga u ah nolol ku dhisan, ixtiraam, isfaham, iyo wada noolaansho bulsho.

 

6- Abuurid fursado shaqo, qof kasta oo aqoon leh, xoogaana heli kara, ha isku dayo inu abuuro fursad shaqo ay kafaa'iideysan karaan in kabadan hal qof, shrikad hadii aad wax ku darsanaysid su'aalaha ugu muhiimsan haka mid noqoto, inta shaqo ay wadanka gudihiisa ka abuurayso shirkadaas.

 

7- Baahin niyad/rajo waanaag. dadka dibada jooga iyo kuwa gudaha jooga ee waxbartay, waxa saaran waajib ah in ay baahiyaan niyad wanaagsan iyo rajo

fiican, si jiilasha soo korayo ay ugu barbaaraan jawi fiyow. Hadii, eedeyn, rajo xumo, xumaan sheeg, iyo ciil iyo cuqdad abuurid ay wax dhisi karaan, waxa maanta aan heyno waa miraha arimahaas.

 

Su'aasha aan rabo in aan weydiiyo saaxibada kor arigtidooda ku cabiray iyo reer SOL dhamaan waa:

 

Waad aragtaan meesha xaalku marayo, shakhsi ahaan muxuu yahay waajibka ku saaran, si aad xaalkaas wax uga badashid?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this