Sign in to follow this  
nuune

Villa Somalia going CRAZY tonight

Recommended Posts

cadnaan1   

waa arin cajaaib ah hadii qof aanan lala tashan xil loo magacaabo markii ugu horeysayna ma ahan dowladi Gaas ayadaba naag shiidle ah oo jowhar joogta ayey wasiir u magacaabeen markaasnaa jowhar waxaa haystay alshabaab miskiinta baxar ayey galiyeen alshabaab way qabteen.

 

 

 

Tarsan "Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka"

 

 

Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay inta aanu ansixin Golaha Baarlamaanka waxaa ka hor yimid mucaaradii ugu horeysay, kaddib markii uu iska casilay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga.

 

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo loo magacaabay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaasi uu u magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

 

Tarsan ayaa sheegay in isagu xilkaasi uusan dooneynin isla markaana uu yahay nin ay dadku wada yaqaanaan.

 

"Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka" ayuu yiri Md. Tarsan oo sheegay in lagu degdegay magacaabista jagadaasi.

Waxaa uu sheegay in xataa Wasiir uusan dooneyn, maadaama aan lala tashan sida uu hadalka u dhigay.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in Tarsan xilka Duqa Muqdisho iyo Gobolka Banaadir laga qaado, taa bedelkeed la siiyo Wasiir kuxigeen.

 

Magacaabista Golaha Wasiirada oo noqotay mid soo daahday isla markaana dhalisay muran xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa in wali.

 

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com<quote>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Wallee waxaan la yaabay ''pick and choose-ka ay sameeyeen!!!!!! Balaayo madax iyo wasiiro idinka dhigatay ee na dhaafa. Uuuf fooqal Uuuf!!! Horay baa loo ogaa qorshaha Qoslaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Two new faces from the North

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ? From Awdal region in Somalia who has info on the new FM pls provide.

 

 

Ninkii Siilaanyo watay Mr Jamac Oday oo Wasiir laga dhigay

Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

Dowladda hala rido. They have proved that they don't have the capabilities to move our country forward. We lost a year already we cannot loose another four years. maamul goboledyada waa in si dhaqso lo dhameystira sida ay ugu hortaggan khatarta so socoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

This is very sad day. a new dictator is born who lost his brain to early. he isn't a wise one to lead a nation that desperately needs genuine leader. Qoslaaye agtiisa tallo mataal ee farad kale umada ilaahay ha u furo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Cadale, Maxaa ku gubaya saaxiib. This government is handpicked by the Prime minister.He picked a new foreign minister, he brought Godax Barre who was a capable minister under former PM c/weli Gaas's government as Interior minister, and Haamud who is experienced politician as the new defense minister. Although Fowsiya has done a great job during her tenure, she became active member of DamuJadiid. Also. Most of the communities are represented.I think this Prime Minister is in charge of this Cabinet. Damjadiid is not anymore change of Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Arrimaha Dibeda. Let us see what this man and his abinet can achieve in one year.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

galbeed adiga waad ku faraxsantahay oo reer awdal waxay heleen wasiirka arimaha dibada,,laakiin inta kale qashinka ah ee gaaraya 54 ministers ka waran xagee budget looga keenayaa 55 ministers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Malister, there are three Northern Ministers. Ridwaan Hirsi, the deputy minister is Islaax, Jamac Oday is former organizer for Kulmiye party who was director of Finance ministry, and finally A/rahman Bayle is an executive from African Development Bank for the last fifteen years, he is based in Tunis. He has PHD in economics.I heard he has overseen some development aid both for Somalia and Somaliland. Unlike Samatar he is a fierce Somali Nationalist who composed some Somali Lyrics and songs.

Calankan qaayaha lahoow

qudheyda badhkeediyoow

intaan kuu qabo jacayl

qiyaas kuma koobi karo

hadday caanuhu qubtaan

illayn dabadood la qabay

waxaan diray qaylo dhaan

Saadaal wacan baan qabaa

sidaa ku-calool qabow ……. Dr. Abdirahman Bayle

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Saaxiib, it doesn't matter, we didn't had a minister for the last government yet I supported them to succeed. By the way we always send the most qualified people not the losers. The number is big, but that is the only way to do in a fragmented country. The only positive thing is this Prime Minister stood his ground against the President. If he fails, he won't blame any but himself, so let us wait. Tarzan is mad. He was really disrespected, how can you nominate the star of Mogadishu as deputy Minister? . I think President Hassan wanted to low blow him. Unacceptable. Rather than put him in higher level for his effort, they are demoting him. Why?

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

IR

 

Heestii Doobir

By Dr.Abdirahman Beileh

October 12, 2012

 

Duulitaanki shalay

Douala iyo France

Tunis oo ka dambaysay

Diyaaraddii cammirrayd

Ummaddu ay daf ahayd

Illaa daakhilka buuxday

Dardartii socodkii

Dadku ay farxad weyn iyo

Sheeko deeddamayeen

Durdurkii hadalkii

Kursigii iga dambbeeyey

Iyo kii dacalkayga

Dawladaa ku shiraayey

Dadweynay ka hadleen

Hal-doorkii ka dhammaayoo

Digo-xaadh la marshay

Doonni bay ka hadlleen

Ku dayowday badweyn

Dhakhalka iyo shiraaca

Dabaylo ay lulayaan iyo

Injiinkii is-duqeeyey oo

Dalambaabi dhacaysa

 

Dooddii ay dhex-galeen iyo

waxay dowddabayeen ee

Dhegahayga ku duulaybaa

Igu daaray kulayl oo

Boogtaydii darsanaysay

Damqay oo i xanuunshay oo

Dammiirkayga dhaqaajay oo

Hurdadii wey iga duushay oo

Anigoo dirgan waayey iyo

Dibinta oo aan qaniiniyo

Dirqi baan ku socday

Horaad taa ugu daashee

Dug intaad ka tidhaahdo

Gacmahaaga ka duubo oo

Danahaaga ka raacana

Naftaydii igu diidday oo

Inaan dood ka idhaah

Debnahay cuncunaaya

Dulqaadkaan waayo lahaana

Daaddays baan ku xabaalay oo

Dushaan oodo ka saaray oo

Dib u soo noqon maayo

 

Diyaar baan ahay caawa

Ciidan baan dumayaa

Dacwad baan furayaa oo

Dagaalb baan ridayaa

Daadb baan soo rogayaa

Bulshadaa kala daadsanee

Fadhataystay dugaagu ee

Sida lo'da dammaanka

Afmiishaarku dillaalay ee

Dirqi uu ku xaraashay ee

Ciddu doono ka iibshay baan

Wax u deydayayaa yoo

Dadaal baan ku jiraa

Danyar bay korisoo

Dugsigii la I geeyey iyo

Sidii lay dabajoogay baan

Daynkoodii bixiyaa

Darteed baan u mlaeegtay

Calankaa degta saartayna

Daacad baa u hoggaan ah

 

Afartaa dood furiddeed iyo

Arraartaydii ku daa

Darandoorriga heesta

Durduraa geel ku jabaa e

doobir ii dheh abaadir

waxa ta aka dambaysa

 

Ninkii daarta cad fuulay ee

daruurtii arkay waayey ee

Iyaduuo da’ay roob oo

Dunidoo dhan asqeeyey

Duufaanno ay dhacayaan

Isagu daaradda seexday

Alla doonni ka saar

Daranaa caqligiisu

Ma dameero jin baa?

 

Digaa hoosta ka nool eh

Inta aan dambaskeedu

Sii dambaaburo heesin

Ku hullaaqin degaanka

maan dagaagaro heesta

Ha dabbaalo dhuflaysoo

Digdigteediyio reenka

Dadwaynu ha ku toosee

Dawga maan u tilmaamo

Durbaankii abtigay (Timacadde)

Doobtiisii ku codeeyoo

“Daaddah” maan ku idhaahdo

Deellaybaa curanaysee

Waxa ay ku dambayso

Anna maan durrujaaga

Intaan xaabo u doono

Dusha geedo ka saaro

 

Roobka noo da’ay maanta

Ku darrooray agteenna

Isla doonasho Eebbe

Daruur heedhe ka weynoo

Kani waa daldhaammeeye

Daad buu soo rogayaa e

Dantii haw mulacyeeyoo

Cudurka inna dulleeyey (qabyaalad)

Danaheenna ku seegnnay iyo

Daafka ha innaga maydho

Halkuu doono ha aadee

Miyaan daaradda mooso

Miyaan daadka isdhaafsho

Wuxuu doono qaadee

Daafta maan ka istaago

Da’yar baa qatanaydoo

Habka diinka sidiisa

Daymadayda ku noole

Miyaan dowliska qaato

Degelkoo leh barwaaqo

Ku dareeriyo beesha

 

Dukeeyoo iska daafay

Tu kalaa ka dambbaysa

Darandoorriga heesta

Durduraa geel ku jabaae

Doobir ii dheh abaadir

 

Dabnahaa I cuncunaayee

Haddii aan dib u laabto

Maahmaahdii dura sheego

Dulucdeedu ahayd

Markuu doono Raxmaanku

Dameeraa dhala weylo

Kor baa daad u kacaa

Dilaa weeye yaxaase

Isaga oo dam ku siistay

 

Dalqadiisa ku geystay baa

Dabaylo isbeddelaan ood

Dib u soo noqotaa oo

Dabadeed talisaa

 

Waxa taas u daliil ah

Dadaalkaan u dhammayn

Dayrkii aaynnu yaglleellay

Arrintii aan ku Ducaynnay

Degelkii xaabka la’aa

Duruuftiisu adkayd

qofkastaaba ka dayrshay

Hasheennii dergan weyday

Dhaafiweyday duleedka

Ilayskaynnu ku daarnnay iyo

Halka uu ku dambbeeyey

Doorka aad ka ciyaartay

kaalay oo ila daawo

 

Dalaggii aynnu fajaasnay

Miraalaa ku darrooray

Damta heedhe ka saaray

Ku bashiishtay diraacdan

Xareed baa la durduurtay

Dunidii ku badhaadhay

Buurihii deddanaa ee

Dabayshu ay balfinaysay

Cadceeddii ka darrayd ee

Haddii aad ku yar daahdo

Ku dubaysay dhammaan ee

Dusha kaa murxinaysay

Diirka kaa muldhinaysay

Barwaaqaa ka dambbeesay

 

Dalkii xabka la’aa

Naflaydydu ay kay didaysay

Dunidii way is beddeshay oo

Daaraha is hadheeyey

Markaa waagu dillaaco

Loo dareero iskuulka

Illaa fiid dabadiisa

Marka laydhka la daaro

Damaanshaadka dhacaaya

Dareenkaa ku dhaqaaqa

Durba waad garataa

In aan daw cagta saarnay

 

Dibna loo noqonayn

Dawaaf baan ku jirnaa oo

Dantay baan u maleegtay oo

Calanakaan degta saratay 00

Waan ducaysanayaaye

Doobir ii dheh abaadir

 

Mid kalaa ka dambbaysa

Ragga daabbad jaraystow

Dumarkyo iyo carruurtow

Dariiqaynnu astaynnay

Wixii daal inna gaadhay

Wixii geedka duleedka

Odayaal ku dardaarmay

Dib intaan u jalleecnno

Intaad daafaha eegnno

Shalayto iyo dorraad

Deris weyn ha noqdaan

Noo ileeya dariiqa

Dalandoolka hayaanka

Marka awrku dakaamo

Jidhku uu dubayoobo

Afku uu hadal daayo

Daran-doorri- ku maal iyo

doobigoo xoorku caleeyo

Wanaagabaa ka dambbeeyee

Dub-adayg iyo fiiro

Dulqaad ha inna hogaansho

 

Qofka dooddan maqllaaya ee

Dulucdeeda fahmaayee

Jidhku uu damqanwaay ee

Halka daabbad marysso

Daymoodee iska dhaafay

Ka digiigixan waayey

Dhegihiisa dabooshay

Muxuu yahay Alla doori?

 

Kuwii doonta shiraacday

Dirir xooggan habeeyey

dantoodii ku labeeyey

In ay daawo galaan

Dulqaadka iyo hannaanka

Inay daacad yihiin

Diyaar hawl u yihiin

Socodaal dheer dalbadeen

Wallee daah kuma qaydna

 

Afartaa run u daa

Tu kalaa ka dambbaysa

Darandoorriga heesta

Durduraa geel ku jabaae

Doobir ii dheh abaadir

 

Doqonbaa warwareegtoo

Meelo dheer wax-ka-doontoo

Hadal aan dux lahayn iyo

Duu-daa-daa ku wareertoo

Kugu daalisa hawle

Anoon dhaafin duleedka

Durba ma idin qaboojay?

Ma idin deeqay warkaygu?

Dareen maydinku beeray?

Ma dubaaxiyay jiidhku?

Masakaxdiinnu ma diirtay?

 

Haddii uu dirir hooray

Dal dhammeeye hillacay

Degelkoo dhan asiibay

Daayinkii na abuuray

Farriimahaan u dirannay

Ducadeenni ajiibay

Dadaalkeennii midhaystay

Dugsigeennii Gebeed

Daakiraadda allaylka

Marka diiggu dhawaaqo

Illaa fiid dabadii

Dam cadeeddu tidhaahdo

Duruustii soconayso

Dhallinteennii dayowday ee

Sida duunyada fooftay

Ilaahbaynna dilaayee

Habka diinka sidiisa

Dubkoodii jidhifaysaty

Hadday maanta duruus

Climigii dihanaa

Ka durduurnayaan

Faraskii ina daabbad

Ee daddaabba xidhnnaa

Ha dawaafo adduunka

Dantii ha xarragoodo

 

Waxaan sheeko ku daayey

Ku soo duubay warkaygan

Dambbibaannu samaynnay

Daa’imoow naga maydh

Dadaal baan ku jirnnaa yoo

Daa’imo iyo carruuriyo

Danyarbaa na sugaysee

Allow dawga hagaasan

 

Aammiiin

 

Dr. Abdirahman Beileh

E-Mail: A.Beileh@afdb.org

 

_________

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Galbeedi, Innaa Lillaahi, sxb maxaad isku qaseysaa, dadka yeysan kula yaabin, prime minister ayaa hand-pick-gareestay aa, Subxaanallaah, Ilaahoow nimaan wax ogeyn ha cadaabin, sidan bey u dhacdey in a nutshell, labadan wasiir ii daa ee xukuumadii Saacid, listigan dheerna hoo oo akhri, xalay intaas unbaa dhacdey, prime minister kuye bidaa huurtey kuma dhihi karee prime minister kuuma joogo.

 

Soomaalidii dhanneed meel kasta dalka iyo dunida ayaa ka wada qeylisey oo wada ashahaadatey oo ogaatey in liiska dheer uu soo qorey Madaxweynaha, min Xamar illaa Aukland illaa Tromso illaa Fort Macmurray Soomaalida dagan dhan wax soo dhaweeyay oo u riyaaqey ma jiro wasiirada cusub, dee hadaad adigu wasiir bey Awdal heshay u mashxaradeyso taas waa gooni oo ku subkeyso, Cadnaan iyo Cadale meeshay ka qeyliyeen baad digada ka aruursaneysaa.

 

Tusaale, topigan u soo qaado, hal qof oo soo dhaweeyay ma jiro wasiiradan cusub, taas la bar-bar dhig topigyadii hore ee wasiiradii Saacid, mebsiteyada Soomaaalida dhan booqo, sidoo kale, televishanada raadyaha Soomaalida dhan dhageyso oo daawo, wax soo dhaweyay ma jiro, dadkii dhannaa baa ACUUDU BILLAAHI la wada kacey, waxan oo kale lama maqal lamana arag, wali foolxumadii xalayto ka dhacdey Villa Somalia ayaadan wali fahmin, Ilaah ha ku tuso xaqa dadkii dhannaa wada tusey oo adiga kaa indha-saabey, Awdal baa wasiir heshay baad taagantahey, taasna kaala doodi kari maayo ina adeer, oo warkaagu hees buu qorey iyo waa gabyaa bey kuu mareysaa, halkaa yaaba ka doodeyba!

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Maybe I am wrong on the list but, I saw the Damjadiid Heavy weights were not there. C/xakiin Guuleed was no longer in charge of interior, Fowsiya is gone, Faqi the weak defence Minister is gone. I hope most of the list is from the prime Minister. I HEARD the Prime Minister was almost resigned. Cadale want every thing including the Capital. He is probably the new young USC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

Galbeedi what bothers me and the rest of the somali population regardless of what clan they hail from is, we expected better from the first legitimate government somalia had since siyad barre. The situation is extremely messed up when some of the minister who got appointed wasn't even aware of it. Iskaba daa taas look at the cabinet taariikhdha somalia sooma marin dad ka liito for example look at the health minister waa general and wasiirka gaashandhiga waa ruux aan waligiisa xitaa ciidamada xooga dalka ka mid noqon iskaba daa nin taliye ama gaashanle ah. I have never felt so dissapointed in my whole life walahi. I want to apologize to Nuune,xiinfaniin and other members who i thought where against the government lead by xassan sheikh for other reasons.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this