Sign in to follow this  
Macallinka

Khilaaf Soo kala dhexgalay Madaxwayna iyo PM Cusub

Recommended Posts

^^No Joking bro.

 

 

Raisul wasaaraha cusub ee Somalia C/wali Shiikh Axmed ayaa la sheegayaa inuu ku jahwareersan yahay qaabkii uu u soo xuli lahaa golihiisa wasiirada ka dib markii ay soo wajaheen caqabado.

 

C/wali ayaa maalmahan kulamo wada tashi ah la qaadanayey qeybaha bulshada isagoo xalay iyo habeenimadii ka horeeyey qaabilayey xildhibaano ka tirsan Baarlamanka.

 

Xildhibaanada ayaa uga digay raisul wasaaraha inuu golihiisa cusub ee wasiirada ku soo daro xubno ka tirsanaa xukuumadii la riday ee Saacid, maadaama xukuumadaas lagu eedeeyey wax qabad la’aan, iyaguna ay qeyb ahaayeen, waxayna kula taliyeen inuu wejiyo cusub soo xusho.

 

Hase ahaatee raisul wasaaraha ayaa waxaa heysta caqabad kale oo arintan lidi ku ah taasoo ka timid dhinaca madaxweynaha oo doonaya in golaha cusub ee wasiirada lagu soo daro ugu yaraan afar ka mid ah wasiiradii xukuumadii hore.

 

Xubnaha madaxweynuhu u ololeynayo in lagu soo daro golaha cusub ee wasiirada ayaa waxaa ka mid ah raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaga dibeda Fowsiyo Yuusuf, wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir, wasiirka difaaca C/xakiin Fiqi iyo qaar kale.

 

Xubnahan qaarkood ayaa qeyb libaax ka qaatay sidii meesha looga saari lahaa xukuumadii ay ka tirsanayeen ee Saacid uu hogaamin jiray ka dib markii madaxweynuhu u balan qaaday inuu ku soo dari doono xukuumada xigta haddii ay kala qeyb qaataan ololaha lagu ridayey Saacid.

 

Raisul wasaraha cusub ayaan weli ka labo labeynaya arintan iyadoo xubnaha la diidan yahay lagu arkay magacyadooda liis qabyo ah oo laga helay golaha wasiirada cusub, waxaana raisul wasaare Cabdiweli uu ka cabsi qabaa haddii wasiiradii hore qaarkood uu ku soo daro xukuumadiisa in baarlamanka ay ka gudbi waayaan.

 

Qodob dhowaan xildhibaanadu meel mariyeen oo ku xusan xeer hoosaadka Baarlamanka ayaa dhigaya in marka la ansixinayo golaha wasiirada loo ansixiyo mid mid, wasiirkii aan la rabina dib loo celiyo si loo soo bedelo, halkii ay horey ka ahaan jirtay in golaha wasiirada mar kaliya si isku duub ah loo ansixiyo.

 

Golaha cusub ee wasiirada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ka hor 10-ka bisha Janaayo ee soo socota inta uusan baarlamanka gelin fasaxa, waxaana illaa hadda la isku raacay in tirada golaha wasiirada laga dhigo 25 wasiir oo u qeybsan shanta beelood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^It is obvious though, Hassan Skh would want those ministers to come back and the PM was advised by many ordinary people to bring back those ministers plus the MPs are warning him so he is in a tight situation.

 

I think he should refuse to bring them back and if Hassan Shk doesn't like it he should resign !!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

The system it self makes difficult to reconcile the powers. The president have nothing else to do other than influence the make up of the cabinet, on the other hand the Prime minister must have his own program to succeed. For the Prime minister to present any meaningful change, he must appoint at least one or two new faces in the major portfolios like Defense, interior or foreign policy. Hassan sheekh knew last year the big guns who could have shaken the system were their yet he ignored. people like Samatar, Baadiyow, Yusuf Garaad, Cali khaliif, Gaandhi, Khalii Jamma and others. If the list that I saw is true, they are all newbies.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

The President can't have both ways. He proclaimed loudly the failure of the last cabinet when was demanding the resignation of Prime minister Saacid- who left in honorable manner-- and now he want them back, Unacceeptbl......

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

dhibka waxaa uu ka jiraa dastuur ku sheega uu UN ka ay usoo sameeyeen somalia kaasi aan la saxin wax ma hagaagayaan isqab qabsigana sidaa ayuu u soconayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

if this guy can stand up to the incompetent qoslaye, he will earn my respect. I doubt he will do that. we all know all those useless ministers will come back and qoslaye will get his wish. there is no somali parliament that can be called a parliament. the PM doesn't have a choice but to agree to qoslaye ridiculous demands or else the paid MPs will strike again and get rid of him. it is a shame.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this