Sign in to follow this  
malistar2012

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dagaallo Beeleed uma Dul-qaadanayno Qas-wadayaashana Tallaabo adag ayaa la

Recommended Posts

Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta warbaahinta kula

 

Madaxweynaha_Soomaaliya_Dagaallo_1.JPG

 

 

hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay colaadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday deegaannada qaarkood, isagoo tacsi u diray dhammaan shacabkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada.

 

“Waxaa nasiib-darro ah in deegaannada qaarkood ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegananada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya colaadaha oo sii horinayo, ujeedaddooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida dowladdu uga xun tahay dagaallada soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna isagoo arrintaas mar kale ka hadlaya uu yiri:

 

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waana mid fursad siinaysa dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka. Qas-wadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

 

 

 

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada kasoo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood. Cid allaale iyo cidii is-hortaagta nabadeyntana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda dowladda ayaa ah in khilaaf kasta lagu xaliyo wadahadal.”

 

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii baaq u diray odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, ururrada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaannada dagaalladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsanaynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qas-wadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka ay ka hirgasho dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci.

 

Hadalkan madaxweynaha oo u muuqday mid adag ayaa wuxuu imaanayaa xilli saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay gobolka Shabeellada Hoose ka dhaceen dagaallo ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda Soomaailya oo la safan beelo uu dagaal u dhexeeyo.

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha_Soomaaliya_Dagaallo_3.JPG

 

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada kasoo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood. Cid allaale iyo cidii is-hortaagta nabadeyntana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda dowladda ayaa ah in khilaaf kasta lagu xaliyo wadahadal.”

Sadly alshabaab are initiating tribal war by arming one clan against the other to create chaos . The water boys and the boys from Galgaduud must united and fight the real enemy alshaydans. .

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

malistar2012;991387 wrote:
Madaxweynaha_Soomaaliya_Dagaallo_3.JPG

 

Waxaa nasiib-darro ah in deegaannada qaarkood ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegananada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabadoon Axmed Diiriye” Waa in dagaalka Sh/Hoose si deg deg ah loo joojiyaa

 

axm.jpg

 

Xilli wali deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ay ka soconayaan dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeled halkaasi wada dega ayaa odayaasha iyo wax garadke beelaha ****** waxay ku baaqeen in dagaalkan si deg deg ah loo joojiyo.

Afhayeenka dhaqanka beelaha ****** Nabadoon Axmed Diiriye Cali Wuxuu sheegay Sheegay in dadka dagaalamaya ay yihiin dad walaalo ah, xilligana aysan habooneyn inay daadiyaan dhiigooda sida uu sheegay

War dadkiina deriska ahoow xabada joojiya markaad dad iska leysaan oo hantida ay idinka baab’ado ayaa la arki doonaa idinka nabad kuwada nool”Ayuu yiri Axmed Diiriye. Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay Odayaasha Gobalkaasi inay u istaagaan ka shaqeynta nabadda iyo xasilooni ku noolaanshaha Gobalka Shabeelaha hoose iyo in wax waliba wadahadal lagu dhameeyo.

Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ku jirto Janaale,Ceelwareegoow, Busleey, Awdheegle iyo Num-50 maalmahan waxaa ka dhacaye dagaalo beeleedyo khasaaro kala duwan geystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

For this conflict to come to an end, the HAG militia should vacate Middle Shabeele and leave its peaceful citizens alone. Without first ordering the HAG militia to leave Middle Shabeele, Culusow is just being another pathetic clan warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Translation: HAG can kill maim and destroy communities, but if the poor people fight back, we will join the fight and support our HAG team.

 

niyoow this so-called president is a ridiculous buffoon. he will do anything to act like a clan warlord and take people's land and property in the name of power. shameless caqlilaawe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Watermaal waa ku sax san yihiin in ay wax iska celiyaan. Hore ayaa Cumar arte iyo Ina Cigaal ba uGu digeen, laakin manta ay wax garteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Somaliland should abandon its neutrality in southern affairs and side with the D-block if the HAG do not stop their aggression against the water-maal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Noo tallaabo always remain. Neutral on somalia affairs waxa is dilaya ha is dilaan its not your war the only time sl should pick sides if some on in somalia wishes to meet somaliland half way . Never play with your cards to early by the way why would somaliland go against the hags, those who are making or calling the loudest for injustice in lower shabelle also sidelined others in lower jubba. Dhag looma dhigo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

All somalis are cousins somaliland should never change its foreign policy because of warring factions in somalia.

It shoiuld only support one side for their long term interest. I believe these clashes will end soon since those figjting are also kin. Siyaasada somalia ku aadan qabila is dilaya looma badalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

Xaaji Xunjuf;991765 wrote:
All somalis are cousins
somaliland should never change its foreign policy
because of warring factions in somalia.

It shoiuld only support one side for their long term interest. I believe these clashes will end soon since those figjting are also kin. Siyaasada somalia ku aadan qabila is dilaya looma badalo.

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Oo u mahadceliayay Madaxweynaha

 

siidii.jpg

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu ugu jawaabay Colaadda ka soo cusboonaatay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana wafdi heer Qaran ah uu u diray gobolka si xaal looga gaaro Colaadda.

 

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso howlihii nabadeynta ahaa ee lagu dhex dhex dhexaadinayay beelihii dhawaan dirirtu ay ku dhex martay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose in xal weyn laga gaaray colaadaasi.

guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii ayaa xusay wafdigii Gobolka howlaha nabadeynta ahaa u tagay ee isugu jiray wasiiro, xildhibaano, iyo odayaasha dhaqanka ayaa kormeeray dhamaan goobihii ay colaada ku dhexmartay beelihii halkaasi ku diriray islamarkana ay ku guleysteen in waa waan ay kala dhex dhigaan beelahaasi, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in hishiis iyo is afgarad ay wada gaaraan dadkii halkaasi colaada ku dhexmartay.

sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/ hoose C/qaadir Nuur Siidii oo hadalkiisa sii wata ayaa *****lka ka qaaday in xaaladda gobolka dhanka amaanka uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaana uu carabka ku dhuftay in wada hadalka la gaaray ay horseeday in go,aan lagu gaaray in dhamaan jid gooyooyinkii yiilay qeybo ka mid ah gobolka Sh/ hoose gabi ahaanba la qaado dhawaana ay ay guda gali donaan bur-burinta gobahaasi.

Wafdi isugu jira wasiiro xildhibaano, iyo odayaal dhaqmeed oo baryahaan ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Sh/ hoose ayaa ku guleystay in hishiis ay kala dhex dhigaan beelihii dhawaan halkaasi ku diriray iyagoo guul ka gaaray joojinta colaadii baryahaan halkaasi ka taagneed iyadoo haatan qorshuhu uu yahay sidii ciidamo loo geyn lahaa goobihii rabshaduhu ay ka dhaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this