Sign in to follow this  
Mooge

Qoslaye invites Shulman Rogers back to villa Somalia. Steal as much as possible

Recommended Posts

Mooge   

qoslaye is not giving up until he takes Somalia's assets. he asked his nephew to invite the American thiefs back to villa somalia. qoslaye wants to name a permenant "flexible" bank chief soon and he promised his friends that things will be smoothed out soon. loool.

 

Bangga_dhexe.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Kamaal Guutaale oo ah chief of staff madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa ku casumay madaxtooyada Villa Soomaaliya shalay shirkada Shulman Rogers iyo dalaaleyda Cabdicasiis Hassan Giyaajo Camalow iyo Muuse Ganjab iyagoo shir ku qabsaday madaxtooyada Villa Soomaaliya. shirkaas oo socday muddo 3 saacadood waxaa uu ka dhacay shirkaas madaxtooyada Villa Soomaaliya, sawirka (attachement) sirta ah iyo xogtaas oo laga helay Kamaal guutaale saaxiibkiis oo naga codsaday inaan magaciisa baahinin sababo amaanka ah, sawirkaas sida ku cad (attachment) oo shirkada Shulman

 

nin cadaan ah oo ka socda, Cabdiasiis Giyaajo iyo Muuse Ganjab fadhiyaan qolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib qado sharaf uu u sameeyay Kamaal Dahir Guutaale ayaa diirada shirkaas waxaa lagu saaray in howlaha shirkada Shulman ku baadigoobayso lacagta 100 milyan dollars dardar xoog leh la geliyaa iyo guddiga UN monitoring group sidii leysaga difaaci lahaa haddii eedeyn ka timaado ku saabsan lacagtaan $100 milyan. Kamaal Guutaale ayaa u balan qaaday shirkada Shulman Rogers inaysan dawlada ka hadli doonin arrintaan inta lacagtaan laga soo furayo lana magacaabi doono gudoomiye cusub ee bagiga dhexe.

 

Shirkaas socday muddada 3 saacadood ee ka dhacay madaxtooyada Xamar ee Villa Soomaaliya ayaa Kamaal Guutaale u sheegay shirkada Shulman Rogers in iscasilaada guddoomiyaha bangiga dhexe ee Yusur Abraar aynan wax weyn ka bedeli doonin mowqifkooda ku aadan in lacagtaan $100 milyan dollars la soo furo lacagtaas oo ahayd lacag ku xaniban akoontiyada dawladii maxamed siyaad tan iyo markii ay dhacday dawladii xilligaas. Kamaal Guutaale ayaa ka codsaday shirkada Shulman Rogers inaynaan dheg jalaq u siinin warar magaalada leysla dhexmaaraayo isagoo ka codsaday shirkada Shulman wakiiladeeda oo isagu jira dad cadaan ah iyo dalaaley Soomaali (cabdiasiis Giyaajo Camalow) iyo Ganjab Investemt oo Muuse Ganjab uu wakiil ka ahaa inay sii deganaadaan hoteelka jaziira ilaa laga soo magacaabayo gudoomiye cusub oo Bangiga dhexe ah. Dadkaas cadaanka ah ee ka socday shirkada Shulman Rogers ayaa rabay inay magaalada Muqdisho isaga soo tagaan kadib markii shacabka Soomaaliyeed ******** qorshahooda ay ku boobi rabeen hantidaas Soomaaliyeed laakiinse Kamaal Guutaale ayaa u balan qaaday shirkadaas Shulman Rogers kana codsaday inay sii joogaan hoteelka Jaziira ilaa laga soo magacaabayo gudoomiye cusub ee bagiga dhexe iyadoo dawladana ay bixin doonto kharashka hoteelka, gawaarida u kireysan, iyo cuntadooda shirkadaas Shulman inta ay joogaan magaalada Muqdisho ilaa laga magacaabayo gudoomiye cusub oo bagiga dhexe.

 

Kamaal Guutaale oo ka helaaya dhiiro gelin xoog leh Faarax Cabduqadir wasiirka madaxtooyada ayaa Shirkada Shulman Rogers ka codsaday inaysan wax war ah ama jawaab siinin guddiga dabagalka UN (UN monitoring group) oo warqad u soo qoray shirkada Shulman inay faahfaahiso lacagtaan $100 milyan dollars. Shalayna waxaa ka dagay magaalada Muqdisho rag ka socday UN monitoring group si ay arrintaan u baaraan. Kamaal Guutaale iyo shirkadaas Shulman Rogers ayaa isku afgartay in la keeno gudoomiyae Bangiga dhexe oo u cuntami kara oo aan hor istaagi Karin qorshahooda ku saabsan lacagtaas $100 milyan dollars. Shacabka Soomaaliyeed ayaa arrintaan il gaar ah ku hayo iyagoo ka war sugaya inay dawlada Soomaaliyeed war cad ka soo saarto lacagtaan la rabo in la boobo.

 

Jaamac Maxamed Saciid

Freelance Journalist

Fairfax, Virginia

saidjaama@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

oo sawtaan moodaayey in ceebtii bangiga ka raacday uu rabo in uu *****lo. reer xamarku waxay odhan jireen " ninkaan ma shiixaayo". ma dilaaliintii laga qaylyey ayuu madax tooyada ku soo xerreeyey. Warkani haduu run noqdo, kooxdani xaaladoodu waa khatar. arintani waa mid hadii lacag la raadinayo baarlamaanka iyo golaha wasiiradu hawsheeda galaan. cajjib. warkan ha la xaqiijiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this