Sign in to follow this  
Caano_Geel

Wax Ka Baro Af-Soomaaliga Cusub, Yaan Lagu Iibsanin Sida Xoolaha 'e

Recommended Posts

Wuu is-rifayaa………….....wuu qayilayaa

Waad igu liin-baxday….....waad iga hadhi weyday

Yaa la socda………………… yaa taageersan

Waa loo raran yahay…... uurbaa loo leeyahay

Nadiif baan ahay…….......lacag ma haysto

BBC-da og……………………qof kasta og

Lugtuu aastay……… ……wuu guursaday

Waa loo qayilay………… waa la khiyaameeyey

Baddaa ku kacsan……….Wuu lacag la’yahay

Waa lala soo darsay ……jacayl baa ku dhacay

Tacsibaa u taal………….waa lala guursaday

Afkuu furtay………………wuu caytamay

Dhiiqaduu cabay……….wuu ceeboobay

Noo baandhee………….aynu is-dhagaysano

Waa laga lushaa…………waa la jecel yahay

Nalbuu shitay……………sirtiisuu sheegay

cid kale ayey u raran tahay ………qof kalay la sheekaystaa

naftay dhigeen………………………way tahriibeen

badduu galay……………..balwad ayuu yeeshay

jeebkiisaa qoslaya…………waa oday lacag haysta

gaadhigayga maaha…………kama helo noocan

shahaadaa loo dalbay………dhaawac baa gaadhay

miisaan ayaa saran……....meel baa laga haystaa

jilbuhuu aastay………......caruur buu dhalay, aabo

google weeyi……..........waxba lagama qarin karo

wuu kululaaday ... ……..wuu waashay

hawo ayuu soo doontay…………Dibada ayuu ka yimid

gacantaa dheeraatay……wuu shaxaad badatay

yaa kula og………...........macquul maaha

maskaxduu furtay……...maandooriyuu soo cabbay

cirkuu galay……...........wuu dhoofay

wuu ku qarxiyey….....…wuu ku caddeeyey

luuq buu ku jiraa…...…wuu guursaday

wuu tigtigan yahay…-...waa tahriib

yaasiinkaa dhaafay---.--miinaa la qaraxday

wuu baxsan yahay..….sheekada lama socdo

ducadii ma timid……...biilkii ma yimid.

beertuugalay-------.... noloshuu ka dhacay

DVD baa ushidan ...... Meel buu kumaqan yahay —

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Oraahyada qaarkood way isku haboonyihiin saa qofkii tahriib gala naftiisuu dhigayaa @_@

 

Mida kale haddii "loo raranyahay" - 'uur baa loo leeyahay' loola jeedo ; maxaa looga dhigay 'qof kalee u rarantahay - 'qof kalee la sheekaysataa ' oo looga dhigi waayey 'qof kalee uur u leedahay?

 

 

:D :D :D baddaa ku kacsan

 

Waad ku mahadsantahay kista yar aad iga qoslisiisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Best part

Jeebkiisaa qoslaya = Waa qof lacag haysta

Google weeye = Waxba lagama qarin karo :D

Gacantaa dheeraatay = Wuu shaxaad batay

Ducadii ma timid = Biilkii ma yimi

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Best part

Jeebkiisaa qoslaya = Waa qof lacag haysta

Google weeye = Waxba lagama qarin karo :D

Gacantaa dheeraatay = Wuu shaxaad batay

Ducadii ma timid = Biilkii ma yimi

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

:)

 

Af kasta sanadkii waxaa ku darsama erayo, hadii ladiiwaan galiyana waa in qaamuuska lagu daro.

 

Bac baa ku xiran.............................Waswaas ayuu qabaa

Badduu rinjiyeeyaa.........................Waa shaqo la'aan

Buufis baa ku dhacay.....................Dhoof buu ku waashay

Kabihiisa baa buuqaya...................Waxba ma heysto/Kabahaa ku qurmay

Shanta labo kadhig.........................Sheekada noo baddal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Safferz   

I've heard these two to describe someone crazy, though I'm sure they're old now -- "dishkii baa dhaqaaqay" (unfocused) and "mobile ayuu wata" (talking to himself)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this