Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fighting erupts in TaleexBocame Axmed Karaash Khatumo President vs Indhosheel Khatumo President

Recommended Posts

Maleeshiyada Faroole Oo Weerartay wafdigii Khaatumo State Ee Kusii Jeeday Taleex.

Maleeshiyada Faroole Oo Weerartay wafdigii Khaatumo State Ee Kusii Jeeday Taleex.

 

 

Taleex(Allssc): Ciidamada Maamulka Puntland ssdf Ayaa Saaka Duulaan Kusoo Qaaday Deegaano Isku Xidha Magaalaada Boocame Iyo Taleex ee Gobolka Sool, Halkaasi oo Mariyeen Wufuud kasocda Maamulka Khaatumo Kuna SiiJeeday Magaalada Taleex.

Ciidamada Maamulka Garoowe Ayaa Xabad & Rasaasl Kala Duwan Ku Riday Wufuuda Maamulka Khaatumo, Waxaana Jawaab Adag Oo laga Bixiyey Looga Saaray Deegaanka God qaboobe ee Gobolka Sool.

Intaaasi Kadib Ayaa Ciidamada Maamulka Puntland Waxaa Ay Bilaabeen Gurmado Kala Duwan ee Uga Imaanaya Magaalada Garoowe, Si Ay Halkaasi Ugu Huriyaan Dagaalo Sokeeye.

Goob Jooge Kusugan Deegaanka Buuro Wadal oo Goordhowayd Lahadlay Warbaahinta Ayaa Xaqiijiyey In Ciidamo Kala Duwan ee Kasoo baxay Garoowe Ay Halkaasi Soo Dhaafeen.

Goor Dhow Naga Filo Faah Faahin Dheeriya iyo Waraysi La Xiidha Xaaladaasi Iyo Waliba Wararka Ugu Danbeeyay ee Kasoo Kordha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal u dhaxeeya dhinacyo ka Wadda Tirsan Maamulka Khaatumo Maanta ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Sool

 

Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya deegaanka God-qaboobe ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa maanta uu dagaal muddo qaatay ku dhexmaray dhinacyo kawada tirsan maamulka Khaatumo.

 

Warku wuxu inta ku darayaa in dagaalkan uu ka dambeeyey kaddib markii ciidamom ka yimid Buuhoodle oo ku socday degmada Taleex iyo ciidammo jooga duleedka God-qaboobe ay isku dhaceen.

 

Xilligan waxaa la sheegaya in xaaladda deegaanka uu dagaalku ka dhacay ay deggen tahay, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in ciidamadii ka yimi degmada Buuhoodle ay haatan u ruqaansadeen dhanka degmada Taleex, halkaasoo lugu waddo inuu ka qabsoomi shir u furmato Khaatumo.

 

Ma jiraan wali faah-faahin kasoo baxaysa khasaaraha dagaalka ka dhashay, balse Caaqil Cabdisalaan Muuse Deri oo ka mid ah waxgaradka deegaanka oo warbaahainta gudaha la hadlay ayaa sheegay inaysan wali jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray, balse ay ka warhayaan in xilligan dagaallku uu qaboobay.

 

“Dagaallku xilligan wuu jogsaday, balse ma jirto cid noo sheegtay khasaaro dagaallka ka dhashay, ma fileyno khasaaro la'aan, wayao dagaallku muddo saacado ah ayuu socday ciidamaduna waxay isku adagsadeen hubka kala duwan, waxaa jirta garabyadii dagaallamay in midkood uu u soo dhaqaaqay dhinaca Taleex halkaasna wali war nagama soo garain,” ayuu yiri Caaqilka oo ka mid ah waxgaradka deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

 

Dagaallkan ayaa imaanaya xilli dhawaanahanba laga sharqaminayay xiisad dagaal oo u dhaxeysa beelaha wadda dega deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo uu qaybo ka mid ah ka taliyo maamulka Khaatumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg Dhagayso:Sarkaal Katirsan Maamulka Khaatumo oo Sheegay inay Gaadiid Dagaal ay Kagubeen Maleeshiyaadka Puntland ee Cararay

 

 

Mahdi Cabdiraxmaan Ahmed Oo ka Mida Wax garadka Degmada Godaalo ayaa Waraysi Siyey Warbaahinta waxa Uu sheegay In gaadhi laga Gubey Maamulka Puntland Isagoona Inta Ku daray inay gacanta Ku hayaan goobta Lagu dagaalamay Ciidamada Khaatumo.

Mahdi ayaa Sheegay Inay ciidamada Puntland goobta Looga Awood Roonaday baaburna Laga Gubey Isagoona Sheegay Inay hada Xalada Degan tahay In kasta Ciidamada Kala Gadhayaan Goobta Dagaalka Uu ka Dhacay.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSI

Wararka Kala Duwan ee Anu Ka Helayno Magaalada Taleex waxay Sheegayaan Inay Wafdi baladhan Khataumo uuna Hogaminayo madaxweynaha Khaatumo Ku wajahan yahin Magaalada taleex iyadoona Dhanka Kale laamiga Iyo Duleedka Tukaraq Ciidamada Ugu badna Soo Dhoobay faroole.

Wafdigani khaatumo Ee talex Ku wajahan aya aLaga Yaba Inay Tagan Goobihii Jiida Iyo goobta Dagalka U ka Dhacay Iyadoona Ilaa Hada Ciidamo badani ku qulqulayaan Goobta Uu saka Jidgooyada U galeen Ciidamada faroole Kuwa Khaatumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah maleeshiyaadkii Faroole ee PIS ta oo cagta la mariyey & Wufuudii Khaatumo gaadhay Taleex.

 

 

Kadib dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay inta u dhaxaysa God-qaboobe iyo Taleex, ee maleeshiyaadka beesha garowe oo kaashanaya horgalo ay la galeen ciidamada Khaatumo ayaa warrarku sheegayaan in laga xarago qaatay, war hada toos uga soo gadhay mas’uuliyiinta Khaatumo ee Taleex ku sugan ayaa xaqiijinaya in waftigii madaxda Khaatumo ee hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jamac Indhasheel ay gadheen Taleex.

Waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidamada Khaatumo ay ku sugan yihiin wadada Laamiga ayagoo iska haya ila jidka ka dega, waxayna ka guulaysteen maleeshiyaadkii gurmadka ahaa ee PIS ta kuwaasoo u badan raaska ciise maxamuud oo ka soo gurmaday saakadii hore Garoowe.

Taariikhda ayaa qoraysa maanta in markii ugu horaysay dad mar loo igmaday mas’uuliyada guud ee shacabka SSC ay ka barbar dagaalamaan cadowga shacabka reer sool tan oo noqotay qawaacibadda cusub ee ku qormay taariikhda furayd 9 sano ee deegaanada Khaatumo State.

Warar dheeraad ah goor dhaw.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg-Deg Ah: Dagaal Khasaare Gaystay Oo Kasoconaya Magaalada Boocame(Dhagayso)

Wararka Nagasoo gaadhaya Tuulada Buulalo Oo Magaalada Boocame Hilaadii 4km Ujirata Ayaa Waxay Sheegayaan Inuu Kadhacay Dagaal Xoogan Oo Udhaxeeya Ciidamo Kala Taabacsan 2da Madaxweyne Ee Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash Iyo Maxamed Yuusuf Jaamac Indho sheel,

Dagaalkan Ayaa Yimi Kadib Markii Madaxweyne indho Sheel Uu Habaynimadii Xalay Ka Anba,baxay Magaalada SaaxDheer Isagoo Kusii Jeeda Magaalada Taariikhiga Ah Ee Taleex Halkaasoo Uu Uga Qaybgali Lahaa Shir Dhwanaahanba Lasheegayay Inuu Ka Dhacayo Taleex

Ciidamada Gaarka Ah Madaxweyne Axmed Karaash Ayaa Iyagu Ayaamahanba Gaaf Wareegayay Degmooyinka Ku DhaDhaw Taleex Halkaasoo Ay Saaka Ku Kulmeen Ciidanka Taabacsan Axmed Karaash Iyo Ciidamo Iyagu Kabaxay Magaalada Saaxdheer Oo Ah Istaafkii Madaxweyne Indhosheel,

Dagaalka Maanta Kadhacay Magaalada Buulalo Ayaan Jiran Wax Dhimasho Ah Oo Kadhashay Dagaalkaasi

Weriye Maxamed C/casiis Maxamed Oo Kusugan Magaalada Buuhoodle Ayaa Khadka Taleefanka Kuwarystay Kayse Cawil Ladane Oo Kusugan Goobta Dagaalku uu Kadhacay Maanta Isagoona Ka Warbixiyay Sida uu Kubilowday Dagaalku, Isagoona Sidookale Sheegay In 17kamida Ciidamdii Kabaxy Magaalada Saaxdheer Maxaabiis Loo Qabtay Kayse Ayaa Intaasi Kudaray In Lagubay 3gaadhi Oo Ay Wateen Ciidamada Saaxdheer Ee Istaafka Indho Sheel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes puntland supports Axmed karaash and Abdisamad was instigating this conflict Axmed karaash is Puntland Proxy he gave shelter to Abdisamad in taleex. Axmed karaash one of the 3 presidents of khatumo wants to stop the conference this is also supported by puntalnd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg:- Maleeshiyada Faroole Oo Awoodiisii Ugu Danbaysay Ku Weeraray Magaalada Taleex

Deg Deg:- Maleeshiyada Faroole Oo Awoodiisii Ugu Danbaysay Ku Weeraray Magaalada Taleex

 

 

Taleex(Allssc): Warar aan helayno aya asheegaya in C/raxman Faroole uu u diray Ilaaladiisa iyo Maleeshiyo beeleedyo laga keenay Xasbahale iyo Awr Culusow kuwaas oo u diray sidii ay weerar qaawan ugu qaadi lahaayeen shacabka Khaatumo iyo Maamulkooda.

Maleeshiaydan oo wato Hub wixii gacan ugu jiray Faroole iyo Maamulkisia ay is hor fadhiyaan Ciidanka Khaatumo , waxaana la saadalinayaa in C/raxman Faroole iyo Maleeshiaydisia ay ka go’an tahay in ay Daadiyaan Dhiiga Shacabka Khaatumo.

Wixi kasoo kordha kala soco warbaahinta Allssc

Share this post


Link to post
Share on other sites

The story further develops puntland forces along side khatumos axmed karaash faction has send reinforcement , which led to president indhosheel to vacate taleex. Can khatumo stand and survive and even hold a conference if one of its president cannot visit taleex.

Ofcourse the other president of khatumo can visit taleex but he is in agreement. I believe he wants to have puntland and khatuumo to jointly manage taleex. In order to honer the subclan interest. When will the conference happen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg Max’uud Sheekh Cumar”inaanu Horey usocono Mooyaane Lagama yaabo inaan Dib usoo Laabano”{{Maqal}}

 

 

Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha maamulka khaatumo maxamuud sh cumar oo si toos ah khadka talefanka Radiokhaatumo ugu jira ayaa sheegay in ay muqas ay tahay jiritaanka shacabka iyo maamulka khaatumo agaasimaha ayaa ku nux nusaday weerarkii nacasnimada ahaa ee shacabka reer Talex ay ku soo qadeen maleeshiyaadka faroole Radiokhaatumo ayaa wax ka waydiisay agaasimaha dhimashadu intay marayso iyo dhaawaca wuxuu ku jawaabay in dhimashadu waxay kor u dhaafaty 10 ruux halka wararka qaarna sheegayaan in dhimashadu kor usii dhaafayso 13 ruux dhaawacana aaan la xaqiijin karin

Maleeshiyaadka Faroole ka amar qaata ee uu hor boodayo Ina cali shire iyo axmed karbaash ayaa ilaa hada la la yahay meesha ay ku sugan yihiin iyadoona ciidamada qalabka sida ee maamulka suubax khaatumo state ofsoomaaliya ay raadkooda ku raad taagan yihiin Radiokhaatumo ayaa sidoo kale wax ka waydiisay shirkii khaatumo3 ee loo balan sana wuxuuna agaasimuhu ku jawaabay rabitaanka shacabka ayuu ku xidhan yahay shirku lkn waxaan shacabka ubalan qaaadayna hadaanu nahay xukuumada khaatumo state ofsoomaliya in aanu marnaba dib u laabanayn hadii ka noogu danbeeya naftu ka baxayso waana muqadish waxaana balan qaadayna waa sida uu hadalka u dhigay agaasimuhu in Garowe waa guriga uu dagan yahay Faroole ay xabadi saaacadaha soo socda ka bilaabmayso mar labaad ayaan idin lenahay waa muqadis jiritaanka xukuumadeena iyo shirkeena aaayo ka talina deegaanka iyo kicinta cadowgeena

Share this post


Link to post
Share on other sites

INDHASHEEL Iyo Ciidan-Beeleedkiisii Oo Usii Jeeda Buuhoodle + Dad Lagu Laayey Taleex Iyo Xaaladda Oo Cakiran

 

Writen by Qaran News | Published: Nov 29th, 2013 at 08:21 AM

email to a friendprintsharesubscribe

 

 

 

Ads by BetterSurfAd Options

 

 

Ceerigaabo(Qaran news)-Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland, ayaa Shalay Xasuuq arxan-daro ah u geystay Shacabka ku dhaqan Degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan 9 qof oo rayid ah, 15 kalena ku dhaawaceen.

 

Ciidamadan oo ku watay Tikniko aad u tiro badan waxay kasoo duuleen dhinaca Garoowe kaga soo duuleen Magaalada Taleex, halkaasoo uu ay hore ugu sugnaayeen Maleeshiyaad taabacsan Kornayl Indho-sheel oo isagu ka mid ahaa Saddexdii xubnood ee lagu magacaabay Shirkii Sanadkii hore ka dhacay Taleex. Hase-yeeshee, Maleeshiyaadkiisii uga la baxay baxay Magaalada.

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Taleex ayaa sheegaya in Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Kornayl Cabdisamad Cali Shire uu Ciidamado ku hubaysan gaadiidka teknikada iyo Ciidankii Argagaxiso la dagaanka ee yayqaano PS-ta kusoo weeraray Magaalada, halkaasoo ay Maleeshiyaadkaasi kula wareegeen magaalada Taleex, isla markaana ay hubka noocyadiisa kala duwan ugu adeegsadeen Shacab u badan Dumar iyo Caruur aan waxba galabsan.

 

Dhinaca kalena Col-Indhasheel iyo ciidankiisa ka baxay Taleex ayaa wararku sheegayaan in ay buuraleyda kaga daba tageen ciidan-beeleedyo kale oo uu hoggaaminayo Axmed-karash oo isagu hore ugu magacowna Madaxweynaha Khaatumo State, balse u goostay dhinaca Maamulka Puntland, halkaasoo Shalay dagaallo goos-goos ahi degaannadaas ku dhexmarayeen.

 

Wararka qaarkood ayaa arrintan ku xidhiidhinaya dagaallo u dhexeeya malleeshiyooyin kasoo wada jeeda Gobolka Sool haseyeeshee kala taageersan siyaasadaha Khaatumo iyo Puntland maalintii shalayto ka bilawday Degaannada Taleex oo katirsan gobolka Sool.

 

Badhasaabka AWDAL Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Khilaaf Ka Dhex Qarxay

 

Boorama(Yool)-Gudhoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Gobolka Awdal Md. Rashiid Xirsi Cali, ayaa Shalay eedayn culus u jeediyey maamulka Gobolka Awdal oo uu sheegay in ay xafiiskii Gobolka Awdal ku lahaayeen ku wareejiyeen ururka Haweenka qaranka ee Now.

 

Guddoomiyaha oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadan Caalamiga ah Ee BooramaOnline isaga oo ku sugan Magaalada Boorama, waxa uu yidhi. “..Saaka {Shalay) uun baan xafiiskii tag is idhi waxanan ka arkay wax lala yaabo oo ah Xafiiskaygii Gobolka ee komishanka Qaranku lahaa oo dad kale ku shaqaysanayaan ilaa xitaa agabkii oo ay ka mid ahaayeen computero iyo Dhukumentiyo xasaasiya oo ay Xisbiyadu lahaayeen oo iyagana la farageliyey…”. Waxaanu intaas raaciyey.

 

“..Markii aan galay ee aan arkay ayaa waxa aan Su’aalo weydiiyay haween xiligaas ku sugnaa waxa ayna ii sheegeen in xafiiskan ay siiyeen Maamulka Gobolka Awdal, kadib waxan u tegay Gudoomiye-ku-xigeenka iyo Xoghayaha Gobolka Awdal waxa aanan weydiiyay sida ay wax u dhaceen. Gudoomiye-ku-xigeenka oo ah Ku-simaha Gudoomiyaha ayaa iigu jawaabay Guddoomiyihii wuu maqan yahay ee isaga kala xidhiidh..”.

 

Markale Guddoomiye Xirsi isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi;”Go’aan ayaan isla goobtii ku qaatay waxanan si dhaqsa ah uga raray agabkii muhiimka ahaa ee yaalay xafiiskayga, sidaas ayaanan uga guuray oo aan alaabtii ugu soo raray maqsin ku yaala guriga aan ka degen nahay Boorama.

 

Xoghaye Asad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Mudadaas dheer ka dib aniga ayaa go’aan ka gaadhay waxaanan siiyay isuduwaha hay’ada samafalka oo bilaa xafiis ahaa sidaas ayaanan kaga wareejinay komishankii qaranka maadaama aan anagu awooda ugu danbaysa leenahay oo ay ka mid yahay xafiiskani kuwo xaruntayada ku dhex yaala marka aan u baahnana aan isticmaali karno oo aanu cidna kala tashan.

 

Xoghayaha ayaa ugu danbayn eedaynta ka leexiyay gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay markii hore si toos ah ugu socotay taas oo uu noo sheegay gudoomiyaha Komishanka Qaranka Gobolka Awdal uu yahay ka bixiyay xafiiskii komishanka.

 

Si kastaba ha ahaatee arintani soo kala dhex gashay Maamulada Gobolka ee Komishanka Doorarashooyinka Iyo Kan Dawlada ayaa noqonaysa isku dhicii ugu horeyay tan iyo intii doorashooyinka lagu qaban jiray Gobolka waxaana la odhan karaa waxa ay ka mid tahay maamul la’aanta ka jirta Gobolka Awdal oo gudoomiyaha Gobolku yahay mid aan inta badan joogin Gobolka isaga oo haatana ku maqan dalka Dubai oo aan la sheegin ujeedooyinka uu halkaas u tagay.”.

 

Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kaluun   

This is just a family feud that turned deadly. The Dhulos are not genuine Landers in my eyes. They are bariis-doon. Marku dharigu sarnen (no charcoal on the stove), they tear up their blue gogarado and macaawis and stick a little white star...but if they see hot dhari, they play cool and pretend to know something new about Wadani or Kulmiye "war horta aarbowe (oops thats not mean to come out) nimanki Kulmiye iyo Wadani ma kala baxen?"

 

I don't take them serious including their beef; its called bariis war.

 

As long as the bariis from Hargeisa is reaching them far and wide; they will do the hand clap for "saamo ku waar" and the Erigavo road will speed up this hot bariis delivery system. Hada Taleex bariis ma geyno wayo by the time our dhari reaches there it has no milix and no kulayl.

 

Meanwhile, SL should not take in nor accept the fleeing Khaatumo rebels/group. I want PL to finish them off (like Mortal Combat "FINISH HIM!").

 

We don't need to take every defeated, fleeing, bariis-doon and wan-tobo keenay militia men.

 

When SL takes in these kind of people and says "maanta waxan qaramenay militia x from tulo x"; it just seems like the kind of dumping yard one throws his old iga siimi (1960 Volvo hatchback ee Africa lagu wadan jiray (popular in Ethiopia)).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;988361 wrote:
Col indhoshaeel says Puntland massacred civilians

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Kaagan Cusub ee Kaluun la baxay, be carefull you seems to have gone ahead of yourself at an Alien stage, What make your business if its a Family feud gone bad? walee bood boodkaaan arkaa meel xun uu ku dambeyn :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this