Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali President Seeks PM's Resignation

Recommended Posts

Hawdian   

Latest news waxa weeyan inu saacid ogaladey inu iscasilo. Saacid waxa loo balan qaadey

lacaag waliba see ah gentleman agreement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

Hawdian;986479 wrote:
Latest news waxa weeyan inu saacid ogaladey inu iscasilo. Saacid waxa loo balan qaadey

lacaag waliba see ah gentleman agreement.

brother hawdian please state this rumour's source, unless its a rumour within your tight circle of friends!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Every society produce the leadership it deserves. Somalia's current political class are all alike: myopic, corrupt and petty. No matter who replaces Saacid the situation will remain just as depressing in the foreseeable future. I pray for a better generation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa caawa socda, halkee buu marayaa loolanka loogu jiro kasbashada Xildhibaanada (Warbixin)

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay caawa heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in tirada Xildhibaanada saxiixaya mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ay kor u dhaaftay 100-xildhibaan, iyadoo ay socdaan loolan adag oo loogu jiro kasbashada Xildhibaanada.

 

Tirada Xildhibaanada ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhiyay, taasoo wal wal ku ah Ra'iisul Wasaaraha, hadii aqlabiyad ahaan Madaxweynaha uu helo saddex meel labo meelood Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Olole ballaaran ayaa tan iyo maanta ka socday hotelo iyo guryo ay xildhibaanada baarlamaanka ka degan yihiin magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada loola kulmaya beel beel, wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan balan qaadyo loo sameynayo Xildhibaanada.

 

War daqiiqado ka hor na soo gaaray ayaa sheegaya in laga yaabo in caawa ay gaarto tirada Xildhibaanada saxiixaya mooshinka in ka badan 139 xildhibaan oo ah tirada loo baahan yahay ee aqlabiyad ahaan sahleysa in Saacid meesha ka baxo.

 

Kulamada iyo dadaalada socda ayaa waxay yihiin kuwo aan loo kala kicin, iyadoo ololaha uu maanta aad ugu xooganaa meelaha dibada ka ah xafiisyada labada mas'uul, waxaana la dhihi karaa loolanka waxaa uu gil gilay magaalada oo dhan.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha laga yaabo in 48-ka saac ee soo socota uu is casilo, hadii uu heli waayo tiro ku filan Baarlamaanka inuu kula shir tago, hase ahaatee waxaa la leeyahay Ra'iisul Wasaaruhu waxaa uu sii dagaalamayaa ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya.

 

Hadal heynta magaalada ayaa aheyd ololaha socday iyo cida mar walba hogaanka xildhibaanada heysay, waxaana goobaha fadhi ku dirirka sida maqaaxidaha iyo hotelada ay sheekadu aheyd yaa ku sareeya ololaha iyo meesha ay wax marayaan.

 

Taleefanada ayaa sidoo kale mashquul ahaa, magaalada ayaa gashay xaalad wada siyaasi ah, qof walba waxaa uu dhegta u raaricinayay meesha ay wax socdaan, iyadoo loolankan iyo ololaha socda uu ka kulul yahay sidii Doorashadii Madaxtinimada ee sanad ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho, xilligaasoo siyaasada ay aad u kacsaneyd.

 

Su'aasha is weydiinta leh ayaa ah Saacid kadib maxaa xiga doono, Ra'iisul Wasaaraha la soo magacaabayo ilaa waqtigee ayuu qaadanayaa, sidee Baarlamaanka looga gedi doonaa, iyadoo la og yahay in baarlamaanka dhexdiisa ay xasaasiyad ka jirto, wasiirada la soo xulayo sidee loogu qanci doonaa, hadii ay sheekadu gaarto ilaa December Baarlamaanka ma sii shaqeyn doonaa, waayo waxaa la ogsoon yahay in Baarlamaanka geli doono Janaayo fasax labo bilood ah.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooshinkii laga gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu wado inay dooddiisu Billaabato Toddobaadka Soo Socda

 

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku dhawaad 170 xildhibaannada oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ayaa lagu wadaa in mooshinaas dooddiisu ay si rasmi ah u billaabato toddobaadka soo socda sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah howl-wadeennada baarlamaanka.

 

Mooshinkan oo kalsoonida lagala laabanayo xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayay xildhibaannadan kaga dalbadeen guddoonka sare in kalsoonida lagala laabto xukuumadda, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli uu jiro muran siyaasadeed xooggan oo soo dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

“Waxaa maanta baarlamaanka loo soo gudbiyay mooshin ka dhan ra’iisul wasaare Saacid, waxaana ku saxiixnaa 168-xildhibaan, waxaana lagu wadaa in toddobadka soo socda loo qaybiyo xildhibaanada maalmo gudahoodna la billaabo dooddiisa,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan xafiiska xoghaynta golaha shacabk shacabka.

 

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa aroornimadii maanta u xaqiijiyay HOL in mooshin ay ka gudbinayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ay ku dalbanayaan in baarlamaanku uu kalsoonida kala laabto xukuumadda Soomaaliya.d

 

Ma jiro weli hadal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia oo looga hadlay mooshinkan laga gudbiyay xukuumadda, iyadoo isla maanta uu dib dalka ugu soo laabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo dalka Kuwait uga qaybgalay shirkii Jaamacadda Carabta iyo Afrika.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo horay u sheegay inuu ku kalsoon yahay in khliaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya kala dhexeeya lagu xalliyo hab dastuuri ah oo la horgeeyo baarlamaanka ayaan la ogeyn in firkiisa uu bedeli karo mooshinkan.

 

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa weli halkiisii taagan, iyadoo madaxweynuhu uu ku adkeysanayo inuu xilka ka dago ra’iisul wasaaraha iyo ra’iisul wasaaraha oo arrintaas si xooggan u diidan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si heer sare ah Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyey “SAWIRRO

 

 

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu hogaaminayey waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,inta ugu badan XIldhibaannada Golaha Shacabka,saraakiisha Ciidammada,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ahaa XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaanba xubnihii kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweyntaasi kadib uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen dalka Kuwait halkaasi oo uu uga qeybgalay shir madaxeedka dalalka carabta iyo Afrika islamarkaasina khudbad ka jeediyey.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay inuu kulammo gaar gaar ah kula qaatay dalka Kuwait madax ka kala tirsan caalamka sida Madaxweynayaasha iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo dhammaan xubnihii uu la kulmay uu u gudbiyey fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay iney soo dhaweyso dal kastaoo maalgashi ku sameynaya iyo sida loogu baahanyahay in dalalka Carabta iyo Afrika ay ka qeybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay ee ku dhaqan gobollada Puntland.

 

Markaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kormeeray xarunta Golaha Shacabka oo dib u habeyn lagu sameeyey gaar ahaanna qeybta ay ku shirayaanXildhibaannada Golaha Shacabka oo howlihii dib u habeynta ahaa ee lagu waday lasoo gebagebeeyey.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2234

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudiyada joogtada oo go'aamiyay in maalinta berri laga doodo mooshinka (Sawirro)

 

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu ka doodo mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kadib markii ay maanta shir yeesheen Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudiyada Joogtada Baarlamaanka.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyeen labadiisa kuxigeen iyo 15-ka Gudoomiye ee Gudiyada joogtada baarlamaanka ayaa ka dhacay Hoyga Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha 15-ka Gudi ayaa isla gartay in maalinta berri loo qeybiyo Xildhibaanada qoraalka mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha, si ay u soo aqristaan, kadiba uga doodaan maalinta Isniinta.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudiyada joogtada baarlamaanka ay ku soo jeediyeen in la dedejiyo mooshinka, si baarlamaanka go'aan uga gaaro khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inuu ka codsaday Gudoomiyeyaasha Gudiyada joogtada inay mooshinka ay si dhex dhexaad ah u galaan, isla markaana aanay dhicin fowdo, iyadoo horay Gudoomiyuhu ugu baaqay Xildhibaanada in aanay u ololeyn khilaafka labada mas'uul.

 

Kulanka maalinta berri ayaa laga hor aqrin doonaa mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ee kalsooni kala noqoshada, waxaana la filayaa in marka codka kalsoonida loo qaadayo inuu hor-yimaado baarlamaanka

 

http://www.gwinnettplacenissan.com/index.htm?gclid=CPncqMzG-7oCFcJi7Aodkh8ARw

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this