Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali President Seeks PM's Resignation

Recommended Posts

Reer Banaadir;985595 wrote:
It's funny how ignorant and ****** are the Somali people can be. They think they have a government of their choosing, leaders that they have chosen to represent. They think each time there is a crisis at weather it's between the federal leaders or regional, or regional anf federal leaders that they have a control over or know who is at fault. People wake up and see the big writings on the wall (oops) I forgot you can't read. YOU ARE NOT IN CONTROL.

The men at helms aren't your representatives. They are paid by others and are he to facilitate their needs. These men are appointed governors and clerics doing their jobs. They are disposable when their usefulness runs out not by you but those that put them in place and there's not a damn thing you can do about it. So stop speculating of who is at fault or who forgot the rules, constitutions or etc. Some of them after a while may forget about their role and act as if they were representing someone else and will say won't relinquish my post when they are asked to do so, but the reality will hit them when the hammer is brought down on them and they will be humiliated. Those that are smart (crooks) will think of one thing fill up you pockets fast and get out of this dead (mentally) country before you get killed.

So, for the zillions time get it through your thick skulls Hasan Sheikh can't hire or fire anyone nor can Shirdoon refuse when asked to step down nor can the useless an elected parliament do anything about the orchestrated crises, it's up to their bosses. Each one of the has been handed a road map to follow, role to play as cast of actors, and a projector to fulfill. When that is done or not done to the bosses satisfaction they are discarded like yesterday's garbage.

This scenario applies to each president governor or regional/town head. You are nation whose people have been utterly defeated and are being picked to their bones. The only sad part of this whole sale genocide is it's victim don't even know it it's happening and are like a flock of sheep being led to the slaughter house.

So people please stop this nonsense arguments about who is right and who is wrong it does not matter any more. This so called president was told to get rid of his prime minister and he will have no choice but to do, The PM may have forgotten who brought him here but rest a sure he will be reminded humiliatingly just like the one before him,

When something terrible happens to a person/people or a nation's psychic they go through six stages: shock, Anger, denial, grief, acceptance and last but not least moving forward. In Somali case they have gone through the first two, but are stuck on the third stage Denial for 19 years. FOR GOD'S SAKE GET A GRIP PEOPLE THIS IS MADNESS. PEACE!

Cosign 100%. I told the same thing to Maryooley but alas we are thick headed to grip the facts on the ground. Mogadishans were demonstrating for Farmaajo in the streets but the bosses showed him the exit door. Bye, they told him and boom....he is gone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DEG DEG: Wasiiro kula taliyay Ra'iisul Wasaare Saacid inuu is casilo

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in ilaa 20-Wasiiro oo maanta shir gaar ah yeeshay ay Ra'iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu is casilo, si uu ugu tanaasulo danta qaranka.

 

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan ay u tageen Ra'iisul Wasaaraha, kadib markii ay shir ku yeesheen qeyb ka mid ah Madaxtooyada.

 

Ilo wareedyada oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in 20-ka Wasiir ay yihiin 15 ka mid ah Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, halka shanta kale ay yihiin Wasiiro.

 

Wasiirada u tagay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa hogaaminayay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Kheyraadka, iyo Wasiirka Garsoorka.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra'iisul Wasaaraha uu weydiistay Wasiiradan u soo jeediyay inuu is casilo waqti uu kaga soo fikiro.

 

Sidoo kale warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu uu ku wargeliyay Wasiirada in wax walba Dastuurka ka weyn yahay.

 

Tallaabadan ay qaadeen wasiirada ayaa u muuqda mid culeyska ku sii kordhineysa Ra'iisul Wasaaraha, tan iyo markii isaga iyo Madaxweynaha ay is khilaafeen, isla markaana khilaafka uu si xoog leh u soo shaac baxay.

 

Waxaa jiray warar suuqeedyo sheegayay in Wasiiro ka mid ah Xukuumada ay is casili rabaan, taasna ay caqabad ku noqoneyso jiritaanka Ra'iisul Wasaaraha.

 

Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa shalay sheegay in isaga iyo Madaxweynaha aysan isku khilaafsaneyn siyaasad, balse ay isku hayaan arrimo dastuuri ah, isagoo ka dhawaajiyay in is-maandhaafka isaga iyo Madaxweynaha xalkiisa noqonayo Golaha shacabka.

 

Lama oga sida ay xaalada ku dambeyn doonto iyo go'aanka xiga uu qaadan doono Ra'iisul Wasaaraha, waxaana saacadihiiu dambeeyay Madaxtooyada ka jiray kulamo siyaasadeedyo hoose oo aad u ballaarnaa, waxaana xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ka jiray saxmad aad u weyn.

 

Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hassan's inner circle clique are hell bent on making the project success (removing Saacid). Most of them know they will be included in the next cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

Gheelle.T;985813 wrote:
Hassan's inner circle clique are hell bent on making the project success (removing Saacid). Most of them know they will be included in the next cabinet.

does it matter? cant get any worse then hurdaaye i reckon

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

@ Marksman^ I have noticed you are interested in somali politics , I assume yo a nonsomali why this interest . tnx I hope the Q is not difficult:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaare Saacid "Xalka dalka waxaa uu ku jiraa Dastuurka inoo qoran oo la raaco"

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa fariintii labaad uu ku muujinayo mowqifkiisa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha waxaa uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay.

 

Mr Saacid ayaa wali ku adkeysanaya in aanu casili doonin, isla markaana uu ku qanacsan yahay in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo khilaafka.

 

"Xalka dalka waxaa uu ku jiraa dastuurka inoo qoran oo la raaco" ayuu Ra'iisul Wasaare Saacid ku qoray Bogiisa Facebooka.

 

Shalay ayay aheyd markii Ra'iisul Wasaaruhu war kooban uu soo dhigay barta Facebook ugu baaqay taageerayaashiida Muqdisho inay is dejiyaan.

 

War saxaafadeedka uu shalay soo saaray Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa uu kalsooni ku muujiyay in Baarlamaanka lagu kala baxo, isaga iyo Madaxweynahana ay isku hayaan arrin Dastuuri ah oo aan siyaasad aheyd.

 

Warkan kooban ee uu soo dhigay Ra'iisul Wasaare Saacid barta Facebook ayaa ku soo aaday, saacado kadib markii Xafiiskiisa ay ugu tageen ilaa labaatan Wasiiro, kuwaasoo ka dalbaday inuu is casilo.

 

Balse fariintan ayaa la dhihi karaa inay jawaab u tahay Wasiiradiisa u yimid ee kula taliyay inuu is casilo, si uu tanaasul ugu muujiyo danta qaranka.

 

Si kastaba ha ahaatee khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiradii Xukuumadii C/wali Gaas oo caawa Muqdisho ku shiray, Maxay ka hadleen (Sawirro)

 

 

Waxaa caawa kulan xasaasi isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golahii wasiirada ee xukuumadii kumeel gaarka ahayd ee uu raysal wasaaraha ahaa Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee Badbaado Qaran.

 

Kulankan oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha naadiga Badbaado Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” wasiirkii hore ee warfaafinta Boosaha iyo Isgaarsiinta waxaana kulankan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaalada haatan dalku ku sugan yahay.

 

Inta uu kulankan socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday marxalada haatan dalku uu marayo, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo Madaxda dalka ugu sareeya gaar ahaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

 

Madashan uu kulankan ka dhacayay ayaa hadalo kala duwan waxa ka jeediyay qaar kamida xubnaha Naadigan Badbaado.

 

“Waxa aan ka xunahay khilaafka xiligan taagan iyadoo dowladu jirtay mudo sanad ah dibna loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii kumeel gaarka. anagoo ka sugaynay dowlada federaalku inay hore u sii wado hanaanka dowladinmo” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Maxamed “Jaahwayn” oo ahaa shirgudoonka .

 

Kulan ayaa waxaa si wayn loogu lafa guray arimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka,waxaana ugu danbayntii ka soo baxay war murtiyeed ka kooban Saddex qodob, waxana ka mid ahaa

 

1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.

 

2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha.

 

Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran waxayna ka kooban yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 30 Mudane iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaano, waxayna kulamo joogta ah ku yeeshaan dalka gudahiisa, iyagoona ku falanqeeya xaaladaha dalka gaar ahaan arimaha Amniga,Siyaasada iyo dhaqaalaha.

 

Badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii kumeel gaarka ahayd yeeshana dowlad rasmiya.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2136

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligan la shirsan Wasiiradii u tagay Ra'iisul Wasaaraha

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan oo saacada geeska Afrika tahay 9:30 fiidnimo waxaa uu shir albaabada u xiran uu la leeyahay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada.

 

Ilo wareedyo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in xubnaha Wasiirada ee la shiran Madaxweynaha ay yihiin Wasiiradii maanta u tagay Ra'iisul Wasaaraha ee ka dalbaday inuu is casilo, isla markaana uu tanaasul sameeyo.

 

Xubnahan Wasiirada ayaa ku mowqif ah Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, hase ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in is casilaad ay bilaabaan.

 

Lama oga tallaabada xigi karta kulankan, waxaase laga yaabaa in saacadaha soo socda ay wax kasta dhacaan, maadaama xiisadaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay sii xoogeysanayaan.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu uu heysto Tiro wasiiro ah oo taageersan, isla markaana uu wali ku adkeysanayo in aanu is casili doonin.

 

Kulamada iyo shirarka siyaasadeed ee ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa ah kuwo wali aan loo kala kicin, isla markaana dhinac walbana uu ku howlan yahay sidii uu taageero uga kasban lahaa Wasiirada.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dastuurka siinayaa oo uu xaq u leeyahay inuu soo magacaabo Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo wasiir dowlayaal, sidoo kale waxaa uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado.

 

Midna lama saadaalin karo hadii Wasiiro is casilaan in Ra'iisul Wasaaruhu soo magacaabo doono wasiiro iyo in kale, sidoo kale hadii ay timaado in Ra'iisul Wasaaraha Gole wasiiro soo magacaabo wuxuu kalsooni uga baahnaan doonaa Baarlamaanka oo u muuqata mida ugu dambeysa ee lagu kala bixi doono.

 

Si kastaba ha ahaatee hadii Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay gabalka ugu dhaceen shirar gaar gaar ah, waxaa la sugaba waa is bedelka xigi doono iyo waxa natiijo ka soo bixi doonta kulamadooda, inkastoo wali nin walba uu halkiisa seefta ka sii afeysanayo.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

I’m surprised he lasted this long, I expect next day’s Hurdaaye to go, maybe he is negotiation a payout.

 

Hurdaaye has no packing to stand up against Qoslaaye the man is all alone no constituent or loyal supporters.

 

Makes me laugh when he says Dastuuri?

Share this post


Link to post
Share on other sites

DEG DEG: Golaha Wasiirada oo xilligan shir u socda, iyadoo Wasiiro dhowr ah ay ka maqan yihiin

 

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxaa uu xilligan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada, iyadoo dhowr Wasiiro ay ka maqan yihiin madasha.

 

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in ilaa Labo wasiir kaliya ay soo xaadireen kulanka iyo 7-kuxigeeno iyo wasiiro, taasoo ah kooram ahaan mid suura galay inuu shirka ku furmo.

 

Kulanka oo uu shir gudoominayo Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada, Wasiirka Kheyraadka, halka Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo yimid xafiiska uu ka soo tagay mar dambe, lama oga inuu fasax weydiistay Ra'iisul Wasaaraha iyo inuu iskiis u baxay.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirada maqan ay ka mid yihiin Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna wasiirada Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiiro la sheegay inay safaro shaqo dibada ugu maqan yihiin.

 

Sidoo kale waxaa kulanka Golaha Wasiirada soo xaadirin Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo la sheego inay dhif iyo naadir yihiin ka qeyb galka kulamada ay yeeshaan Golaha Wasiirada.

 

Inkastoo oo uu shirka haatan socdo ayaa la filayaa in sidii caadada aheyd laga soo saaro war saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlayay, hase ahaatee shirka maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo wali khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Wasiiru u tagay Ra'iisul Wasaaraha oo ka dalbaday inuu is casilo, iyadoo wasiiradaas badankood ay yihiin kuwo ku xiran Madaxweynaha.

 

Goor sii horeysay ayaa waxaa soo baxayay shaki laga qabay inuu baaqdo Kulanka Golaha Wasiirada oo ay la xiriirto arrinta khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, iyo in kooram la'aan uu ku furmi waayo, maadaama inta badan Wasiirada ay dhinaca Madaxweynaha la safan yihiin.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Jowhar.com Insha Allah

 

Somali news leader

www.jowhar.com j

owharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this