Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali President Seeks PM's Resignation

Recommended Posts

So there was something to Mooge's Fadhi ku dirir news. Someone was downplaying the Saacid's replacement with Farmajo, but now things seem to be heading that road.

 

It's either Hassan felt bored with Saacid or Saacid has finally woke up from slumbers. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheelle.T I met Farmaajo once, he seemed intelligent and realistic about the situation in Somalia. If he replaces Saacid, it will be an improvement. The Interior Minister have more power than Saacid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I thought those shadowy groups mentioned by some websites were a figment of imagination or conspiracy theories, but those websites predictions are a little too accurate for me to discount right now. Somali politics is too convoluted by tribal allegiances but the addition of these groups is making my head spin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

nuune;985378 wrote:
Labaduba waa laba
sakaraat
ah, a fact that every Somali only realized recently!!

Nuune afkii waad ku xaartay. Ta' weligeed eray uguma dambeyso. Sakaraad dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo R/wasaarihiisa ka dalbaday inuu iscasillo iyo R/wasaaraha oo arrinta ka horyimid

 

Muqdisho [RBC Radio] Sida lugu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa ka dalbadey R/waraaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” inuu xilka banneeyo.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in m/weyne Xasan Sh Maxamuud oo r/wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka codsaday inuu is casillo, taasoo raysalwasaaruhuna uu ku gacan sayray.

 

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in codsigaasi uu yimid ka dib khilaaf aan soo shaac bixin oo soo kala dhex galay m/weynaha iyo raysalwasaaraha, taasoo laga dareemay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in arrintan ay sababtay khilaaf soo dhex-galay labadan mas’uul, iyadoo ra’iisul wasaaruhuna uu billaabay inuu kulammo la yeesho la taliyeyaashiisa gaarka ah.

 

Sidoo kale, warar ayaa iyaguna intaasi ku daraya in mudane Saacid uu kalsooni buuxda ka waayay xubno ka mida golihiisa wasiirada, taasoo sii murjisay khilaafka labada masuul oo muddooyinkii danbe ka gaabsanaya halka uu marayo xiriirka wada shaqayneed.

 

Raiisul Wasaare Saacid ayaa waxa uu kulan khaas la qaatay 25 xildhibaan oo xildhibaanada Beelaha ******* ah isaga oo ka dalbaday in ay garab istaagaan.

 

 

Xildhibaanada uu la shiray waxaa kamid ahaa Cali Khaliif Galeydh, Xildhibaan Cali Amerika, Xildhibaan Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Xasan Abshir iyo kuwo kale oo badan.

 

Illaa hadda war faahfaahsan kama soo bixin madaxtooyada iyo xafiiska raysalwasaaraha oo ku saabsan arintaasi maanta soo shaac baxday.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka hor sheegay inuu isku shaandheyn iyo ballaarin ku sameynayo golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in goluhu ay noqon doonaan 23-wasiir iyo wax la mid ah, inkastoo uusan si rasmi ah carrabka ugu dhufan tirada uu ka dhigi doono golaha wasiirrada.

 

Mudane Xasan Sh Maxamuud aya wasiirka 1aad ee xukuumadda Soomaaliya u magacaabay Dr. Saacid bishii November ee sanadkii tagay 2012-ka waxana xiligaa uu sheegay madaxweynuhu in sababta uu Saacid ugu dooray xilkan ay tahay inuu yahay shaqsi ay si aad ah isku yaqaanaan ayna wada-shaqeyn karaan.

 

Wararka ilo lagu kalsoonaan karo aynu ka helayno ayaa tilmaamaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsan yahay wadatashiyo ku aaddan sidii ay u suuro-geli lahayd in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu is-casilo, iyadoo aan la ogeyn sida uu isku bedeli karo murankan siyaasadeed oo meeshii ugu xumayd gaaray.

________

Iimaan Maxamed Jaamac

Deegaan1994@gmail.com

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali President Seeks PM's Resignation

 

VOA News

November 11, 2013

 

Somalia's president has asked the prime minister to resign, in a blow to the rare political stability Somalia has experienced for the past year.

 

Sources within the Somali government said that President Hassan Sheikh Mohamud asked Prime Minister Abdi Farah Shirdon to resign on Friday, on the grounds that Shirdon has been ineffective in his job.

 

The sources said the situation was unresolved as of Monday.

 

The president and prime minister came to power a little more than 12 months ago as part of a U.N.-backed process to give Somalia a stable central government after more than two decades of chaos and conflict.

 

Shirdon was a political newcomer at the time, having previously worked as a businessman in Kenya.

 

The country has enjoyed relative peace and a budding prosperity since then, though militant group al-Shabab continues to carry out periodic attacks in the capital, Mogadishu.

 

If Shirdoon were to resign, it would be the first major shakeup in the government since Somalia's parliament elected Mohamud as president.

 

Previous Somali governments often fell apart because of infighting - a situation that hampered the governments' ability to defeat insurgents and exert authority.

 

Al-Shabab was pushed out of major cities mainly by African Union troops.

 

Even now, the Mohamud government has found it hard to settle power struggles within Somalia, where many towns are under the effective control of various clans, militia groups or al-Shabab.

 

http://www.voanews.com/content/somali-president-seeks-pms-resignation/1787727.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;985392 wrote:
In the Somali way

of understanding governing systems the man with the big head controls everything Madax Weynow.

Xaji waad iga qoslisey maanta. Waxaad isoo xusuusisay yaraantaydii oon moodi jirey in Madaxweynuhu yahay ninka Somalida ugu madaxaweyn. Haddana waxaan ka sii yaabi jirey waxaa idaacaduhu uga sheekeeyaan ninkan madaxa weyn;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;985392 wrote:
In the Somali way

of understanding governing systems the man with the big head controls everything Madax Weynow.

Xaji waad iga qoslisey maanta. Waxaad isoo xusuusisay yaraantaydii oon moodi jirey in Madaxweynuhu yahay ninka Somalida ugu madaxaweyn. Haddana waxaan ka sii yaabi jirey waxaa idaacaduhu uga sheekeeyaan ninkan madaxa weyn;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;985392 wrote:
In the Somali way of understanding governing systems the man with the big head controls everything Madax Weynow.

lol midka madax wain is the one that is elected. imagine a company where as its leader, you can only hire but not fire

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr Cali Khaliif "Ra'iisul Wasaaraha baan aniga is aragnay, Madaxweynaha wuxuu ku yiri orodoo is casil"

 

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya dalabka Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, isagoo wal wal ka muujiyo in dowladda Soomaaliya dib ugu laabato khilaafaadyadii horay u ragaadiyay dowladihii hore.

 

Wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in isaga uu xalay la kulmay Ra'iisul Wasaare Saacid, isla markaana u sheegay in Madaxweynaha uu ku yiri inuu is casilo oo uu keeno warqad istiqaalad ah.

 

"Warka soo baxay oo ah Madaxweynihii iyo Ra'iisul Wasaarihii baa is arkay, iyagii baa dooday, warka labada dhinac ka socda waxa weeye Madaxweynaha wuxuu warsaday Ra'iisul Wasaaraha inuu is casilo, Ra'iisul Wasaaraha markaas jawaab ma bixin shalay galab ilaa xalay buu jawaab rasmi ah dhiibay oo yidhi isma casilayo"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.

 

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay aheyd in siyaasidihii horay u jiray in laga koro, balse aanay aheyn in gadaal loo laabto, waxaana uu ku tilmaamay khilaafkaas in dhibaato weyn ku yahay shacabka Soomaaliyeed iyo danaheeda.

 

"Aniga Madaxweynaha ma arkin, laakiin Ra'iisul Wasaarahaayaa arkay xalay mida uu nagu yiri waxay aheyd, Madaxweynaha iyo aniga kalsooni buuxda isku qabnay, waxaa ku tala jiray dowlada in la shaandheeyo, waxaa madaxweynaha u gudbiyay liis dowladda cusbeyd ah, wuxuu ku yiri liiska iyo dowladda sheegeysay halkan naga dhig arrinta kale ee is casil, wuxuu ii sheegay in Madaxweynuhu ku yiri xushmo iyo kalsooni badan baa ku tusay inaan ku magacaabo hadana waxa jeclaan lahaa inaad keento is casilaada"ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa Xildhibaanadii la kulmay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

 

Mar uu ka hadlayay waayo aragnimada uu u leeyahay khilaafyadii horay dalka u soo maray markii uu Ra'iisul Wasaaraha soo noqday ayuu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay yihiin kuwo sharciga kala haga, isagoo xalka sheegay inuu ku jiro madaxda dhexdooda oo ay is daayaan.

 

Waxaa uu sheegay in inta lagu dhisayo dowladda ay waqti qaadaneyso, gaar ahaan in la raadiyo Ra'iisul Wasaare iyo in kalsooni looga raadiyo Baarlamaanka ay labadaba waqti qaadaneyso, isagoo tilmaamay in dowladda ay hada dhisan tahay sanad iyo bar wax ku dhow sida uu hadalka u dhigay.

 

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa mudadii sanadka aheyd aan is khilaafin, iyadoo mudadaas loo arkayay in dowlad rasmi tahay, isla markaana ay kaga duwan tahay dowladihii hore inay KMG aheyd, marka ay is qaban jireen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

 

Hase ahaatee arrintan ayaa noqon karta mid siyaasada dowladda ay saameyn ku yeelato, isla markaana uu horseedo xiisado siyaasadeed oo la dega dowladda Soomaaliya, taasna ay keento xalka in wadamada daneeya Soomaaliya ay soo fara geliyaan xaalka.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this