Sign in to follow this  
Haatu

Another explosion in Xamar - Is Culusow to blame?

Recommended Posts

Haatu   

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Al-Shabaab Nagama hor-istaagi karaan Horumarka aan ku soconno, waana ka hortagaynaa"

 

Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay falkii qaraxa ee ka dhacay Hoteelka Maka-Al-Mukarama kaasoo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Weerarkaas ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Al-shabaab, inkastoo aysan Al-shabaab weli ka hadlin inay mas’uul ka tahay iyo in kale, iyadoo ay qaraxyadaas ku dhinteen lix qof, tiro ka badan 15-qof oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

 

"Si kulul baan u cambaareynayaa falkan waxashnimada ah ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen jidka Maka Al Mukarama oo ay dad aan waxaa galasan lagu dilay, kuwana ku dhaawaceen. Ujeeddadoodu waa shacabka geliya argagax oo yaysan horumarka socda sii wadin. Laakin, waxaan si cod dheer ah ugu sheegaynaa nagama hor-istaagi kartaan horumarka, nabadda iyo maamul-wanaagga aan ku tallaabsanay, waana kusii dhiiranaynaa isla markaana aan sii labo jibaaraynaa dadaalka horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo tacsi u diary shacabka ayaa yiri: " Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhu Raajicuun, waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhammaan shacabkii ku geeriyooday gaar ahaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen intii ku dhimatay falkan qaraxa oo ay gacan ka gardaran dishay. Sidoo kale waxaan inta dhaawaca ah EEBBE uga baryayaa inuu dhaawacooda u fududeeyo oo ay dhaqso uga kabtaan dhaawacooda."

 

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka inay gacan ka siiyaan hay'adaha Amniga dowladda si loosoo af-jaro dagaalka lagula jiro kooxahan Al-shabaab oo uu ku tilmamay koox nabad-diid ah.

 

Weeraradan qaraxyada ah ee khasaaraha geystay ayaa waxaa fuliyay dhowr qof, iyadoo mid ka mid ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda kaas oo ay saraakiisha ammaanku sheegeen inay su’aalo weydiinayaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Muqdisho, Soomaaliya

This attack comes a week after the former Central Bank governor Marwo Yusur exposed the high level of corruption in this government, especially how embroiled the president was in it all. The ramifications of the Marwo's expose was evident to everybody; Culusow's government would have a much harder time getting money from the international community. Back then Xiin and others predicted that an Al Shabaab attack would miraculously happen somewhere important in Xamar and Culusow would use it as an excuse to keep his dawarsi caalami going. That's just what happened. Coincidence or is Culusow really mortgaging the future of Somalia for his own selfish gain?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Inta dhimatay AUN, inta dhaawacantayna bogsood dhaqsi ah baan u rajayn.

 

Eeda waxaa iskaleh ciidamada nabad sugida iyo kan hoggaanka meesha ka ah. Musuqmaasuqa iyo Afaara qabiilka inta uu jiro ama mardadabaanka lagu dhaqmayo, wax hagaagaya ma laha. Madaxwynaha waxaa loo xilsaaray inuu ku adkaado uuna soo celiyo nabadgalyada balse jubbaland iyo hebelland inta howsha lagadhigtay horay u socod warkiis haba sheegin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culusow time is over, this Thug the Original Alshabab origanizer and member of the elite squad who Raped innocent Somalis,KIlled ,I blv his time is limited, the only thing left for this cronies in Mogadishu is to steal as much donated money as they can. But we are keeping an eye blv me no matter what country they put their money we will freeze it. Culusow need to go Now

Share this post


Link to post
Share on other sites

as long as alshabab out there always expect explosion, what are they doing those Amison are they not supposed to pursue and hunt down alshabab, what is happening

Share this post


Link to post
Share on other sites

ay’adaha Ammaanka Qaranka oo Faahfaahin ka Bixiyay Dhagar qabe la Qabtay iyo Qaraxii Caawa ka Dhacay Hoteelka Makka Al-Mukarama “Dhageyso”

Published on November 8, 2013 by Cilmi Waare · No Comments · 2,510 views

Hay’adaha ammanka dalka oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii ka dhacay hoteelka Makka Al-mukarama iyo dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo ay ciidamadu ku qabteen isla hoteelkaasi.

 

Afhayeenka hay’adaha ammaanka dalka Jeneraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale oo la hadlay radio muqdisho iyo telefishinka qaranka ayaa sheegay in galabta markii ay caacadu ahayd 5:30 daqiiqo uu dhagar qabe ka tirsan kooxda baadiyoday ee xalaaleeysatay dhiiga shacabka soomaaliyeed uu soo galay hoteelka Makka Al-mukarama isaga oo wata Lap-top ka dibna waxa uu galay goobta lagu shaaxeeyo ee hoteelka,isagoo isku dayay in uu garabka ka soo siibto Lap topkii uu watay oo uu miiska saarto laakiin waxaa ka dhacay qarax kaaso oo u muuqday in wixii uu soo diyaarsaday oo uu doonayay in uu ku halaago shacabka aysan ugu suura galin sidii uu u rabay.

 

Jeceraal Madaale ayaa sheegay in dadkii shacabka ahaa ee goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigeen dhagar qabahaasi,ka dibna ciidamada ammaanka ay goobta gaareen,iyadoo lagu guuleeystay in la aqoonsado waxyabihii ka dhex dhacay Lap-topka oo ahaa qarax dhab oo uu ugu tala galay in uu ku laayo dad aan waxbo galabsan oo maqaayada hoteelka fadhiyay.

 

Afhayeenka hay’adaha ammaanka qaranka Jeneraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale ayaa intaasi ku daray in intii la baarayay waxyaabaha uu ka koobnaa qaraxaasi,su,aalana la weydinayay dhagar qabihii la qabtay ayuu sheegay Madaale in qarax kale oo baabuur loo adeegsaday uu ka dhacay banaanka hoteelka.

 

Jeneraal Madaale ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ilaa 5 qof,isagoo sheegay in 26 qof ay ku dhaawacmeen.

 

Jeneraal Madaale ayaa sheegay in kooxaha dhagar qabayaasha aysan weeraradaasi ka gaarin ujeedadii ay ka lahaayeen.

 

Jeneraal Madaale ayaa shacabka ugu baaqay in ay mar kasta gacan siiyaan ciidamada ammaanka.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka hay’adaha ammaanka qaranka

 

Jeneraal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale

 

 

SFG has foiled many attacks recent month and days , alshabaab suicide bombers are almost impossible to stop nevertheless Mogadishu police force have been successful . The Terrorist cowards are targeting Civilians soft spots public gatherings . The People of Mogadishu will overcome the coward attacks and will only strength the unity to fight terrorist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Conspiracy is coincidence's favorite tool. Keep in mind it is nearing the one year anniversary of the Somali SFG-officially when the cabinet was nominated. The gov is in and preparing for celebratation while of course this gives shabaab more reason to attack.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Mahiigaan;985194 wrote:
Why eveything in Mogadishu is blamed on Mogadishu?. There are a lot of other dark forces to blame.

. The killer the killed the one planning the killing and the head of Gov are all from the city. And now we hearing the Dead man is a former diplomate and brother to The lady killed in hotel shamoow. This all lead to one conclusion the people who are in charge of security are not up to their job forget about Securing dalkuu dhaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawdian;985226 wrote:
. The killer the killed the one planning the killing and the head of Gov are all from the city. And now we hearing the Dead man is a former diplomate and brother to The lady killed in hotel shamoow. This all lead to one conclusion the people who are in charge of security are not up to their job forget about Securing dalkuu dhaan.

Weligaa ma maqashay nin Shabab ah baa maxkamad la soo taagey oo dil lagu xukumay?. Kolleyba anigu ma maqal ee sabatu maxay tahay?

Nin madax ka ahaa xabsiga yaa Shabaabkii xidhnaa xiddiga ku tolay oo ka mid noqday madaxdii jeelka. Waa sheekooyinka iga yaabiyey wallaahi!!!.

Sxb. Xamar sheekada ka socota waxaa uun fahmi kara qof reer Xamar ah, inteenna kale dhakafaar uun baan ka qaadaynaa si aan u fahanno dhaqanka 20 kii sano ee dambe ka hanaqaaday Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawdian;985226 wrote:
. The killer the killed the one planning the killing and the head of Gov are all from the city. And now we hearing the Dead man is a former diplomate and brother to The lady killed in hotel shamoow. This all lead to one conclusion the people who are in charge of security are not up to their job forget about Securing dalkuu dhaan.

Weligaa ma maqashay nin Shabab ah baa maxkamad la soo taagey oo dil lagu xukumay?. Kolleyba anigu ma maqal ee sabatu maxay tahay?

Nin madax ka ahaa xabsiga yaa Shabaabkii xidhnaa xiddiga ku tolay oo ka mid noqday madaxdii jeelka. Waa sheekooyinka iga yaabiyey wallaahi!!!.

Sxb. Xamar sheekada ka socota waxaa uun fahmi kara qof reer Xamar ah, inteenna kale dhakafaar uun baan ka qaadaynaa si aan u fahanno dhaqanka 20 kii sano ee dambe ka hanaqaaday Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this