Sign in to follow this  
MoonLight1

Muqdisho; journalists graveyard

Recommended Posts

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN:

 

Allaha u naxariistee waxaa isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ku geeriyooday wariye Maxamuud Maxamad Tima-Cadde,oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalyay halkaasi.

 

Tima-Cadde ayaa ka mid ahaa weriyayaasha ka howl gala xafiiska Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay maalintii talaadada oo ay taariikhdu aheyd 22kii bishan dhaawac khatar ah ugu geysteen degmada wada jir ee magaalada Muqdisho.

 

WariyeTima-Cadde ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka madina.

 

Wariye Tima Cadde ayaa waxaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgalaya madax ka tirsan dowlada Soomaaliya bulshada Soomaaliyeed iyo wariyayaasha..

 

Horseed Media 2013.

 

images?q=tbn:ANd9GcRod8y2I1I6JoCWZ7NCz1Y

 

cadde.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the list of journalists killed in 2012

 

Janaayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Xasan Cusmaan Cabdi oo loo yaqaanay Xasan Fantastic , meel u dhaw gurigiisa oo ku taala degmada Wadajir, oo ah koonfurta Muqdisho. Wuxuu ahaa madaxa hay’ada maxada banaan ee Shabelle Media Network. Madaxwaynihii hore ee Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay in al-Shabaab in ay mas’uul ka tahay dilka Cabdi.

 

Feebaraayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Abuubakar Xasan Kadaf, oo ahaa madaxii hore ee Idaacada Soomaaliwayn , meel duleedka gurigiisa ah ee Muqdisho.

 

Maarso 4-teedii: Wariye Cali Axmed Cabdi ayaa lagu toogtay laguna dilay aaga Gaalkacyo waqooyogeeda isaga oo gurigiisa u socda kana yimid Raadiyo Gaalkacyo oo uu u shaqanayay.

 

Abriil 5-teedii: Dad hubaysan oo aan la garanaynin ayaa dilay Mahad Salaad Aadan kuna dilay Baladwayne , isaga oo ahaa tafatiraha Codka Hiiraan oo ah radiyo maxali ah ahaana wariye u shaqeeya Raadiyo Shabeele oo muqdisho ku yaala. Wuxuu ka soo warami jiray dagaalada dhax mara al-Shabaab iyo kooxda Ahlu Sunna wal Jamaa oo dawlada la jaalka ah.

 

Maajo 3-deedii: Dad madaxa dooban oo hubaysan ayaa toogtay dilayna Farxaan Jeemis Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Raadiyo Daljir ee Gaalkacyo , isaga oo gurigiisa u socda.

 

Maajo 24-teedii: Dad hubaysan oo la garanaynin ayaa toogtay Axmed Cadow Canshuur oo ka tirsanaa Shabelle Media Network meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Dharkeenlay ee Muqdisho.

 

Jululaay 7-deedii: Cabdiqaadir Cumar Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Universal TV ee sida gaarka ah loo leeyahay , ayaa afar jeer xabbad ku dhufteen dad aan la aqoonin oo hubaysan meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Madiina ee Muqdisho, laakiinse wuu ka samatabaxay.

 

Juulaay 31-deedii: Wariyaha Soomaaliyeed ahaana maadayste Cabdi Malaaq Jaylaani, loona yaqaano Maarshaale , ayaa si halis ah toogu toogtay gurigiisa hortiisa ee degmada Waabari ee Muqdisho. Jaylaani ayaa u shaqaynayay dhawr xarumo idaacadood iyo talefishin, isaga oo ka qayb qaatay wax ka sheegida al-Shabaab.

 

Agoosto 12-keedii: Wariyaha ruug cadaaga ah, ahaana maamulaha xidhiidhka warbaahinta ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta Yuusuf Cali Cusmaan ayaa dilay nin aan la garanaynin kuna dilay xaafada Dharkaynlay .

 

Wariyaha Codka Dimuuquraadiyada Maxamuud Beneyste , oo 22 jir ahaa ayaa la dilay galabtii isaga oo sawirro ka qaadaya meel u dhaw Garoonka Muqdisho.

 

Sebtember 16-keedii: Dad aan la garanaynin ayaa dilay Sakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo ahaa qof madax banaan oo wax duuba , muqdisho ayaana lagu dilay .

 

Sebtember 20-keedii: Labo is qarxin ayaa dishay ugu yaraan 14 qof, dhaawacdayna 20 kale iyaga oo jooga mukhaayad ku taala Muqdisho. Sadex wariye ayaa lagu dilay weerarkaas : Liibaan Cali Nuur, oo ahaa madaxa qaybta wararka ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; Cabdisatar Daahir Sabriye, madaxa barnaamijta ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; iyo Cabdiraxmaan Yaasiin, madaxa Codka Dimuuquraadiyada oo ah xarun idaacadeed oo madax banaan.

 

Wariye afraad oo ah Xasan Yuusuf Absuge oo ka shaqeeya xarunta idaacada maxada banaan ee Raadiyo Maanta, ayaa kadib la dilay markii uu war ku saabsan ismiidaamaynta soo diray.

 

Sebtember 27-deedii: Jidh madaxa laga joogay oo ahaa Wariayaha ciyaaraha ee Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa laga helay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Cali ayaa waxaa qafaashay rag hubaysan meel u dhaw Suuqa Hilibka horaantii maalintaas. Wuxuu u shaqaynayay websitka wararka ciyaaraha ee Ciyaaraha Maanta.

 

Sebtember 28-deedii: Dad aan la garanaynin ayaa toogtay dilayna Axmed Fabdullahi Faarax , oo 32 jir ahaa kana shaqaynayay Hay’ada Wararka ee Yamen, waxaa lagu dilay xaafada Dharkaynlay.

 

Oktoobar 21-keedii: Laba nin oo hubaysan oon la garanayn ayaa xabadka ka toogtay wariyahaShabakadda Warbaahinta Shabeelle Maxamed Maxamuud Tuuryare xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaalla Muqdisho salaaddii Maqrib kaddib. Tuuryare wuxuu dhaawacyada soo gaaray ugu geeriyoodayisbitaal ku yaalla Muqdisho Oktoobar 28-keedii.

 

Oktoobar 23-keedii: Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay Axmed Faarax Ilyaas oo magaalada waqooyi ee Laascaanood uga shaqaynayay taleefishanka madaxa bannaan ee saldhiggiisu yahay London ee Universal TV.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wariye ka howlagala magaalada Muqdisho oo ka badbaaday isku day dil iyo kooxihii dili rabay oo…

Mid ka mid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo labo maalin ka hor ka badbaaday isku day dil ayaa sheegay in hadda ay ******** sida uu yiri heybta kooxihii doonayey inay dililaan ka dib baaritaano dheer oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Yaasiin Maxamed Cali {Yaasiin Feyte} oo ah wariyaha ka badbaaday isku dayga dilka ah ayaa sheegay in kooxo doonayey inay dilaan uu hadda ogaaday waxa ay ahaayeen iyo sababta ay u doonayeen inay dilaan, inkastoo uu diiday inuu sheego magacyadooda iyo halka ay ka soo jeedaan kooxahaasi, balse waxa uu xusay in arrimo dhaqaale ay isku heysteen kooxaha doonayey inay dilaan.

Wariye Yaasiin Feyte waxaa kale oo uu sheegay in markii uu ka badbaaday isku dayga dilka ah uu xiriir la sameeyay hay’adaha nabadgelyada dowladda Soomaaliya kuwaas oo baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen ku ogaaday waxa ay ahaayeen kooxihii dilka u geysanrabay, wuxuuna intaasi ku daray wariye Faytin in weli ay socdaan baaritaano la xiriira cidda soo adeejisay kooxaha dili-rabay.

“Ka dib baaritaano dheer oo ay sameeyeen ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu ogaaday halka ay ka yimaadeen kooxihii doonayey inay i khaarajiyaan, waxayna dababda la galeen kooxahaasi dad aan isku heysanay arrimo dhaqaale, kuwaas oo ay noo socotay dacwad, balse go’aansaday inay idilaan ka hor inta aysan dacwadda dhamaanin, balse Alle mahadii waan ka badbaaday dhagartii ay ila damacsanaayeen ” ayuu yiri Wariaye Yaasiin Feyte.

yaasiin-faytin-150x150.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

wariye-maxamad-ibraahim-raage.jpg

wariye maxamed ibrahim raage

 

saakin_large.jpg

Wariye Axmed Sakiin Faarax (gunned down in Lascanod)

 

Sawirka-Wariye-Canshuur.jpg

Warie Axmed Caddow Canshuur

 

 

Wariyr-Buneste1-342x250.jpg

Wariye Maxamed Cali Buneyste

 

xareed_111-620x330.JPG

wariye Cabdi Xareed Cusmaan Adan

 

wariye_cawil-620x330.jpg

 

Mahad.jpg

Wariye Cali Axmed Cali

 

WARIYAHA_DALJIR-620x330.jpg

wariye C/llaahi Axmed Geedi (Gunned down in Galkacyo)

 

Cabdixareed-300x224.jpg

Wariye C/Xareed Cismaan.

 

wariye-xiis.bmp

Wariye C/salaan sheekh xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanadkii 2012.

 

Oct. 29-2012 Muqdisho ayaa lagu dilay Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka tirsanaa qeybta Majaajilada ee Radio Kulmiye.

Oct. 28-2012: Maxamed Maxamuud Tuur Yare ayaa Muqdisho ugu Geeriyooday Dhaawac Loogeystay Dartii.

Oct. 23: Laascaanood ayaa lagu dilay Ahmed Saakin Farah, oo wakiil wareed TV-ga Universal ugu ahaa Gobolka Sool.

Sept. 28-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Ahmed Abdullahi Fanah, oo ahaa Wariye u shaqeynayay Wakaalada Wararka ee Yemen SABA.

Sept. 27-2012: waxaa Muqdisho laga helay Meydka Wariye Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa ka go’an oo ahaa wariye qora Ciyaaraha ama Sportiga.

Sept. 21-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Hassan Yusuf Absuge, oo u shaqeynayay Idaacada Maanta

Sept. 20-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Abdirahman Yasin Ali oo ahaa agaasimaha Radio Xamar ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah.

Sept. 20-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Abdisatar Daher Sabriye oo ahaa wariye ka tirsan Radio Muqdisho ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah.

Sept. 20-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Liban Ali Nur, oo ahaa madaxa wararka Telefishinka Qaranka, iyo Radio Muqdisho ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah

Agust 11,2012, Muqdisho waxaa lagu dilay Mahamud Ali Buneyste,freelance

Aug. 12-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Yusuf Ali Osman, oo ahaa wariye rug cadaa ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta.

July 31-2012:: Abdi Jeylani Malaq (Marshaale), Muqdisho ayaa lagu dilay oo ahaa majaajiliiste ka Tirsan Idaacadda Kulmiye.

May 23-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Ahmed Addow Anshur oo ahaa Barnaamij soo saare Idaacada Shabelle

May 2-2012:: Gaalkacyo Muqdisho ayaa lagu dilay Farhan Jeemis Abdulle.

April 5-2012:: Baladweyne ayaa lagu dilay Mahad Salaad Aden, oo ahaa wariye u soo waramayay Idaacada Shabelle.

March 4-2012:ayaa la Dilay Ali Ahmed Abdi oo ahaa wariye ka shaqeynayay Radio Galkacyo.

Feb. 28-2012:: Muqdisho ayaa lagu dilay Abukar Hassan Mohamoud oo ahaa Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn magaalada Muqdisho.

Jan. 28-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Hassan Osman Abdi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Shabelle.

Sanadkii 2011.

 

August 4, 2011, Muqdisho ayaa lagu dilay Farah Hassan Sahal, oo ka Tirsanaa Radio Simba Muqdisho.

December 18, 2011, Muqdisho ayaa lagu dilay Abdi salan Sheikh Hassan Xiis , oo ka tirsanaa TV-ga HCPTV.

Sanadkii 2010.

 

May 4, 2010, Muqdisho ayaa lagu dilay Sheikh Nur Mohamed Abkey, oo ka Mid ahaa qabiir saxaafadeed kana howlgala Radio Mogadishu.

August 24, 2010, Muqdisho ayaa lagu dilay Barkhat Awale, ka Tirsanaa Hurma Radio.

August 31, 2010, Muqdisho ayaa lagu dilay Abdullahi Omar Gedi, oo ka Tirsanaa Radio Daljir.

Sanadkii 2009.

 

January 1, 2009, waxaa lagu dilay Afgoye Hassan Mayow Hassan, Radio Shabelle

February 2, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay Said Tahlil Ahmed, HornAfrik

May 22, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay Abdirisak Mohamed Warsame, Radio Shabelle

May 26, 2009, waxaa lagu dilay magaalada baladweyne Nur Muse Hussein, Radio IQK

June 8, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho Mukhtar Mohamed Hirabe, Radio Shabelle

July 4, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho Mohamud Mohamed Yusuf, Radio IQK

December 3, 2009, waxaa lagu dilay magalada muqdisho Abdulkhafar Abdulkadir, freelance

December 3, 2009, waxaa lagu dilay muqdisho Mohamed Amin, oo ka Tirsanaa Shabelle Media Network.

December 3, 2009, waxaa lagu dilay Mogadishu Hassan Zubeyr, oo ka Tirsaa TV-ga Al-Arabiya.

Sanadkii 2008

 

January 28, 2008, waxaa lagu dilay Kismayo Hassan Kafi Hared, Somali National News Agency

June 7, 2008, waxaa lagu Kismayo Nasteh Dahir Farah, BBC-somali

Sanadkii 2007

 

February 16, 2007, waxaa lagu dilay Baidoa Ali Mohammed Omar, Radio Warsan

May 5, 2007, waxaa lagu dilay Galkayo Mohammed Abdullahi Khalif, Voice of Peace

May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar Ahmed Hassan Mahad, Radio Jowhar

May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar Abshir Ali Gabre, Radio Jowhar

August 11, 2007,waxaa lagu dilay magaalada muqdisho Mahad Ahmed Elmi, Capital Voice

August 11, 2007, ayaa muqdisho lagu dilay Ali Sharmarke, HornAfrik

August 24, 2007, waxaa lagu dilay Bardera Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey, Radio Banadir

October 19, 2007,ayaa muqdisho lagu dilay Mogadishu Bashiir Noor Gedi, Radio Shabelle.

Sanadkii 2005

 

June 5, 2005,waxaa lagu dilay Afgoye Duniya Muhyadin Nur, Capital Voice

Sanadkii 2003

 

January 24, 2003, waxaa lagu dilay Baidoa Abdullahi Madkeer, DMC Radio

 

Sanadkii 2000

 

January 26, 2000, waxaa lagu dilay muqdisho Ahmed Kafi Awale, Radio of the Somali People

 

Dhanka kale waxaan idiin Soo gudbinayaa qaar ka mid ah Wariyaasha ajaaniib ahaa ee lagu Dilay Soomaaliya Gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Sanadkii 2011

 

September 2, 2011, muqdisho ayaa lagu dilay Noramfaizul Mohd, Bernama TV

 

Sanadkii 2006

 

June 23, 2006, waxaa lagu dilay Mogadishu Martin Adler, freelance.

 

Sanadkii 2005

 

February 9, 2005, waxaa lagu dilay muqdisho Kate Peyton, BBC

 

Sanadkii 1995

 

February 9, 1995, waxaa lagu dilay Muqdisho Marcello Palmisano, RAI

 

Sanadkii 1994

 

March 20, 1994, waxaa lagu dilay Muqdisho Ilaria Alpi, RAI-3 Television

 

March 20, 1994, waxaa lagu dilay muqdisho Miran Krovatin, RAI-3 Television

 

August 31, 1994, waxaa lagu dilay Baidoa Pierre Anceaux, freelance

 

Sanadkii 1993

 

June 18, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Jean-Claude Jumel, TF-1

 

July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho Hosea Maina, Reuters

 

July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Dan Eldon, Reuters

 

July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho Anthony Macharia, Reuters

 

July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Hansi Krauss, Associated Press.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

I ask allah SWT to grant these heroic individuals to janna and those who committed these hideous crime, may allah brought them to his justice in this world and hereafter. WHY?

 

Moqudisho is a graveyard......................!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this