Sign in to follow this  
malistar2012

Danjire Nicholas Kay keeping Faarole in check zero tolerance on election Fraud

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland iyo Danjire Nicholas Kay oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland

 

Axad, Oktoobar 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa maanta kula kulmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo maanta booqasho ku tagay Puntland.

 

Kulanka kaddib ayaa madaxweynaha Puntland iyo Key waxay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id, wuxuuna Faroole sheegay inay kawada haldeen arimo ay ka mid yihiin amniga iyo doorashooyinka soo socda ee Puntland ka dhici doona bisha Jannaayo ee sannadka soo socda ee 2014-ka.

 

“Haddii aan xafiiska dib ugu soo laabanno sannadka 2014-ka waxaan ballan-qaadayaa inaan dib u furi doono hannaankii xisbiyada ee horay loo joojiyay, si Puntland aan ugu soo dabaalno dimuqraadiyad,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole.

 

Sido kale, madaxweynaha Puntland ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday inay baarlamaanka u soo xulaan hab waafaqsan shuruuda dastuurku qorayo, isagoo xusay in baarlamaanka cusub laga doonayo inuu noqdo xubno ka kala yimaada dhammaan deegaannada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu amniga adkeyn doonto inta ay socoto doorashada, wuxuuna xusay in Puntland ay xilligan u bisishahay inay khilaafaadyadeeda iyadu xallisato oo aan lasoo dhex-gelin.

 

 

 

Intii uu shirka jaraa’id socday madaxweynaha Puntland marna ma soo hadal qaadin khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Somalia, isagoo goobta ka sheegay in wixii ku saabsan khilaafka u dhexeeya maamuka uu madaxda u yahay iyo dowladda Soomaaliya laga hadli doono xilligeeda.

 

Dhanka kale, waxaa isaguna goobta ka hadlay, dajire Nicholas Kay isagoo ku billaabay hadalkiisa inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale booqdo Puntland; wuxuuna sheegay in wadahadalkii dhexmaray isaga iyo Faroole uu ahaa mid miro-dhal ah.

 

Booqashada_Nicholas_Kay_Puntland_2.jpg

 

 

“Halkaan waxaan u imid sidii aan madaxda Puntland ugu sheegi lahaa inaan doonayno inaan si dhow ula soconno doorashada bisha Jannaayo ee 2014-ka ka dhacaysa Puntland,” ayuu yiri Kay, isagoo intaas ku raaciyay. “Xubnaha u sharraxan xilka madaxnimo ee Puntland waa inay noqdaan kuwo waafqsan sida dastuurka Puntland uu qabo, saxaafadana aan la caburin, ayna noqonto mid uu ka hadli karo musharax kasta oo xil doon ah.”

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo madaxa xafiiska UNSOM uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadii ka horreysan middan uu ku tagay markii xafiiska loo magacaabay bartamihii sannadkan 2013-ka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne_Faroole_&_Nikolas_Kay.jpg

 

No mention of SFG in The Press Conference , Faaroole was told not to speak up about SFG and focus on the election . IC had enough of Faroole whining and crying .

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ He just forgot the plain big Somali flag on top of the Puntland one at the Press Conference, and yet he calls Puntland Soomaali diid all the time, wa taa maskax!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawdian;982277 wrote:
Why dont you let Mooge report from Puntland and concentrate on Xamar malistar

Mooge and rest are is disappointed today and would not report this significant news Faarlooe was told to behave like Governor focus on the election , Don't mention SFG in the press conference .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastoo aanan reer Puntland ahayn, haddana waxaan la yaabaa dada kala dawlad kala damabayn, sharci iyo hab maamuus leh marka qolooyin kale oo jahawareer ka dhammaan waayey ay wax ka sheegaan Puntland iyo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this