Sign in to follow this  
malistar2012

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Kismaayo iyo Madaxweynaha oo ku sii jeeda

Recommended Posts

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo uu kula kulmi doono Maamulka KMG ah ee Jubba.

 

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu gaaro magaalada Kismaayo.

 

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiir C/kariin Guuleed ayaa waxaa ku wehliya Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga C/raxmaan Dheere iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolka ka soo jeeda.

 

Inkastoo maalinta berri oo taariikhdu ku beegan tahay 21-October ay tahay maalinta ay Xukuumada iclaamisay inuu Muqdisho ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaan muuqan wax qaban qaabo ah oo shirkaas ku saabsan, kadib markii ay diideen Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ay doonayaan inay Kismaayo ka soo qaadaan Col. Barre Hiiraale oo labo bil ka hor dagaal looga saaray Kismaayo, kuna sugan duleedkeeda, si uu uga qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ka dhaca Muqdisho.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu Kismaayo ku tago booqasho gaaban ka hor inta aanu dhicin shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee dowladda iclaamisay.

 

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa horay uga soo horjeestay inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Muqdisho, waxaana ay abuurtay khilaaf cusub oo dowladda soo dhex galay, inkastoo qodob ka mid ahaa heshiiskii Addis Ababa uu dhigayay in shir dib u heshiisiin lagu qabto Muqdisho, shirka labaadna uu ka dhaco Kismaayo.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daawo sawirada wafdigii DFS ee maanta Kismaayo yimid(+warbixin)

 

October 20, 2013 // admin1 // News

Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaareay wafddi uu hogaaminaayo

wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga xukuumada federaalka ah ee

Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana sidoo kale xubnaha

wafddigaasi kamid ahaa wasiir ku xigeynka gaashaandhiga C/xaman

kulmiye iyo xubno kale oo dowladda soomaaliya ka tirsan.

Markii wafddigaan uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga

 

xukuumada federaalka Soomaaliya ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha

magaalada kismaayo waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuulyiin uu kamid

yahay madaxweyne ku xigeynka Maamulka jubba Gen. Claahi Shekh

ismaaciil farataag iyo xubno kale.

 

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee

magaalada lagu arkayay ciidamo aad u foojigan oo dadka celinaya,

ayadoo ay sidoo kale xaqiijinta amaanka qeyb ka ahaan ciidamada AMISOM

ee ku suggan magaalada Kismaayo.

 

Intaasi kadib ayaa waxaa xubnaha wafddigaan ka yimid magaalada

Muqdisho loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada Maamulka Jubba

halkaasoo uu sidoo kale xubnaha wafddigaan ku soo dhaweeyay

madaxweynaha maamulka jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga xukuumada federaalka Soomaaliya

C/kariin Xuseen Guuleed oo isna wariyaasha si kooban ula hadlay ayaa

sheegay inuu magaalada Kismaayo u yimid sidii uu wadashai ula yeelan

lahaa masuulyiinta Maamulka jubba iyo dadka deegaanka arrintaasoo aan

ahayn markii ugu horeysay oo uu wasiirka u yimaado magaalada

Kismaayo.

 

 

 

 

 

12.jpg

wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga xukuumada federaalka ah ee

Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,

 

9.jpg

 

13.jpg

 

10.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

1.jpg

 

2.jpg

 

Wafdiga_gaaray_Kista_2.JPG

 

A very warm welcome for wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga xukuumada federaalka ah eeSoomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,

 

Congrats to the SFG for reaching out to the jubba administration .

 

Some people like xiin would like us to believe Somali is dead and it can't recover with current administration ? Somalia is heading the right direction .

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Che -Guevara;982226 wrote:
Every time the SFG goes to Kismayo, the visit is followed by skirmishes.

And worse, Jubbaland President Barre Hiraale wasn't there at the airport to welcome these ministers, the President sent his juniors to welcome them instead!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

malistar2012;982183 wrote:

Somalia is heading the right direction .

how is Somalia heading to the right direction while in fact, by tomorrow or the next day you will be calling the same people these ministers are meeting shayaadiin nabad diids, or your obsession with Somaliland & Puntland, Soomaaliyada aad sheegaysid hadaad ka saarto Somaliland, Puntland, & Jubooyinka maxaa kuu soo harayo bal, inta soo hartey miyaa Soomaaliya kuu noqon, war caqli isticmaal niyahow waxaad iila egtahey ilma yar aan wali caqliga yaree uu leeyahey aan garaneyn sida loo isticmaalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa caawa madaxtooyada kismaayo ka socda kulamo ay yeelanayaan wafdiga dowlada iyo madaxda maamulka Jubaland.Nuxurka kulmadan ayaa ah qaabkii la isula fahmi lahaa shirk dib uheshiisiinta ee laga iclaamiyay Muqdisho iyo qaabkii xal loogu heli lahaa maleeshiyaadkii taabacsanaa Bare Hiiraale ee ku firirsan duleedka Kismaayo iyo Bare Hiiraale laf ahaantiisa.Wixii kasoo baxa kulamadan dib ayaan kasoo tabin doonaa hadii Allaah idmo.Hoos ka daawo sawirada

 

 

kulan-kismaayo.jpg

 

kulan-kismaayo2.jpg

 

intensive negotiation by two strong Man , will Modaba listen and respect SFG proposal or act as a warlord ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

So the Government is saving Barre Hiraale and his militia who are sheltering in known shabab regions. Why is the Government so interested in bringing Barre to Xamar, perhaps to vacation then send him back again to cause another conflict over kismaayo? he is a spent force yet the government is obsessed with bringing him out of the wilderness.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

malistar2012;982287 wrote:
Waxaa caawa madaxtooyada kismaayo ka socda kulamo ay yeelanayaan wafdiga dowlada iyo madaxda maamulka Jubaland.Nuxurka kulmadan ayaa ah qaabkii la isula fahmi lahaa shirk dib uheshiisiinta ee laga iclaamiyay Muqdisho iyo qaabkii xal loogu heli lahaa maleeshiyaadkii taabacsanaa Bare Hiiraale ee ku firirsan duleedka Kismaayo iyo Bare Hiiraale laf ahaantiisa.Wixii kasoo baxa kulamadan dib ayaan kasoo tabin doonaa hadii Allaah idmo.Hoos ka daawo sawirada

 

 

 

kulan-kismaayo.jpg

 

kulan-kismaayo2.jpg

 

intensive negotiation by two strong Man , will Modaba listen and respect SFG proposal or act as a warlord ?

 

So the discussions are a one way street?, and this in your opinion is the SFG "reaching out to juba" ?. What planet do you live on?

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;982278 wrote:
how is Somalia heading to the right direction while in fact, by tomorrow or the next day you will be calling the same people these ministers are meeting shayaadiin nabad diids, or your obsession with Somaliland & Puntland, Soomaaliyada aad sheegaysid hadaad ka saarto Somaliland, Puntland, & Jubooyinka maxaa kuu soo harayo bal, inta soo hartey miyaa Soomaaliya kuu noqon, war caqli isticmaal niyahow waxaad iila egtahey ilma yar aan wali caqliga yaree uu leeyahey aan garaneyn sida loo isticmaalo.

kulan-kismaayo2.jpg

 

 

War deg deg ah oo goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in maamulka Jubaland uu ogolaaday In Bare Hiiraale iyo maleeshiyaadkiisa lasoo galiyo Kismaayo kadibna isaga loo sii qaado Xamar si uu uga qeybgalo shirk dib uheshiisiinta Muqdisho.

 

Warku wuxuu sidoo kale sheegayaa in maamulka Jubaland uu ogolaaday inuu ka qeybgalo shirka dib uheshiisiinta ee Muqdisho.Xogtan waxaa nala wadaagay masuuliyiin katirsan maamulka Juba oo ku sugan goobta wadahadaladu ka socdaan.

 

Wixii soo kordha dib ayaan kasoo tabin doonaa.

 

 

Somalia is heading the right direction Congrats to the SFG and jubba admin , jubba issue must end . Regional administration are to support SFG Policy .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this