Sign in to follow this  
Saalax

MADAXWEYNAHA SOMALILAND: “Waxaan ku Qancinay Turkiga in innaga iyo Soomaaliya aanu nahay laba dal

Recommended Posts

Saalax   

MADAXWEYNAHA SOMALILAND: “Waxaan ku Qancinay Turkiga in innaga iyo Soomaaliya aanu nahay laba dal oo Walaalo ah”

 

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dalka dib ugu soo noqday, ayaa sheegay inay Turkiga u sharaxeen inay Somaliland iyo Soomaaliya laba dal kala tahay, isla markaana loo baahan yahay inay laba dal ula kala dhaqmaan.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddo toban maalmood ku maqnaa dalka Turkiga,ayaa sheegay inuu la kulmay Ra’isal wasaaraha iyo maalqabeenadda dalkaasi,isla markaana ay wax badan ka soo faa’iideen booqashadaasi.

 

“Dadkii aanu kula kulanay waxa ugu mudnaa Raysal wasaaraha Turkiga, ku xigeenkiisa iyo Wasiirradiisa. Waxaynu nahay labada dal oo taariikhi ka dhaxayso oo arrimo badan wada qabsan kara.”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo shalay galab ku soo guryo noqday magaaladda Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “Waxaanu ku qancinay Turkiga In Innaga iyo Soomaaliya aanu nahay laba dal oo walaalo ah, hase yeeshee madax-banaanidayada iyo gooni isu taagayo aanu ahayn wax aanu cid la wadaagi karno ama cid ka tallo gelin karno ee ay tahay madax-banaani buuxda”

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay inuu Turkiga ka wada hadleen sidii laba xafiis looga kala furi lahaa Turkiga iyo Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay inaanu Hargeysa iyo Turkiga ay labada dal ka kala furtaan laba xafiis oo ka shaqeeya dannaha labada dal”.

 

Weftiga madaxweynaha ayaa labaddii toddobaad ee u dambeeyey safar shaqo ku maqnaa dalka Turkiga, waxaanu halkaasi kula kulmay madax ka tirsan dalkaasi iyo ganacsatadda dalkaasi, waxaanu u mahadnaqay soo dhoweyntii loo sameeyey.

 

 

Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Md;Cabdiraxmaan Saylici, shirgudoonka labadda gole baarlamaan iyo dadweyne kale.

 

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa wadda sidii labadda dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya iskugu soodhowaan lahaayeen, maadaama oo dalkeedu marti galiyey wada hadalka labadda dhinac u socda, waxaana bisha dambe la filayaa inuu bilaabmo wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya kaas oo lagaga hadli doono labadda mawqif ee labadda dhinac kala taagan yihiin oo aad u kala durugsan.

 

Wada-hadaladii hore ayaa lagaga hadlay sidii labada dhinac xidhiidh u wada yeelan lahaayeen, wax badana iskaga kaashan lahaayeen, haseyeeshee looma gudbin labada mawqif ee ay kala taagan yihiin, maadaama oo Somaliland aaminsantahay inay dal gaar ah tahay, halka Soomaaliyana aaminsantahay inay qayb Soomaaliya ka mid ah tahay Somaliland, kuwaas oo kala taagan aba daraf oo kala durugsan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa hore us heegay in wareegga dambe si toos ah loo guddo gali doonno arrimaha waaweyn ee la isku hayo, isla markaana qolo waliba soo bandhigi doonto aragtideedda ku aadan arrimahaasi.

 

 

https://www.hiiraan.com/news/2013/Oct/wararka_maanta11-33659.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Good job Mr. President. Saalax and his co will accept anything from their leaders. When will they learn either we are clan states or one nation?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

saalax, i think siilaanyo lied to the people. he thinks the somaliland people are fools. maybe it is Mr. xirsi who is making him tell these lies. lol.

 

SOMALILAND22.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

The only measure we have to gauge whether Somaliland is closer to recognition is Oodweyne, Jacalybaro, and NGONGE. The fact they have been AWOL from these boards tells us for our brothers in the North recognition is no longer a feasible goal to pursue.

 

But the Turkish leaders are up for something, and Siilaanyo and the entire SL leadership are wise to secure Turks involvement in the negotiation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Taleexi Isn't that rich coming from a Khaatumo supporter? Last I knew Cali Galaydh was still robbing the Khaatumo women off

their little gold in the never coming liberation of Las Canood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this