Sign in to follow this  
malistar2012

Shiikh Awlibaax waa in la tagaa shirka Muqdisho,sababtoo ah Kismaayo ammaan ma ahan

Recommended Posts

Dhagaysi+Sawiro Hogaamiyaha Ahlusunna Shiikh Awlibaax ” Masiir Jubooyinka Axmed Madoobe kaliya ma leh ee waa in la

tagaa shirka Muqdisho,sababtoo ah Kismaayo ammaan ma ahan ”

(Khilaaf Juba soo dhexgalay)

 

 

 

 

Hogaamiyaha Culima’udiinka

Ahlusunna Waljamaaca ee

gobolada Koonfureed Ahna

Gudomiyihii Saxiixeyaasha

Jubbaland Sheekh Maxamed

Yuusuf Awlibaax oo maanta

Shir Jaraa’id ku qabtay

gudaha magaalada

Muqdisho ayaa ka hadlay

arimo badan oo ku saabsan

xaaladaha Jubbooyinka iyo

Qarax ka dhacay gudaha

degmada Baladxaawo

 

 

Dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa

ee xarunta dalka Ethiopia ku gaareen Maamulka Jubba iyo dowladda

Federalka Soomaaliya, isagoona tibaaxay dhinacyadii heshiiskaasi wada

gaaray in laga doonayo si buuxda inay u fuliyaan heshiiskaasi.

“Qodobada Heshiiska waxaa kamid ahaa kow in dib u heshiisiinta in la

iskugu imaado Muqdisho oo dowladda Federaalka dhigto gogosha

shacabkiina waxay u diyaarsanyihiin gaar ahan kuwii khilaafku u dhexeeyay

dagaalkuna dhex maray in shir la qabto dib u heshiisiin ah Muqdisho

ayayna joogaan. ” ayuu yiri Awlibaax.

Hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegay

inaysan tageen shirka Muqdisho ka dhacaya kaasi oo uu sheegay inuu

yahay mid baalmarsan hishiiska Adis Ababa laakiin arrintaasi waa ganafka

ku dhuftay oo diiday Awlibaax oo ka mid ahaa ragii wax kasoo dhisay

maamulka Juba oo hadda Muqdisho u jooga ka qeybgalka shirkaasi.

Waxaana uu Awlibaax sheegay in masiirka Jubooyinka iyo Gedo uusan

noqon doonin mid hal shaqsi kaliya ka taliyo, isaga iyo siyaasiyiin badana

ay Muqdisho u joogaan arrintaasi, isagoona ka hadlaya waxa uu yiri .

 

http://kismaayo24.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhagayso+Sawiro:-Hogaamiyaha Ahlusunna Awlibaax” Masiirka Gobolada Jubboyinka hal shaqsi ah go,an kama gaari karo wanu ka qayb galayna Shirka Muqdisho

 

 

SUNA-MUQDISHO-2.jpg

 

 

Hogaamiyaha Culima’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolada Koonfureed Ahna Gudomiyihii Saxiixeyaasha Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka iyo Qarax ka dhacay gudaha degmada Baladxaawo xalay.

 

Ugu horayn ayuu Tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay maqaaxi ku taala degmada Baladxaawo kaasoo ay ku dhinteen labo ka tirsan Ciidanka Ururka Ahlusunna Waljamaaca xili ay ku sugnaayeen goob Maqaaxi ah tiro kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

 

“Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay Qaraxii shalay ka dhacay degmada Baladxaawo kaasoo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen iyo labo ka tirsan Ciidanka Ahlusunna oo ku geeriyooday” ayuu yiri Sheekh Awlibaax.

Sheekh maxamed Yuusuf Awlibaax ayaa ku eedeyay masuuliyada Qaraxaasi Kooxda Al-shabaab wuxuna sheegay inay socdaan baaritaano dheraad ah oo ku aadan sidii ay wax u dhaceen, isagoona intaasi raaciyay Ciidamadda Ahlusunna iyo kuwa Dowlada inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid walba oo lagu helo inay ku lugleedahay Qaraxaasi.

 

Dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku gaareen Maamulka Jubba iyo dowladda Federalka Soomaaliya, isagoona tibaaxay dhinacyadii heshiiskaasi wada gaaray in laga doonayo si buuxda inay u fuliyaan heshiiskaasi.

 

“Qodobada Heshiiska waxaa kamid ahaa kow in dib u heshiisiinta in la iskugu imaado Muqdisho oo dowladda Federaalka dhigto gogosha shacabkiina waxay u diyaarsanyihiin gaar ahan kuwii khilaafku u dhexeeyay dagaalkuna dhex maray in shir la qabto dib u heshiisiin ah Muqdisho ayayna joogaan,

 

 

 

Axmed Madoobe wuxuu sheegay inaysan Muqdisho imaanayn anaguna waxaan kamid nahay Masuliyiinta Jubbooyinka waxaana u nimid Muqdisho in shirka Muqdisho hirgalo oo dhaco ayaguna waa inay yimaadaan baan leenahay” ayuu yiri Awlibaax, isagoona intaasi ku daray hadalkiisa shirka Muqdisho ka dhici doona wajigiisa labaad inuu ka dhaco gobolka Gedo sababtoo ah Kismaayo ammaan maahan waqtiga hadda lagu jiro sidaasi waxaa sheegay Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax oo maanta Saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu xusay Sheekh Awlibaax gobolka Gedo intaasi badan inuu yahay nabad isla markaana aysan jirin cid xiligani cabsi ka qabta inaan shirwayne dib u heshiisiineed lagu qaban Karin aysan jirin.

 

“Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb qaadano shir walba oo xal loogu helayo mushkiladaha Jubbooyinka si dadku u helaan xal, balse marna ma yeelanayo in dadka Jubbooyinka ay ku jiraan colaad mudo ku siman labaatan sano iyo ka badan”.

 

Masiirka iyo Talada Gobolada Jubboyinka ma ahan mid shaqsi gacanta ugu jirta mana ahan hadi uu shirarka dib u heshiisinta uu shaqsi diido in la wada diiday waxaan diyaar u nahay in shirarka Muqdisho iyo Gedo ba ay hergalan .

 

“Ummado markay heshiiso waa in la dhisaa Xukuumadda iyo gollaha baarlamanka Jubbaland balse hadii aysan dhicin dib u heshiisiin ma filayo in intaasi la heli doono, intaasi oo dhana waxaa ka horeeya Heshiis iyo iyo is afgarad”.

 

Asago hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri ayado aanan lamarin wadoyinka aan kor ku soo sheegay hadi Maamul laga dhiso Kismaayo ma noqon doono mid ka shaqeeya Jubboyinka .

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;980798 wrote:
Mogadishu drove Barre to alshabaab camp. Not sure if this Aw Libaax is as gullible
:D
:D

Kenyan Force drove Barre to Kismayoo outskirt get it right :cool: serious question Jubba admin is breaking in two faction ... Modaba is loosing the plot if he thinks kikiyu Uhuru will keep him in power . following recent trip from Nairobi Blacky was told to break ties with SFG by opposing Mogadishu Conference .

 

by the way way SFG will soon liberate Barawe we will see How taugh Blacky is kkkkkk aw libaax did right thing at right time :o

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this