Sign in to follow this  
malistar2012

Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kulan la Qataay Mas’uuliyiinta Maamu

Recommended Posts

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed General C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) oo maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa kormeeray xarunta saldhiga booliska ee magaalada b/weyne iyo xarunta maamulka gobolka.

 

Taliyahe Saacid oo socod ku dhex maray wadooyinka magaalada b/weyne ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid aad u wanaagsan,isagoo sheegay in laga hirgalin doono xarun lagu tababaro ciidamada booliska soomaaliyeed ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.si kor loogu qaado aqoonta booliska soomaaliyeed.

 

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed General C/xakiim Daahir Saacid ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidanka booliska ee gobolka.

 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General C/xakiim Daahir Saacdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa ay ku wehliyaan guddi saraakiil oo ka tirsan ciidamada booliska iyo sarkaal ka tirsan Ciidamada booliska AMISOM,ayna qiimeeyn ku sameeynayeen dhinaca amniga,sida uu boolisku uga shaqeeyo gobolka,tababarkoodu ilaa heerka uu gaarsiisanyahay,waxa ka dhiman,baahidoodu waxa ay tahay iyo wixii aan u qaban karno.

 

Taliyaha booliska ayaa sheegay in uu aad ugu farxay wax qabadka ciidamada AMISOM ee Hiil walaal ka socda dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti,isagoo sheegay in ay qabteen wax qabad muuqda.

 

Guddomiyaha gobolka hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka wafdiga saraakiisha ciidan ah,isagoo si weyn u soo dhaweeyay talaabo horumar ahna ku tilmaamay hadalka taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee ah gudaha gobolka hiiraan laga hirgalinayo xarun lagu tababaro ciidanka booliska ee soomaaliyeed ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

P8040387.jpg

 

 

General C/xakiim Daahir Saacid has done wonderful job in Mogadishu by creating professional and discipline police force .

 

 

DSC04160.jpg

 

 

Police in Mogadishu are working 24hrs to make the city safe and secure

 

 

tus_27.jpg

 

SFG is slowly gaining control of the Country , New Trained Police officers will be deployed to the gobollada dhexe ee dalka .

 

DSC04263.jpg

 

Police.jpg

 

Well done by SFG a strong security force is the answer to Somali security Problem

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne

 

 

Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka soctay booliiska howlgalka midowgga Afrika ee AMISOM.

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif waxaa ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo taliyaha qeybta booliiska gobolka Kol. ***** Cali C/dulle iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

 

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkooda in ay u kuur gelayaan xaaladda dhabta ah ee ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Beledweyne oo dhowr mar ay saraakiisha ciidamada Jabuuti tababar siiyeen.

 

 

Taliyaha_Booliiska_Baladweyne_5.JPG

 

 

 

''Halkan -Beledweyne- waxaan u nimid sidii aan wax badan uga ogaan laheyn xaaladda ciidamada booliiska gobolka Hiiraan iyo sida ay u shaqeeyaan, iyo waliba in aan soo gaarsiino agab ay ku shaqeeyaan ciidamada oo isugu jira dareyska iyo waliba koofiyadaha rasaasta looga gaashaanto,'' ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

 

 

 

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay soo dirri doonaan guddi qiimeyn ku sameyn doona saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo sida uu sheegay dib u habeyn lagu sameyn doono, isaga oo intaa ku darray in saldhiga xarun dhexe looga dhigi doono tababarada ciidamada booliiska ka howlgali doona in badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

 

''Saldhiga booliiska Beledweyne waxaa u soo dirri doonaa guddi qiimeeya si dib u dhis loogu sameeyo, waayo waxaa u qorsheynay in uu saldhiga ama xarun dhexe u noqdo tababarada la siinayo ciidamada booliiska ka howlgala qaar ka mid ah gobollada dalka,'' ayuu yiri taliyaha.

 

Taliyaha_Booliiska_Baladweyne_6.JPG

 

Jen C/xakiin Daahir Saciid ayaa intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya ciidamada booliiska ka howlgala magaalada Beledweyne heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin, isaga oo ku amaanay sida ay isaga xil saareen sugida nabad-galyada magaalada Beledweyne.

 

''Sidoo kale ujeedada socdaalkeena ku dhawaaqista in si rasmi ah halkan uga bilaabi doonaan saraakiisha ciidamada booliiska AMISOM tababarada la siinayo ciidamada booliiska Soomaaliyeed,'' ayuu yiri taliyaha.

 

Taliyaha_Booliiska_Baladweyne_3.JPG

 

 

Si gaar ah waxaa uu amaan ugu jeediyay saraakiisha ciidamada Jabuuti oo sida uu sheegay siweyn isugu howlay dib-u-dhiska ciidamada maamulka gobolka iyo ku gacan siinta sidii loogu guuleysan lahaa nabad-galyada xiligan ka jirta magaalada Beledweyne.

 

 

 

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo xarunta maamulka kulan kula qaatay wafdiga ayaa uga mahad celiyay dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixinayaan tayeynta iyo dib-u-soo nooleynta ciidamada boooliiska Soomaaliyeed oo sida guddoomiyuhu sheegay ah astaanta nabad-gelyada.

 

''Annaga ka maamul ahaan ahmiyad gaar ah ayeey inoo leeyihiin ciidamada booliiska, waayo waa astaan nabad-galyo, sidaa daraadeed gacan buuxda ayaan idinku siin doonnaa dib-u -dhiskooda,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

 

Taliyaha_Booliiska_Baladweyne_2.JPG

 

 

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada booliiska AMISOM oo ka mid ahaa xubnaha wafdiga maanta gaaray Beledweyne, ayaa ku amaanay maamulka gobolka sida uu ugu guuleystay wax ka qabashada amniga, gaar ahaan waxaa uu sheegay in uu si weyn ula dhacay sida amniga loo sugay iyaga oo xubnaha wafdigu lug ku maray qaybo kamid ah magaalada.

 

Ugu dambeyntii wafdiga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay u sii raacay ilaa 50 askari oo ka tirsanaa ciidamada booliiska maamulka gobolka oo la sheegay in uu tababar uga furmayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Jen. Saacid oo safar lama filaan ah ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

 

Talaado, October 22, 2013(HOL) :- Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhawaan is badal lagu sameyn doono ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo hogaankooda.

 

Masuulkan ayaa sheegay in isbadalkani uu noqon doono mid sare loogu qaadayo tayada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, wuxuu intaa ku daray in ciidamada Booliska aqoontooda sare loo qaadi doono islamarkaana ay heli doonaan tababarro la xiriira shaqooyinkooda.

 

Gen. Saacid ayaa xusay in sanadka cusub ay u gudbi doonaan qorsheyaal wax looga badalayo hannaanka shaqo ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in isabadallo badan ay ku sameyn doonaan guud ahaan ciidanka booliska iyo hogaankiisa.

 

Gabagabadii masuulkan ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay yihiin adeegayaasha shacabka, wuxuuna xusay in ay lagama maarmaan tahay in boolisku uu kasbado kalsoonida shacabka, arintaasoo uu xusay in ay horseedi karto wada shaqeyn toos ah oo dhexmarta booliska iyo dadka shacabka ah.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xaqiijin lahayd ammaanka guud ee dalka, xilli gobollo badan oo dalka ka tirsan ay gacanta ku hayaan xooggagga Al-shabaab oo iyagu siweyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid)

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Gen Daahir Siciid is doing great job upgrading Somali Police force , Connecting gobollada creating a chain of command .

 

Congrats to SFG for taken the security issue serious by making it number one priority , Somali police force are going through intensive training inside and outside the country .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this