Sign in to follow this  
malistar2012

Maleeshiyaadka Shabaab oo isaga Baxay Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula Burte ee Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Maleeshiyaadka Shabaab oo isaga Baxay Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula Burte ee Gobolka Hiiraan

 

 

Maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isaga baxay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burte ee gobolka hiiraan ka dib markii ciidamada qalabka sida ee soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay shalay la wareegeen gacan ku heynta degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe iyo deegaanka buurane oo ka tirsan gobolka hiiraan.

 

Dadka ku dhaqan degmooyinka Jalalaqsi iyo buula burte ayaa radio muqdisho u sheegay in haraadiga kooxda shabaab ay isaga baxeen degmooyinkaasi iyo deegaano kale oo hoos yimaada.

 

Ka bixitaanka maleeshiyaadka shabaab ay ka baxeen degmooyinkaasi ayaa ah cabsi ay ka qabaan ciidamada qalabka sida oo garabsanaya kuwa AMISOM,maadaama ay ku soo dhawaadeen ciidamada.

 

Horjoogayaal iyo maleeshiyaadkii ka cararay degmooyinkaasi ayaa la sheegayaa in ay gaareen degmooyinka Maxaas iyo Ceelnuur oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa sii wada xoreynta deeganada fara ku tiriska ah oo wali ku jira gacanta kooxda sii burbureysa ee Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Sh Maxamuud visited the two regions two weeks ago ordered SNA to liberate remaining regions they have delivered and fulfilled their duty ... Congrats to the SNA

 

 

Sh/dhexe and Hiiraan are fully liberated next will be Galgaduud the end of alshaabab is Near very soon

 

 

DSC01709.jpg

 

MDF23773-12-04-2013-15-04-11-492.jpg

 

 

IMG_6616.jpg

 

The Lions of Africa are are back Godbless SNA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Qeybta Lixdanaad Oo Soo Gebagebeeyay Howlo Dib Loogu Habeynayay Ciidamada XDS Ee Ka Tirsan Taliskaasi

 

 

aliska ciidanka Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gebagebeeyeen, olole kor loogu qadaayay abaabulka iyo tababarada ciidamada Xoogga ee ku sugan gobolada Baay iyo Gedo.

 

Taliyaha qeybta Lixdanaad ee ciidamada XDS Gen. Ibraahin Yaroow oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lagu guuleeystay oo la soo gebagebeeyay howlo dib u habeyn ah oo lagu waday ciidamada XDS oo iyagu ka tirsan taliska qeybta Lixdanaad oo ka howlgala Sadexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Gedo,

 

’Howshaasi waa lagu guuleystay maadama ay ciidamadu heleen dhaqaalihii looga baahnaa dowlada ka heleen sida saadka iyo mushaarka waana noo gebageboowday ururintii iyo isku dubaridkii ciidamada XDS’’ ayuu yiri Gen. Ibraahin Yaroow.

 

Dhinaca kale Generalka ayaa uga mahadceliyay shacabka ku nool Sadexda gobol ee Baay Bakool iyo Gedo sida hufan oo ay usoo dhaweeyeen ciidamada XDS islamarkaana ay ula shaqeeyeen, isagoo ku amaanay madaxda sare ee dalka sida wanaagsan oo ay u hirgeliyeen codsiyadii ay u direen oo la xiriiray baahida ciidanka.

 

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dib u dhis guud oo ay dowlada Federaalku ku waddo ciidamada qalabka sida oo ay ugu horeeyaan ciidamada XDS taasoo haddi ay hirgesho dalkeenu uu noqondoono meel ka caaggan argagixisada shabaab iyo alqaacidda.

 

 

President Sh Maxamuud is working hard to revive SNA Infamous Training camps are opening we are witnessing History in the making!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

they forget the , the, not only that but they used different fonts, different colors, different letter sizes, and why write welcome, just write defense ministry in somali language. i really feel like einstein around somalis sometimes :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

That's what it should have said. For those of you who didn't realise the obvious mistake, you probably would be guilty of it had you been in charge and hence fall under my category of waxmagarato :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this