Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somalia: Highlights of this Week

Recommended Posts

Shirkii New Deal oo lagu soo gebo gebeeyey Magaalada Brussels

 

16 Sep, 2013 Magaalada Brussels waxaa lagu qabtay shirweyne caalami ah kaas oo looga gol lahaa in dhaqaale loogu ururiyo Dalka Soomaaliya si looga taageero dib u dhiska Kaabayaashii dhaqaalaha, Adeegyada bulshada & Hay’adaha asaasiga ah .

 

Gebo gebadii shirka Midowga Yurub & deeq bixiyayaal caalami ahi waxay ku dhawaaqeen yabooh lacageed oo dhan $ 2.7 Bilyan (Laba Bilyan & todoba boqol oo Malayan) taas oo la siinayo Dalka Soomaaliya mudada u dhaxaysa 2014, 2015 & 2016 si gacan looga siiyo ka soo kabashada dagaaladii sukeeye .

 

Maxaa ku dhacay Khudbadii Madaxweyne Faroole ee shirka Brussels.

 

Dowlada Puntland waxaa loogu casumay shirkii Brussels si madax banana iyadoo fursad loo siiyey in Madaxweyne Faroole uu halkaas khudbad ka soo jeediyo taas oo si weyn uga caraysiisay Madaxweyne Xasan Shiikh oo isagu markii hore ku doodayey in weftiga metelaya Puntland ay ku dabo faylaan weftigiisa aysana ka hadaba hadlin masuuliyiinta Dowladiisa.

 

Markii Madaxweyne Xasan Shiikh ku guuldaraystay inuu Puntland ka horjoogsado inay ka soo qayb galaan shirka & in aysan ka soo jeedin wax khudbad ah wuxuu dadaal dheer u galay sidii loo sheeli lahaa khudbada Madaxweyne Faroole isagoo cadaadis ku saaray Midowga Yurub inaysan baahin khudbadiisa si rayul caamka Soomaalida looga dhaadhiciyo inaysan Puntland wax hadal ka soo jeedin shirkaas.

 

Nasiib Wanaag waxaa u suurta gashay xubno ka mid ah weftiga Puntland inay ku duubaan camera ay siteen khudbadii Madaxweynaha taas oo markii la baahiyey dhabar jab ku noqotay qorshihii Madaxweyne Xasan soona afjartay doodii ahayd Madaxweyne Faroole shirka khudbad kama jeedin.

 

Dowlada Federaalka oo ku xad gudubtay heshiiskii ay la gashay Juballand.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si bareer ah ugu xad gudubtay heshiiskii ay magaalada Addis ababa kula gashay Juballand 28 Aug, 2013 kadib markii Madaxweyne Xasan Shiikh shirka Brussels u kaxaystay Gudoomiyaha Gobolka Gedo talaabadaas oo ka hor imanaysa heshiiskii labada dhinac oo dhigayey in Maamulka Juballand uu masuul ka yahay Gobolada Jubada hoose, Jubada dhexe & Gedo.

 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu si weyn uga carooday xad gudubka Dowlada Federaalku ku kacday isagoo ku hanjabay hadii aysan ka waantoobin xagal daacinta ay ku hayaan maamulkiisa inuu isaga baxayo gebi ahaanba heshiiskii Addis Ababa .

 

DF oo heshiis Ciidan la gashay Dowlada Talyaaniga.

 

18 Sep, 2013 Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa la saxiixday heshiis Ciidan dhigiisa wadanka Talyaaniga Mario Mauro heshiiskaas oo dhigaya in Ciidamada Dowlada Federaalka laga taageero dhinacyada tababarka & qalabaynta isagoo ku soo beegmay heshiiska labada dhinac xili Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud booqasho ku joogo magaalada Roma.

 

Ciidamada Dowlada Federaalku ayaa si weyn loogu eedeeyaa inaysan ahayn kuwo laga soo wada xulay dhamaan Gobolada Soomaaliya balse ay yihiin kuwo ku kooban gobolo cayiman oo ka mid ah koonfurta Dalka aysana ka maqnayn caadifad qabiil .

 

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo shaqadii laga joojiyey.

 

Ciidamada Dalka Ugandha ayaa shaqadii ka joojiyey labaatan sarkaal oo uu ku jiro taliyahii ciidmada Dalkaas ee qaybta ka ah AMISOM General Michael Ondoga kuwaas oo lagu eedeeyey in saadka & shidaalka loogu talogalay Ciidamada dalkaasi ka jooga Soomaaliya ay dib uga iibin jireen suuq madoow.

 

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xili Dowlada Ugandha qorshaynayso inay u soo dirto Soomaaliya 3,000 oo askari oo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan la dagaalka kooxda Al- Shabaab.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku jooga Baydhabo.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari & Xildhibaano uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga Magaalada Baydhabo halkaas oo ay wada hadal kula leeyihiin waxgaradka & Cuqaasha Gobolada Bay & Bakool si ay u soo afjaraan khilaafka ka dhex oogan bulshada Goboladaas & Dowlada Federaalka.

 

Waxgaradka Gobolada Bay & Bakool ayaa ku mashquulsan sidii ay maamul Goboleed ugu samayn lahaayeen Goboladaas iyagoo horay u sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Dowlada Federaalka kadib markii ay ku eedeeyeen karti daro & Waxqabad la’aan baahsan.

 

Baarlamaaka Somaliland oo gacanta isula tegay.

 

18 Sep, 2013 Golaha Wakiilada Somaliland ayaa gacanta isula tegay kadib markii ay isku maan dhaafeen Xeerka horumarinta wadooyinka oo Wasaaradda Madaxtooyadu u soo gudbisay Golaha xeerkaas oo dhigaya in canshuuro xad dhaaf ah lagu soo rogo gaadiidka & xoolaha si lacagaha ka soo xerooda loogu dayac tiro wadooyinka.

 

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka soo horjeeday Xeerkan & Axmed Kijaandhe oo isagu taageersanaa xeerka ayaa mar qura feer isku boobay kadib markii ay doodii isku maan dhaafeen taas oo horseeday in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu amro in labada xildhibaanba laga saaro hoolka shirka Golaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am hearing Hassan Sheekh conceded the federalism fight. Just like we are witnessing in Baydhabo folks who thought federalism could be postponned are now having conversations.

 

It will be very interesting to watch how the folks that dominate Benadir today commence this discussion .

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Thanks for the update awoowe, that Yariisoow guy wax badan buu qasayaa afhayeenka madaxtooyada miyaa horta, maantuu Dublin yimaadey, xeey kuugu taalaa hee, wax soo dhaweyn kama uusan helin Soomaalida Ireland joogto, wuxuuna ka bixi waayey hala i tuso ama la i geeyo baarlamaanka Ireland iyo dhowr wasiir(waa siduu nin taksiile ah oo caraba u sheegay oo geeyay ama hor dhigey labadaa gopobood), hadaan sii wado sheekada dad badan baa xanaaqi halkaa ayaan ku joojin, laakin Yariisoow gabadh baa soo lugoysey sidaan maqley oo Brusels ka soo kaxeysay, sawirka gabadhaa iyo asaga Radio Muqdisho website ka eeg baan ku iri!

 

Asagoo goob aan u naqaano Birta-Dheer oo centerka Dublin isku sawiraayo ayaan arkeenay anagoo dhowr ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Asagoo goob aan u naqaano Birta-Dheer isku sawiraayo ayaan arkeenay anagoo dhowr ah.

 

I met the guy in a conference last year. I don't know how people like him end up assuming high posts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Xassan baa fiican xagga akhliyaat ka, ninkani waa iska dhirfaa for no reason

 

Xassan is a confused man: he assumed a responsibility he cannot shoulder

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Haye adiga ma waxaan ka hadleeno ayaad ka soo horjeedaa oo waxaad difaaceysaa Madaxweynaha, soo Madaxweynaheena ma ahan, weaknesskiisa lama sheegi kara miyaa, mise adeer waxba lagama sheegi karo waaye maadaama aad tihiin Puntland iyo Ruush lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

xiinfaniin;978378 wrote:
War Xassan baa fiican xagga akhliyaat ka, ninkani waa iska dhirfaa for no reason

 

Xassan is a confused man: he assumed a responsibility he cannot shoulder

Oh yeah, do tell us which of your uncles would do a better job? Typical mentality:eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

nuune;978393 wrote:
Haye adiga ma waxaan ka hadleeno ayaad ka soo horjeedaa oo waxaad difaaceysaa Madaxweynaha, soo Madaxweynaheena ma ahan, weaknesskiisa lama sheegi kara miyaa, mise adeer waxba lagama sheegi karo waaye maadaama aad tihiin Puntland iyo Ruush lol

What Xiin is spouting here is not about weakness of the president or politics. It is just a naked tribalism.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
Tallaabo, muxuu dhahey Xiin that I missed, ii sheeg nooh, waa i ogtahey ani waxyaalaha qarsoon saas uma sii eego camal oo kuma ihi waaya arag farta shiilan, waayeel far waaweyn aa wax loogu qoraa ma maqli jirinoo, inaar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

nuune;978401 wrote:
Tallaabo
, muxuu dhahey
Xiin
that I missed, ii sheeg nooh, waa i ogtahey ani waxyaalaha qarsoon saas uma sii eego camal oo kuma ihi waaya arag farta shiilan, waayeel far waaweyn aa wax loogu qoraa ma maqli jirinoo, inaar

Do you think if Xasan is one of his uncles he would belittle him like that? Even when his uncle is massacring other clans with foreign troops?:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

So waxaa leedahey Xiin wouldn't have called President Abdullahi Yusuf(AUN) confused because they happen to be from the same clan, can we say both presidents had/have foreign troops, actually Abdullahi Yusf happen to have the Ethiopians ONLY, but President Hassan had a record foreign countries, with Uganda, Burundi, Kenya, Siyeeralyone, Djibouti, Nigeria, and South Sudan coming iyo East Timor.

 

I am sure Xiin can talk for himself about your accusation, but I am talking in general, foreign troops ayuu watey Yeey plus Geedi, so as kuwa hada jooga, maxee is dhaamaan, waa dameer iyo afartiisa kub, forieng troops ka fadli badan ma jiro another foreign troops, all are have one thing in common, their interest and total carelessness for anything Somali!

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune sabaaxul kheyr camii,

 

Tallaabo is a man of conviction ; he believes xiinfaniin is evil :D

 

laakiin, Xassan Sheekh's mistakes are glaringly public . That does not mean the man is hopeless or cannot change his ways. Indeed he has enough time to right the ship and change direction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this