Sign in to follow this  
malistar2012

Kulan ballaaran oo maanta Muqdisho ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed (Sawirro)

Recommended Posts

Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo shaaciyay in Tallaabo adag laga qaadi doono Dadka Tuutaha Ciidanka sida qaldan u isticmaala xilli maanta uu tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan XDS

 

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta Xarunta Rasmiga ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya tababar ciidan ugu soo gebagebeeyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka kuwaasoo muddo 4-Todobaad ah lagu tababarayay gudaha Caasimadda horayna tababar ugu soo qaatay gudaha iyo dibadda dalka.

 

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa qeyb ka ah Ciidamada loo diyaarinayo inay Mas'uuliyadda ammaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM oo haatan gacanta ku haya Xarumo ay ka mid tahay Xarunta Wasaaradda Difaaca.

 

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Gen. C/Risaaq Khaliif Cilmi oo maanta soo xiray Tababarka ayaa ku ammaanay Ciidamada Dadaalka ay muujiyeen Waxa uuna uga mahadceliyay Hay'adda Bankrufty dedaalka ay ku bixisay tababarka Ciidamadan oo sugi doona ammaanka xarunta Wasaaradda Difaaca ee Magaalada Muqdisho.

 

Abaanduulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta ee ku xadgudubta dareeska Ciidamada Xoogga dalka ama si qaldan u adeegsata,isagoo farta ku fiiqay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono islamarkaana loo diyaariyay ciidamo Police-Militario ah oo ka hortagi doona arrintaasi.

 

Gen. C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeyay ay Hogaammada kala duwan ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga usoo guureen kuna shaqeyn doonaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dib u dhis lagu sameeyay.

 

Sidoo kale Abaanduuluhu waxa uu tababar u furay hurin kale oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo muddo todobaadyo ah socon doona waxa uuna ugu baaqay ciidamada inay si wanaagsan uga faaiideystaan.

 

Arrintaan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Go'aankii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddanaa in dib u dhis iyo qalabeyn dhameystiran lagu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo soo afjaro Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Alshabab.

 

 

 

 

milatarka_1.jpg

 

 

milatarka_2.jpg

 

 

milatarka_3.jpg

 

well done by the Generals they are doing excellent job , they have trained thousands of troops inside Somalia and also opened up some the famous Military Camps for the first time in 23 years .

 

milatarka_5.jpg

 

 

Arrintaan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Go'aankii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddanaa in dib u dhis iyo qalabeyn dhameystiran lagu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo soo afjaro Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Alshabab.

 

milatarka_6.jpg

 

These Troops received training inside and outside the country

 

milatarka_7.jpg

 

 

milatarka_8.jpg

 

SFG are working on Building strong Military and security force

 

 

milatarka_8.jpg

 

milatarka_9.jpg

 

 

milatarka_10.jpg

 

Gen. C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeyay ay Hogaammada kala duwan ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga usoo guureen kuna shaqeyn doonaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dib u dhis lagu sameeyay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;978235 wrote:
waraa malistar are you aware of your thread title has nothing to with the content.

 

I know copy and past mistake :mad: oh well they are Odayaasha after all lol ....

 

More good news end of alshaabaab is close

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii saakay ay weerar labo jiho ah ku qaadeen.

 

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaad ayaa ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Xoogaga Shabaab ee degmada ku sugnaa ku dhex maraya, meel dibada ka ah degmada.

 

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen iska hor imaadka, waxaana Maamulka degmada Mahadaay uu sheegay inay la wareegeen degmada.

 

Ciidamada dowladda ayaa tan iyo shalay u diyaar garoobayay inay qabsadaan degmada Mahadaay, waxaana saakay ay ka galeen dhinaca Buundada Sabuun, halka Ciidamada AMISOM ay ka galeen dhanka deegaanka Buurane.

 

Degmada Mahadaay ayaa magaalada Jowhar waxay u jirtaa 23-KM, iyadoo horay ciidamada dowladda inta tageen ay dib u soo laabteen.

 

Waa degmadii 3aad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka tirsan ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

The SFG should open up the Road linking Jowhare to Hiiraan and liberate Buundooyinka Mahadaay ilaa Jalaqsi Bulaburde should be next on the agenda ...........

 

 

Good job by the Army soon they will be getting equipment they need to liberate and secure the country ................... we should Have stable South Somalia free of alshbaabab and Nabadiids before the year ends .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this