Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bannaanbax without a cause

Recommended Posts

Ku simaha Madaxweynaha iyo Wafdi sare uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhaba

 

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

 

Wafdigan oo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo sagootiyeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno iyo taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Nabad Sugidda waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey Odayaasha dhaqanka,waxgarad,siyaasiyiin,dhalinyaro,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Baay.

 

Soo dhaweyntaasi kadib Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu kulan kooban si wadajir ah ula qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku abtirsada gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya,malaaqyada,waxgaradka iyo nabaddoonnada gobolladan ayadoo ugu horeyn xubno u hadlay waxgaradka oo kulanka ka hadlay ay uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga ballaaran ee la socda sida ay ugasoo jawaabeen u yeeristooda.

 

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha oo kulanka khudbad kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baydhaba sida qiimaha leh ee ay wafdigiisa usoo dhaweeyeen waxaana uu sidoo kale usoo gudbiyey odayaasha dhaqanka salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in markii uu u sheegay safarkiisa Baydhabo uu isna Ballan qaaday inuu imaan doono kolka ay odayaasha dhaqanku u yeeraan.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay fursad muhiim ah in dhammaan xubnihii gobolladan uga jiray Dowladda oo isku duuban islamarkaana far kaliya ah ay maanta soo hor fariistaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay waxaana uu dhanka kale ka hadlay arrimaha gobolladan oo uu xusay in Odayaasha Dhaqanku ay yihiin kuwa iska leh go’aanka ugu dambeeya,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay iney lagama maarmaan tahay talaab walba oo la qaadayo iney noqoto mid aanay ka hor imaan dastuurka KMGka ah ee Dalka islamarkaana aanay wax u dhimeyn jiritaanka dowladnimada.

 

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalinnimada berri ah uu dhici doono kulan aad u ballaaran kaasi oo ay u wada dhammaan doonaan dhinacyada kulankii maanta ka qeybgalay waxaana wafdiga uu hogaaminayo ku simaha Madaxweynaha ka mid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo 50 Xildhibaan.

 

5aki35.jpg

 

2u8wcqp.jpg

 

29m38d1.jpg

Xigasho: Raadiyo Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Haatu;978036 wrote:
Bay isn't a Federal state yet, it is only a region. I believe only the states and pseudo-states were invited. They should
hurry up
and make a state for Bay, Bakool and Sh/Hoose if they want to be represented. Besides, this is all academic. Culusow was there to represent all Somalis.

 

Why hurry? Wuxu ma maamul boob mise waa mamul gobol. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu;978036 wrote:
Bay isn't a Federal state yet, it is only a region. I believe only the states and pseudo-states were invited. They should hurry up and make a state for Bay, Bakool and
Sh/Hoose
if they want to be represented. Besides, this is all academic. Culusow was there to represent all Somalis.

aint gonna happen :o

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;978080 wrote:
I am confused. Are the "Malaaqyada" claiming Kismaayo or at they just mad about the Shabelaha Hoose issue?

indhaha lagaa soo rid, abti. :cool:

 

i'm joking, ma garatay?

 

what is malaaqyada? it sounds disgusting. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Jawaari oo sheegay in malaaqyada Bay & bakool aysan jirin kalsooni ay kala laaban karaan dowlada Somalia

 

 

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen wafdi uu horkacayo gudoomiyaha baarlamanka oo maalintii 2aad halkaas ku sugan iyo waxgaradka gobolada Bay iyo Bakool.

 

Gudoomiye Jawaari oo kulankaas ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay kala hadleen waxgaradkii iyo qaybihii bulshada ee ay la klumeen, sidii maamul loo dhan yahay ay u soo dooran lahaayeen dadka ku nool gobolladan iyo sidii federaalka loo hirgelin lahaa.

 

“Arrimo badan ayaan ka wada hadalnay waxyaabo badan oo aan ku qaldanayna waa naga saxeen, inaguna waxyaabo badan oo ay ku qaldan yihiin ayaanu ka saxnay waana isku afgaranay, kulammada waa sii socdaan weli” ayuu yiri Prof. Jawaari.

 

 

Mar wax laga weydiiyey iney malaaqyada Bay iyo Bakool kala hadleen go’aan ay dhowaan ku sheegeen iney kalsoonidii kala laabteen dowlada Somalia ayaa Mr. Jawaari waxaa uu sheegay ineysan jirin cid dowlada kalsooni kala laabatay.

 

"Dowlada Somalia Baarlamaanka ayaa kalsoonida siiyay mana jirto cid kalsooni siin karta ama kala laaban karta marka laga reebo baarlamaanka, wax arrintaas ku saabsan oo aan kawada hadalnay xubnihii aan kulanka la yeellanay ma jiraan,” ayuu Prof. Jawaari.

 

Waxgaradka gobolada Bay iyo Bakool ayaa dhowaan magaalada Baydhabo ka sheegay iney kalsoonida kala laabteen dowlada Somalia iyagoo ka careysan heshiiskii dowlada iyo maamulka Kismaayo ku dhexmaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Waawaray. A lot of people seem to vent on about things they have no clue about. If anyone can claim dhulkaas maanta ay dad aysan lahayn muran gelinayaan, only the ones who conquered it from the Wardei can claim it. This doesn't mean only one clan lives there, no.

 

Alpha, you claim to be Reer Berbera yet you don't know your poets. Inaar isku xishow.

 

Carafaat, well haddii kale they will complain till eternity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;978080 wrote:
I am confused. Are the "Malaaqyada" claiming Kismaayo or at they just mad about the Shabelaha Hoose issue?

Adigoo Dhagaxbuur iyo meelahaas kasoo luggeeye and yet still unbelievably claiming Kismaayo maamulkeeda yaa u diiday malaaqa ka yimid Saakoow oo few kilometres u jirto Kismaayo. No body is claiming anything here. Ansixinta ay dowladda la anshixisay ninka Kismaayo ka taliyo ayee kasoo horjeedaan. Yacni dadka deegaankaas degan xaq u leh inay ismaamulaan, tuulo walba ilaa degmo walbo, not mid Kiinyaati horkaceyso aan meeshana shuqul ku lahayn.

 

Shabeellaha Hoosana muran kama taagno. Nin deegaanka u dhashay ayaa guddoomiye u ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
MMA, thanks for the update, maba ogeyn in shirka ay ku jireen, but that is good, Malaaqyada are right to protest against heshiiska ay Raaskambooni iyo President Hassan wada gaareen, waayo halkaa waxaa ka baxey qowmiyada dhan ay ugu horreeyaan reer Gedo folks even though ay reer Arlaadi aad xaquuqdooda loogu sii tuntey waayo hadee meesha maamul ka jiro reer gedo dad ayaaba u joogo la dhihi karaa walawba ay yihiin calooshood u shaqeystayaal balse reer Arlaadi hal qof xitaa maamul ku sheega ugama jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Alpha Blondy;978044 wrote:
abti,

 

Haatu,

 

who is this 'Cali Dhuux'?

And here I thougt u were a 'cultural critic' and a connoisseur of the arts. Smh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Viva malaaqyada!!! Waan taageersanahay. Rah@nwayn will no longer play second fiddle to the geel-jirayaal or tolerate being sidelined in the new political dispensation of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this