Sign in to follow this  
Siciid1986

President Silanyo Opens a new military academy

Recommended Posts

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta furay Kulliyadda tababarka ciidamadda qalabka sida ee dalka oo laga furay dugsigii hore ee Milatariga ee Magaaladda Darar-weyne oo 30 Km waqooyi barri kaga beegan caasimadda Hargeysa.

 

Kulliyadda ciidamadda qalabka sida ee dugsiga Darar-weyne laga furay ayaa laga hirgeliyay dhismeyaal kala duwan oo loogu tallo galay saraakiisha ciidammadda ee lagu tababari doono, iyadoo maantaba ay galeen dufcadii u horreysay ee saraakiisha ciidammadda kala duwan ee dalka.

 

Xafladii loo sameeyay furitaanka Kulliyadda ciidammadda waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Taliyeyaasha ciidammadda dalka noocyadooda kala duwan, Xildhibaano iyo masuul tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in furitaanka akaadamigani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee lagu tayaynayo ciidammadda.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ka sheekeeyay in ay sanadkii ugu horeeyayba ciidamadda iyo shaqaalaha dawladda mushaharkii laban-laabeen, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsan nahay saraakiisha ciidammadda kala duwan ee ay ka muuqato haybaddii ciidanimo iyo hanaankii Derajooyinka ee hoggaaminta iyo kala dambaynta ciidanka, Ciidammaddu waxay ka mid yihiin astaanta qaranimadda oo la’aantood aanay dawladnimo jiri Karin. Annaga oo ka duullayna mudnaanta ciidanku u leeyahay qaranka, waxa xukuumaddani kor u qaaday mushaharkii sanadkii noogu horeeyay oo aanu kordhinay 100%, iyadoo ay noo taalay qabyo aad u badan , dhaqaalaha dalkuna aad u hooseeyo, dayn aad u badan-na nalagu lahaa, qasnadaha dawladuna ay madhnaayeen.”

 

“Waxaad ogtihiin qalabka iyo saanadda aanu ciidanka ku soo kordhinay oo gaadhaya 121 Gaadhi, waxaanu u hawl-galay sugida tirada ciidanka dhabta ah ee ciidanka qarankani haysto, iyadoo aanu ka saarnay liiska in ka badan sadex kun oo caagle ahaa, taasi oo aanu halkoodii ku bedalay ciidan cusub oo la hawl-geliyay. Waxaanay ahayd hawl culus oo aanu ku ammaanayno saraakiishii ciidammadda ee ka shaqeeyay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in derajadii ciidanku ay ahayd himiladii qaranka. “Derajada ciidanku waxay ka mid ahayd himiladii qaranka, waxaanay ahayd hiigsigii xisbigayagii aanu balan-qaadnay xiligii aanu ololaha doorashada ku jirnay, waxaan ku faraxsan nahay in riyadaasi maanta rumowday oo aanu kumanaan ka mid ah ciidammada dalku ay maanta ku labisan yihiin derajadii,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

 

000019.jpg

 

222.jpg

 

zzzz1.jpg

 

cccc7.jpg

 

cc.jpg

42.jpg

 

IMG_0822.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this