Sign in to follow this  
RoccaLittorio

Abu Mansuur Al-Amreeki leaves Alshabaab and wider Al-Qaeda, Fears for life.

Recommended Posts

Talaado, September 03, 2013(HOL) :- Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriki ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaanba isaga baxay uruweynaha Al-qaacida iyo Al-shabaab oo uu hore uga tirsanaa.

 

Masuulkan oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya uusan ka mid ahayn Al-shabaab iyo Al-qaacida, wuxuuna intaa ku daray in uu naftiisa uu kala baqayo hogaamiyaha xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Abu zubeyr.

 

 

Cumar Hammami ayaa sheegay in uu imika ku suganyahay oo uu ku dhuumaaleeysanayo dhul keyn ah oo ku yaal gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna intaa ku daray in Xarakada Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay laba xaas oo uu lahaa, isagoona sidoo kale sheegay in la dilay nin hoy siiyay xaasaskiisa.

 

Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriki ayaa marar badan oo hore waxa uu baraha internetka soo dhigay muuqaallo uu uga cabanayay in nafsadiisa ay Qatar ku jirto islamarkaana masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay qorsheynayaan in ay dilaan.

 

Ninkan kasoo jeeda dalka Mareeykanka ayaa waxa uu soo gaaray Soomaaliya sanadii 2006, waxa uuna xubin sare kasoo noqday xarakada Al-shabaab isagoo ka qeybqaatay dagaallo badan oo ay Al-shabaab gudaha Soomaaliya kula gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, walow markii danbe uu khilaaf soo kala dhexgalay rag uu isagu ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-shabaab.

 

Dowladda Mareeykanka ayaa hore ugu yaboohday lacag gaareeysa shan Milyan in ay siin doonto cidii soo sheegta war ama xog suurogelineeysa in gacanta lagu dhigo rag uu kamid yahay Cumar Hammami.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this