Sign in to follow this  
Siciid1986

Somaliland: Budget Upto US$200 Million

Recommended Posts

cabdicasiis-samaale-300x224.jpg

The Somaliland Finance ministry has submitted to the cabinet the 2014 budget of US$200 Million. This amount is the highest ever budget for Somaliland.

September 2nd, 2013 Comments Off

“Waxay Ciidammadeenu Mushaharka ku qaadan doonaan Derajooyinkoodda Min Dable illaa Janan”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa shaaca ka qaaday in sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka mushaharka mar kale loo kordhin doono Shaqaalaha dawladda oo dhan.

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu tilmaamay in odoroska Miisaaniyadda xukuumadda dhexe ee sanadka 2014-ka la gaadh siin doono 150 malyan oo Dollar.

Wasiir Sammaalle waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay hor-tagay Barnaamijka la yidhaahdo “MAQAL DADKAAGA” ee ka baxa TV-ga Qaranka, halkaasi oo dadweyuhu ay Wasiirrada ku weydiiyaan su’aalo la xidhiidha shaqadooda. Wasiirka maaliyaddu ugu horayn waxa uu tafaasiil ka bixiyay horusocodka ay xukuumadda Axmed Siilaanyo ka samaysay kor u qaadista dakhliga dalka sadexdii sanadood ee ay xilka hoggaaminta haysay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sadexdii sanadood ee xukuumaddan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay ay xilka haysay, sanad walba miisaaniyadda iyo dakhliga dalku wuu kordhayay. 2010-kii xiligii ay xukuumaddani xilka la wareegtay miisaaniyadda dhan ee qaranku waxay ahayd 47 milyan oo Dollar. 2011-kii illaa 87 milyan oo Dollar ayaa la gaadhsiiyay, sanadkii ka dambeeyay ee 2012-kiina waxay miisaaniyadda qaranku gaadhay 106 milyan oo Dollar.

Halka sannadkan aynu ku jirno ee 2013-ka aanu Miisaaniyadda iyo dakhliga dalka gaadhsiinay 125 Milyan oo Dollar. Waxa kale oo aanu rajaynaynaa sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka inaanu gaadhsiino kordhiisamadda sanadkan mid leeg inaanu kordhino oo kor u qaadno dakhliga dalka. Waxaanan rajaynaynaa inaanu ku dhaweyno ILLAA 150 Milyan oo Dollar haddii ILAAHAY qadarro.”

Wasiirku isagoo isla miisaaniyadda sharaxaad ka sii bixinayay waxa uu yidhi “Miisaaniyadda dawladda, marka laga tago miisaaniyadda xukuumadda dhexe oo ay soo hoos galayaan miisaaniyadaha Haa’yado kale oo dawli ahi waxay sanadkan ahayd 187 milayn oo dollar, waxaanu rajaynaynaa sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka inaanu gaadhsiino miisaaniyadda illaa 200 oo milyan oo Dollar.

Waxyaabahaasi oo dhammi waa waxyaabo aan odhan karo ILAAHAY-baa inoo fududeeyay, awoodaasna ILAAHAY baa iska leh waanan uga mahad-naqaynaa. Waxaanay arrintani ku timid dedaal ay samayeen shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee la shaqeeyaa ay sameeyeen.” Wasiirka Maaliyaddu waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha iyo Ganacsatadda cashuur bixiyeyaasha ah oo uu tilmaamay inaanay la’aantood waxba u suurto galeen.

“Waxa iyaguna aan halkan uga mahad-naqayaa oo in loo mahad-naqo mudan dadweynaha Somaliland ee cashuur bixiyeyaasha ah, waxaanan qabaa iyaga la’aantood inaanu dakhligeenu halkaasi gaadheen, waxaan u mahad naqaynaa qeybaha kala duwan ee dadweynaha sida Tijaarta waaweyn iyo kuwa yar-yar-ba. Waxaan xataa u mahad-naqaynaa dadka shaqooyinka aadka u yar yar ka shaqeeya. Sida xil-kasnimadda ah ee cashuurta loo bixiyo ayaa sabab u ah in dakhligeenu halkaas gaadho.”

Md. C/Casiis Samaalle waxa uu sheegay miisaaniyadda dalka inteeda badan waxa lagu *****laa ilaalinta nabad-gelyadda iyo ammaanka dalka. Waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyadda sanad walba lagu darro mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin waddooyinka, kalluumaysiga iyo horumarinta adeegyadda bulshadda. “Waxaanan hilmaamayn runtii darajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka in miisaaniyad sanadeedka 2013-ka ee hadda aynu ku jirno inaanu gelinay oo aanu ku sii tallo galnay in dhammaadka sanadkan ciidammadeenu ay derajo ku qaataan mushaharka. Waxaanan ugu tallo-galnay in min dable illaa Janan ay derajooyinkooda ku siino mushaharka. Waxaanan uga bilaabaynaa gunaddii derajooyinka bishan September ee hadda bilowga ah afarta bilood ee sanadkan ka hadhay way ku sii jirtay gunnadda derajooyinku miisaaniyadda.

Sanadka 2014-kana haddii ALLE yidhaahdo Miisaaniyad balaadhan ayaa galaysa odoroska Miisaaniyadda oo derajooyinka ciidanka la xidhiidha. Waana markii koowaad ee ciidankeenu ay derajooyin yeeshaan, waxaanay arrintani horseedaysaa qurux iyo haybad qaran,”ayuu yidhi Wasiir C/Casiis Samaalle.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasaaradda Gaashaan-dhiga ku bogaadiyay hirgelinta derajooyinka ciidammadda dalka oo uu tilmaamay inay tahay tallaabo weyn oo horumarka dalka turjumaysa. “Wasaaradda Maaliyad ahaanna waanu ku faanaynaa inaanu miisaaniyadda gelinay oo ku sii xisaabtanay gunooyinka derajooyinka ciidanka, lacagta ugu yar ee askariga dablaha ah u kordhaysaa waa 6 dollar, inta kalena derajo kasta waxa ku kordhaysa lacag, jananka waxa u kordhaysa saddex illaa afar Boqol oo Dollar,”ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Samaalle waxa uu tilmaamay in wax lagu faano ay tahay in miisaaniyadda lagu daray dhismeyaal badan oo Wasaaradaha dalka xukuumaddu u dhistay. “Waxaanu ku tallo jirnaa Haddii ALLE yidhaahdo in odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka ee fooda inagu soo haya inaan ku darno mushahar kordhin loo samaynayo shaqaalaha dawladda iyo ciidammadda oo dhan. Iyadoo sanadkii 2011-kiina shaqaalaha dawladda iyo ciidammaddaba mushaharka loo kordhiyay.”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Share this post

Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Great news.

Now, every tax-payer should demand to know, how every penny of these $200 Millions will be spent.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

That's nonsense. There is nothing that looks 200 million about somaliland budget. Look at theyre soldiers they rag-tags with equipment from nearly a century ago

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;975906 wrote:
That's nonsense. There is nothing that looks 200 million about somaliland budget. Look at theyre soldiers they rag-tags with equipment from nearly a century ago

abti,

ONLY $200mn? that's disappointing walahi. only an increase of $26mn and a meagre 13%.

if the budget was consistent with the astonishing economic growth in the private sector then it should've grown by 200% or something.

Samaale is incompetent. he's useless and ought to be fired immediately. NOTHING impressive about $200mn. Taiwan has a lot more.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Alphy if somaliland has a budget of 20 million I would be suprised. They're port isn't exactly a bread winner and at best one ship is there at all times. Bosaso port is way more active and generates way more revenue. U can tell just by the pictures. Berbera one ship. Bosaso 100s. There is no 200 million its 20 million at best. No external source verifies this budget except somaliland shenanigans. Besides if they're is 200 million budget hadee way ina muqata niyahow layskama sheeg sheegto figures wa inay macqul ahadan halkee bay ka soo gasha? meesha ugu muhimsan waa dekada iyo berbera siday uu eek tahay adeer macaane waanu wada og nahay...200 million iguma aqrinaysid

Share this post

Link to post
Share on other sites

^

i don't pay tax. so add lack of tax revenues to your list, abti. :D

i'm sick and tired of SL's failures being dressed up as successes thanks to Big Silaanyo's spin doctors and propaganda machine. inaar, meesha waxba lagu ma hayo, ma garatay? this Govt has failed miserably. this idea of we deserve runs deep through the psyche of SL. i'm sorry to say but SL doesn't deserve anything, including recognition. it's not working hard enough. it's happy to fail. it's content with the way things are.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Yo Alphy. Puntland's whole GDP is around the 1.7 billion mark how is it possible somaliland has a govt budget of 200 million? We need facts and figures supported and funded by international bodies like UNDP to verify and support these outrageous claims. Ma carur bay na moodeen mise dadka hargaysa jaadka ku suxan?

Puntland's whole GDP(economy not just budget) is around $1.7 billion in 2010. Probably an extra $68 million if we maintained a steady growth of 1.35% over 3 years, now this is based on a population of 3.9 million. A Puntland citizen GDP Per capita is around $1700 in 2010. The purchasing power of a citizen is also seen because a cup of tea in Puntlands costs 3000 shillings and 1 dollar is exchanged for 30000 shillings. You can see how far a dollar can go in the economy there especially for the locals.

Basically is Siciid trying to tell me Somaliland who has one ship at best at berbera and no economic activity that can come even close to Bosaso has a bigger budget? This is considering the port is the biggest bread winner of all states. What's next Camels will be flying in the doomed rebel enclave. Give me a break and take that nonsense to Garoodi and Xajigu not to a Puntlander.

http://www.researchgate.net/publication/235009352_Ministry_of_Planning_and_International_Cooperation/file/9fcfd51061b61f2724.pdf

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Alphy, there is no point exploring a budget untill we determine what the GDP is of Somaliland which is quite hidden for obvious reasons

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;975910 wrote:
Yo Alphy. Puntland's whole GDP is around the 1.7 billion mark how is it possible somaliland has a govt budget of 200 million? We need facts and figures supported and funded by international bodies like UNDP to verify and support these outrageous claims. Ma carur bay na moodeen mise dadka hargaysa jaadka ku suxan?

Puntland's whole GDP(economy not just budget) is around $1.7 billion in 2010. Probably an extra $68 million if we maintained a steady growth of 1.35% over 3 years, now this is based on a population of 3.9 million. A Puntland citizen GDP Per capita is around $1700 in 2010. The purchasing power of a citizen is also seen because a cup of tea in Puntlands costs 3000 shillings and 1 dollar is exchanged for 30000 shillings. You can see how far a dollar can go in the economy there especially for the locals.

Basically is Siciid trying to tell me Somaliland who has one ship at best at berbera and no economic activity that can come even close to Bosaso has a bigger budget? This is considering the port is the biggest bread winner of all states. What's next Camels will be flying in the doomed rebel enclave. Give me a break and take that nonsense to Garoodi and Xajigu not to a Puntlander.

abti,

you must like the sound of your own voice, ma istidhi?

Puntland is a joke and you don't need me to tell you that.

GAROODI   

Mad_Mullah;975931 wrote:
Don't get it twisted, Puntland/Somaliland/Jubbaland/Somalia are all jokes. Nobody other than people on this forum take them serious.

But puntland is the biggest joke... Hahah 1.7 billion what's your phd in?? St@pidity studies ..??? Hahaha

Alpha.. Understand that in Africa taxation is variable. SOMALILAND from what I understand doesn't have income tax for the masses which is the bulk of nations bread and butter. They tax many things and I agree with you that it should surpass 200 million. However the reality is year on year growth. Some money will be lost because wa Africa and wages are low but continued growth in taxation and wealth generation and circulation of wealth within the country is the way forward. We need to stop exporting hard currency for things that we can produce at home and that will take time.

Share this post

Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Haatu;975953 wrote:
What the hell is dable and janan? Anyone?

Dable=Private. The lowest (group) rank in the Military

Janan=General. The highest (group) rank in the Military

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this