Sign in to follow this  
malistar2012

Dhagayso DFS oo iclaamisay in bari magaalada Muqdisho kafurmi doono shirweyne qaran

Recommended Posts

Dhagayso DFS oo iclaamisay in bari magaalada Muqdisho kafurmi doono shirweyne qaran

 

Banaanbax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu ayidayay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen DFS iyo maamulka Jubaland ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibada Cabdikariin Xuseen Guuleed, gudoomiye Tarsan iyo masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa banaanbaxa ka iclaamiyay in maalinta bari ah magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirweyne qaran oo lagu dhameystiri doono heshiiskii Addis Ababa loogana hadli doono arimaha federaalisimka,dib uheshiisiinta,amniga iyo tirakoob lagu sameeyo shacabka soomaaliyeed.

 

‘‘Waxaa bari magaalada Muqdisho ka furmaya doona shirweyne qaran oo looga hadlayo dhamaan ajandayaasha siyaasadeed ee umada soomaaliyeed iyo qaranka soomaaliyeed uyaala ee mustaqbalkooda ku dhisayaan,’’ ayuu yidhi Cabdikariin.

 

Hadalka wasiirka oo dhameystiran hoos ka dhagayso.Codkan waxaan ka qabanay idaacada kulmiye ee magaalada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergada ka qeyb galeysa Shirka Wadatashiga Mustaqbalka Siyaasadda Dalka oo Muqdisho ku Soo Qul Qulaya

Published on September 1, 2013 by Mustaf · No Comments · 377 views

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qul-qulaya wafuuda ka qeyb galeysa shirka Wadatashiga Mustaqbalka Siyaasadda dalka oo ay dowladda Soomaaliya ku baaqday, kaasi oo lagu wado in maalinta barita ah uu ka furmo magaalad Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira mashquul fara badan iyadoo ay ka soo dagayaan ergada ka qeyb galeysa shir weynaha looga wadatashanayo Mustaqbalka siyaasadda ee la doonayo in dalka laga hirgaliyo.

 

Mar aan maanta booqanay garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa waxa halkaasi ka jiray mashquul aad u badan, iyadoo garoonka lagu arkayay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka ka maqnaa mudadii bur-burka uu jiray dalka, kuwaa oo koox koox uga soo dagayay diyaaradaha rakaabka ah ee ka shaqeeya dalka kuwaa oo doonaya inay ka qeyb galaan shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho maalinnimada berito ah.

 

Qaarka mid ah muwadiniintaasi dalka mudada ka maqnaa islamarkaana doonaya iney ka qeyb galaan shirweynaha Qaran ayaa waxa ay dareenkooda ku aaddan ku soo laabashada dalkooda iyo aragtida shirka ugu waramay warbaahin Qaranka Soomaaliyeed iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dalka ay ku soo laabtaan oo ay ka qeyb galaan shir looga hadlayo aayaha dalka.

Malinta barito ah oo ay Taariikhdu ku beegantahey 2 sebtenber ayaa lagu wada in magalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan maamulada dalka ka jira iyo qeybaha bulshada Soomaalida waxaana uu socon doonaa muddo 5 maalmood kaa oo la filayo in wax wanaagsan uu uga soo baxo dadka iyo dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirweyne qaran that's only confined to Xamar.....great.

Somali Intellectual from across the world will be attending , also Puntland - Bay and Bakol - gobolada dhexe- jubba-Khatuum- all will have delegates attending .

 

 

Support your government ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;975788 wrote:
Shirweyne qaran that's only confined to Xamar.....great.

Look at this have u forgotten neighbouring countries use to host these shirweyne's before.atleast its progress now since its gonna be held in the nations capital.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sidey doonaan ha u fakiraan adiguba sidaad doonto ayaad u fakirtaa camal, laakin name callingka ma fiicno maadaama dad waaweyn la yahey, real life or cyber life, remember, what you say here reflects on your personality in real life!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

Cambuulo iyo bun;975809 wrote:
Look at this have u forgotten neighbouring countries use to host these shirweyne's before.atleast its progress now since its gonna be held in the nations capital.

Mashallah, indeed it is a welcome development if a conference of this magnitude can be held in our nation's capital. No more addis and nairobi shyt! A step forward. Hassan is certainly looking more presidential by the day, since that Jubba conference is concluded. Imagine what he could have accomplished if the Jubba deal was sealed a ayear ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Shir-weynaha Qaranka ee Geeddi Socodka Siyaasadda Dalka (SAWIRRO)

 

Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furay Muqdisho shirweynaha Qaran ee geeddi socodka siyaasada dalka iyo higsiga sanadka 2016-ka, waxaana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa.

 

Furitaanka shirweynaha oo socon doona muddo illaa lixda bishan September ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, wasiirro, ergooyinka isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Qaran ayaa u mahad-celiyay ergooyinka Soomaaliyeed ee meelaha fog-fog uga yimid ka qayb-galka shir-weynaha Qaran ee looga hadlayo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

 

“Waxaan rajeynaynaa in sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu soo maray marxalado kala duwan, meesha maanta la joogana ay tahay mid laga sii socon karo, lagana soo gudbay marxaladii adkaa oo uu dalka soo maray.

 

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay horay shirar kala duwan ugu soo qabatay magaalada Muqdisho , kuwaasoo ay ka mid yihiin shirki garsoorka iyo dib u habeynta waxbarashada, shirar kalana ay qaban doonto. Isagoo xusay in shir-weynahan uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka.

 

 

 

 

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in talooyin ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay dib u soo kaban karto, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyno sidii uu dalka horey ugu sii socon lahaa oo aanan dib loo eegin waxyaabihii la soo maray.

 

Isagoo ka hadlay arrimaha federaalka ayuu sheegay in la doonayo in la isku af-garto sida dalka federaal looga dhigi lahaa - si loo dhaqan-galiyo, maadaama horey loogu heshiiyay, wuxuuna ku baaqay in aanan lagu kala qaybsamin arrimaha federaalka.

 

Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in dowladda ay go’aan tahay in marka ay u dhammaato afarta sano ee ay shaqeynayso aysan dalban muddo kordhin kale iyo inaan odoyaasha Soomaaliyeed mar kale laga dhibin inay soo xulaan baarlamaan uu dalku yeesho, balse ay dalka ka dhici doonto doorasho marka la gaaro 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in ergada ka qayb-galeysa shir-weynaha Qaran ee geedi socodka siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016-da ay sameeyaan aasaas wax laga billaabi karo iyo inay soo saraan natiijooyin wax ku ool ah.

 

Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur oo isna ka hadlay ayaa ergada kusoo dhaweeyay Muqdisho isagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u hanashada qaranimada Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya ugu hambalyeeyay fikirka ay keeneen oo ah sidii siyaasadda dalka lagu hagaajin lahaaa.

 

 

 

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka aysan danayn jirin Somalia, laakiin labadii sano ee la soo dhaafay ay u soo jeesatay, taasna ay marqaati u yihiin shirarkii lagu qabtay dalalka Turkiga, Ingiriiska, Mareykanka iyo Japan.

Qurbo-joogta Soomaalida ayuu ugu baaqay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hadda ku taagan tahay jidkii horumar ay ku sameyn lahayd ayna dib ugu dhismi lahayd.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in UNSOM ay dhawaan xafiisyo ka furan doonto qaar ka mid ah gobollada dalka. Isagoo intaasku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin waddaniyiin loogana baahan yaha inay dalkooda dib u dhisaan si uu uga baxo dhibaatadii uu ku soo jiray muddada dheer.

 

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u mahad-celisay ergada shirkan kasoo qayb-gashay. Iyadoo hadalkeeda ku dartay in ujeedada shir-weynaha Qaran ay tahay dhameystirka habka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in loo baahan yahay in si wanaagsan dastuurka looga baaraan dago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirweynaha_Qaranka_Somalia_1.jpg

 

 

“Waxaan rajeynaynaa in sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa.

 

Shirweynaha_Qaranka_Somalia_5.jpg

 

 

Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur oo isna ka hadlay ayaa ergada kusoo dhaweeyay Muqdisho isagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan dib u hanashada qaranimada Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha iyo xukuumadda Soomaaliya ugu hambalyeeyay fikirka ay keeneen oo ah sidii siyaasadda dalka lagu hagaajin lahaaa.

 

Shirweynaha_Qaranka_Somalia_3.jpg

 

 

Qurbo-joogta Soomaalida ayuu ugu baaqay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hadda ku taagan tahay jidkii horumar ay ku sameyn lahayd ayna dib ugu dhismi lahayd.

Shirweynaha_Qaranka_Somalia_2.jpg

 

Shirweynaha_Qaranka_Somalia_4.jpg

 

 

Good Day in The Nation Capital

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;975809 wrote:
Look at this have u forgotten neighbouring countries use to host these shirweyne's before.atleast its progress now since its gonna be held in the nations capital.

There's intellectual laziness in that statement and your standards are just low. Aim high.

 

The Government would have been better to setup for the local tribes and reconcile them instead of wasting on things they can't do or don't to do.

 

Nuune. What did I miss?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oh Allah every time I see a Pic of this Man Culusow I want vomit, are these ppl Somalis in name only cz, they are so dark and I blv these are not true Somali blood citizens,DNA needed .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aynu Joojino Land-ta Faraha Badan Leh “Daawo Muuqaalka”

 

Siyaasiga Cismaan Jaamac oo xilligii dawladii Siyaad Barre noqday wasiirka kalluumaysiga dhalasho ahaana ka soo jeeda beelaha dega Waqooyi Galbeed aaminsan mabda1a Somaliweyn

ayaa hadal uu ka jeediyey shirweynaha qaranka Somaliaya oo manta ka furmay Magaalada muqdishu ayaa hadal u uhalkaasi ka jeediyay hadal uu ku taageerayo Midnimada soomaaliya isaga oo xusay in loo baahanyahay in ay Soomaaliya dib u midawday

Halkaan ka daawo

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in beesha caalamku ay maanta u soo jeedo Soomaaliya, dhammaanteenna nalooga baahanyahay sidii aan fursadaas uga faa’iideysan laheyn. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga rabaa inay ku midoobaan midnimadooda iyo inay la shaqeeyaan dowladda si hadafka aan wada hiigsaneyno aan u wada gaarno. Macno ma sameyneyso inaan kala shakino, kala foggaano oo aan danaha yar-yarka ah ku mashquulno. Danteenna guud baa na wada kaafineysa oo sahleysa inay danaheenna gaarka ah hirgalaan.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri “Dowladda waxaa ka go’an in shirkan uu nqdo mid najaxa, oo fikir xor ah oo soomaaliyeed, oo si Soomaalinimo ah ugu shiraya dalkooda aad soo saartaan. Dowladduna waxey ballanqaadeysaa in tallooyinkiinna la dhageysto, isla markaana ay saldhig u noqdaan istiraatejiyadda iyo qorshaha dowladda. Waxaan markale idinkaga mahadcelinayaa, isla markaana idiin rajeynayaa shir guul ah, oo aad si dhab ah oo taxadar ah u gudagashaan howshiina idinkoo u madax-bannaan.”

DSC07024.jpg

 

DSC07025.jpg

 

 

DSC07027.jpg

 

 

 

DSC07028.jpg

 

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedadiisu tahay in shacabka laga qeybgaliyo talada dalka, si dowladdu ay u dhaqangeliso fikir Soomaaliyeed oo saliim ah oo Soomaali ka yimid. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya 200 qofood oo ka kala yimid dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo isagu jira qurbojoog, aqoonyahanno, gobollada dalka, bulshada rayidka qeybahooda kala duwan sida dumarka iyo dhalinyarada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this