Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

The Jubba issue finally solved

Recommended Posts

Kadib todobaad wada hadalo ka socday magaalada Addis Ababa oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa lagu gaaray heshiis is faham ah, iyadoo maanta lagu wado in la saxiixo qodobadii lagu heshiiyay.

Sida ay sheegayaan warar ay Jowhar.com ka heleyso Addis Ababa, labada dhinac ayaa ku heshiiyay qodobadii ugu adkaa ee beryahan ay isku hayeen, waxaana qodobka oo ahaa Maamulka Dekeda iyo Garoonka Kismaayo cida maamuleyso.

Inkastoo aanay wali si rasmi ah loo soo bandhigin qodobada heshiiska, ayaa hadana waxaa la rumeysan yahay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay qodobka maamulka Dekeda iyo Garoonka cida soo magacaabeysa, gaar ahaan gudiga maamulaya, iyadoo Axmed Madoobe la sheegay inuu soo magacaabayo.

Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa ka tanaasulay Maamulka Jubaland, taa bedelkeed uu noqonayo Hogaamiyaha Maamulka Jubba, kaasoo yeelanaya saddex gudoomiye saddexda gobol ee Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Xaflada lagu saxiixayo heshiiska ayaa maanta ka dhaceysa Xarunta Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya, waxaana labada dhinac u kala saxiixaya Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir, halka dhinaca Axmed Madoobe uu u saxiixayo Ra'iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo ka mid ahaa xubnaha geed gadhiga u ahaa Jubaland.

Jowhar.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

I hope The New jubba admin and the SFG respect the agreement and move on .

Mogadishu is fine , security has improved the economy is booming ...........

Now is the time finish off Alshbaabab and open up the roads linking the Nation to the Capital .

Share this post

Link to post
Share on other sites
Mooge   

looool. cambulo walaahi UNUKA way ku khasaareen qoslaye ninyoow. what an incompetent loser. why waste all that political capital, alienate a whole community and behave like a loser clanist just to finally accept Madoobe and Juba admin???

ninyoow, it is time UNUKA herd finds some other goat to lead them instead of this maskamaleh guy. lol.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Miyir   

Cambuulo iyo bun;975246 wrote:
Hassan sheikh and Madoobe got exactly what they wanted,a win win situation. well done by both sides.

must be joking mr cambuulo?

Share this post

Link to post
Share on other sites

If I knew Hassan Sheekh had to the courage and leadership to compromise , I would've congratulated him on this significant achievement. But this is an Ethiopian and UNISOM achievement, not his.

Share this post

Link to post
Share on other sites
nuune   

Axadle, 28/08/2013, by Admin, 16:57:39

Barre Hiraale oo 3 bilood kadib Shacabka Reer Kismaanyo kala Hadlay Meel Fagaare ah iyo Kismaayo oo Loo Furay Qaadkii iyo Shaneemooyinkii ay kooxda Alshabaab ee Raaskambooni xayyireen mudadii ay halkaa xooga ku heesteen dadka shacabkana ku qasbi jirey ineysan guryahooda ka soo bixin.

Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Kismaayo ayaa Saaka Waxaa isugu yimid Boqolaal dad ah ooTaageerayaal u ah Madaxweynaha Jubbaland Mudane Barre Hiraale soo dhaweynayay is bedelka ka dhacay Magaalada Kismaayo oo Maalintii shalay ahayd ay dowlada federaalka gacan ku heynteeda kala wareegtay kooxda Raaskambooni taasoo sababtey shirkii Addis Ababa ka dhacey.

Madaxweynaha Jubbaland Col. Barre Hiiraale oo uu weheliyo Xildhibaano ka soo jeeda Gedo iyo Golkhatumo ayaa garoonka dayuuradaha ee Kismaayo ka soo dagey saaka aroornimadii saacadu markey aheyd todobada subaxnimo, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay aqoonyahano u dhashey kana soo jeedo gobalada Bay iyo Bakool oo iyagu waayadan dambe rafiiq la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Barre Hiraale si uu ugala shaqeeyo maamul u sameynta Bay iyo Bakool.

Xildhibaanada oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeyn in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo xasiloonida isla markaana shacabka ay kaalin Mug leh ka qaataan sidii ay u Taageeri lahaayeen dowladooda cusub iyo madaxweynahooda.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Mudane Barre Hiraale ayaa sheegay in ay cafinayaan dhamaan cid kasta oo La shaqayn jirtay maamulkii Alshabaab ee Raaskambooni ee uu hogaamiyaha ka ahaa Ahmed Madoobe kaa soo ka soo jeeda wadanka itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada kismaanyo ayaa waxaa dib loo furay goobihii ganacsiga ee Kismaaoy oo idil, dadkuna soo dhaweeyeen is badalkaa dhakhsaha leh ee uu bilaabey Madaxwynaha Jubbaland Mudane Barre Hiraale.

Waxaa galabta si xaraga leh magaalada dhaxdeeda ugu lugeenayey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Barre Hiraale iyo xildhibaanadiisa maamulka Jubbaland iyagoon wax ilaalo ah aan la socon, taasoo dadka intooda badan ku tilmaameen dhoola tus iyo amniga durbaba uu ku soo dabbaaley Kismaayo madaxweynaha.

Share this post

Link to post
Share on other sites

nuune;975255 wrote:

tumblr_m4h5qurIP71rwcc6bo1_400.gif

200x200px-ZC-d292f26b_black_guys_laughin

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this