Sign in to follow this  
Che -Guevara

Close to an Agreement

Recommended Posts

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya shirka dowladda Somalia & Maamulka Jubbaland uga socda Magaalada Addis Ababa

Axad, August 25, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga socda ergooyinka ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhinacyadu ay ku heshiiyeen dhowr qodob, balse ay weli jiraan kuwo la isku mari la’yahay.

 

Qodobbada ay dhinacyadu isku raaceen ayaa waxaa ka mid ah in maamul cusub loo sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo lagu magacaabi doono Jubba, uuna si guud u hoggaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

 

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in saddex guddoomiye ku xigeen oo ka hoos-shaqeynaya Sheekh Axmed Madoobe la sameeyo, gobol walba oo ka mid ah gobolladana loo sameeyo saddex guddoomiye oo kala maamulaya.

 

Wararka ayaa waxay intaasku darayaan in lagu heshiiyay in dhaqaalaha ka soo baxa dekedda Kismaayo loo qaybiyo saddex qaybood oo qayb ka mid ah ay qaadanayso dowladda Soomaaliya, qayb kalena maamulka cusub ee loo sameynayo saddexdan gobol iyo qaybta saddexaad oo bulshada gobolladaas loogu adeegayo.

 

Ergooyinka ayaa waxay isku mari la’yihiin qodob xasaasi ah oo ah cidda sida guud u maamulaysa dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Kismaayo, kaasoo ah midka keenay inay ergooyinku ku kala kacaan shirka. Ergooyinka dhinaca dowladda Soomaaliya ka socda ayaa dalbaday in dowladda loo dhiibo, balse dhinaca Jubbaland ayaa iyaguna dalbaday in maamulka la sameynayo loo daayo inuu dhaqaalaha maamulo.

 

Inkastoo qodobkaas weli ka isku mari la’yahay ayaa waxaa haddana socda kulammo gooni-gooni ah oo labada dhinac la isku fahamsiinayo, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin dowladda Itoobiya iyo urur goboleedka IGAD.

 

Shirka oo lagu waday in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaa waxaa caqabad ku noqday qodobkan la isku hayo, iyadoo la sheegayo in lagu wado in lasoo gabgabeeyo shirka saacadaha soo socda.

 

Dowladaha Itoobiya iyo IGAD ayaa waxay isku dayayaan in Sheekh Axmed Madoobe ay ku qanciyaan in maamulka dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Kismaayo ay maamusho dowladda Somalia, maadaama shirar hore arrintaas lagu go’aamaiyay.

 

Ma jiro waqti go’an oo loo qabtay soo gaba-gabeynta shirkan; waxaase rajo weyn laga muujinayaa in dhinacyadu ay is-afgartaan shirka ayna saxiixaan qodobbada ay ku heshiiyaan.

 

Xubnaha shirkan ka dhex-muuqda ayaa waxaa ka mid ah la taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaadi oo isaguna dhinaca maamulka Jubbaland ka socda.

 

Wixii warar ah ee shirkan kasoo kordha waxaad kula socon doontaan haddii Alle ogolaado wararkeenna soo socda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;974786 wrote:

Xubnaha shirkan ka dhex-muuqda ayaa waxaa ka mid ah la taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya, C/raxmaan C/shakuur Warsame
iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaadi oo isaguna dhinaca maamulka Jubbaland ka socda.

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

Charlie-Mcdonnell.gif

 

Lizzy-McGuire.gif

 

SERIOUSLY?!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wada hadalada ka socda Addis Ababa oo gabo gabo ku dhow iyo qodobo horudhac ah oo la isla gaaray

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wada hadalada ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, iyadoo qodobo horu dhac ah lagu heshiiyay.

 

Sida ay sheegayaan wararka wada hadalada ayaa waxay yihiin kuwo gabo gabo ku dhow, hase ahaatee ay jiraan qodobo la isku mari la'yahay, iyadoo ay socdaan dadaalo ku saabsan sidii labada dhinac ay is faham u gaari lahaayeen.

 

Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya oo ay wada hadaladu ka socdaan ayaa ilaa iyo hada qodobo horu dhac laga heshiiyay, waxaana ka mida h qodobada Maamulka Jubooyinka iyo Gedo oo muddo hal sano uu si KMG ah u heynayo Axmed Madoobe, kadibna la soo dooranayo Maamul cusub.

 

Sidoo kale waxaa la kala qaaday qodobkii ahaa Maamulka Jubaland, oo lagu soo koobay Maamulka Jubba Region, isla markaana uu yeelanayo saddex kuxigeeno, waxaana saddexda gobol ee Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ay yeelan doonaan Gudoomiyeyaal u gaar ah.

 

Qodobka aadka ugu xasaasiga ah ee la isku mari la'yahay ayaa ah dhaqaalaha ka soo xaroonaya Dekeda Kismaayo iyo Garoonka oo ay dalbadeen ergooyinka dowladda in maamulkeeda ay lahaato dowladda, hase ahaatee ay diideen Ergooyinka uu hogaaminayo Axmed Madoobe.

 

Qodobkan ayaa la sheegay inay u dhow dahay in labada dhinac is faham ka gaareen, maadaama labada dhinac aragtiyo kala duwan ay soo jeediyeen oo kala ah in dhaqaalaha ka soo xaroonaya Dekeda iyo Air Porka saddex loo kala qaado, qeyb dowladda, qeyb Maamulka iyo qeybta saddexaad oo bulshada loogu adeegi doono.

 

Laakiin waxaa la isku hayaa cida maamuli doona, taasoo laga yaabo in dib laga soo magacaabo, waxaana diblomaasiyiin ku sugan Addis Ababa ay sheegayaan in wada hadalada ay ku dhow yihiin in heshiis rasmi ah laga gaaro.

 

Wada hadalada ayaa markii hore gaaray heer lagu kala tago, hase ahaatee dadaalo uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa keenay in labada dhinac ay dib u ambaqaadaan wada hadalada, meel dhowna isugu yimaadaan.

 

Wixii warar ee ku soo kordha Wada hadalada Addis Ababa kala soco Jowhar.com

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agreements in Somalia aren't worth the paper they are signed on. I'm sure they will agree to something ambiguous and then fight over the terms. The good thing is federalism is creeping in and the formation of Jubaaland will encourage others to form their own regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

I'm really happy with the name change. Maamulka Jubba sounds much better than the rubbish Jubbaland. Inshallah khayr.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

There is no name change. One is Somali while the other is English. The only thing Somali about Somalia is the name of the country. The currency is dollar, the names of the states, the constitutions, and the documents are all written in non-Somali languages.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

They are paper which can be changed. This is the name of an area which will go down in the annals of history. It is imperative that the name be in Somali. Besides, just because one this is wrong, doesn't justify something else being wrong as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu;974892 wrote:
They are paper which can be changed. This is the name of an area which will go down in the annals of history. It is imperative that the name be in Somali. Besides, just because one this is wrong, doesn't justify something else being wrong as well.

+1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

Every few hours, a new version of this never-ending Jubbaland story surfaces. I'm now being told the agreement is off and Ahmed Madoobe is flying back to Kismaayo tomorrow and Fartaag to Jigjiga. what is going on?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this