Sign in to follow this  
malistar2012

Tiraddii ugu badnayd abid oo u fariisatay Imtixaankii ogolaanshaha Jaamacada Muqisho (Sawirro)

Recommended Posts

Waxaa xarumaha jaamacadda muqdisho maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 22/0802013. ka bilowdey imtixaanka ogolaanshaha ama (qabuulka) ee laga qaadayo ardayda ku soo biiraysa sanad wax-barashadeedka 2013/2014 Jaamacadda Muqdisho.

 

Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho ayaa waxa uu soo dhaweeyey kuna hambalyeeyey waaliidiinta iyo dugsiyaddii ayka soo baxeen ardaydan maanta

u fariisatay ogalaanshah jaamacada Muqdisho.

 

Gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar ayaa mid mid u booqday dhamaan fasalada ardayda imtixaanaadka ay ku galayeen,iyadoona gudoomiyuhu uu ardayda u sheegay in jaamacadda muqdisho ay mar walba u taagantahay kobcinta aqoonta shacabka soomaaliyeed.

 

Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabka sanadkan jaamacadda muqdisho ay ardayda ku qaadaneyso isagoo ka warbixiyay kuliyadaha jaamacaddaha ay sanadkan ku soo kordhisay iyo dib u habeyn lagu sameeyay kulyadihii hore ay u bixin jirtay jaamacada.

 

“waxaa maanta imtixaanka u fadhiisatay qeybtii koowaad ee aradada waxana jiri doono mid labaad oo todobaadyo ka dib loo qaban doono ardeyda ka imaaneeysa meelaha fog fog ama kuwo ay duruurfo qabsadeen”ayuu yiri gudoomiyaha jaamacada.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in jaamacada muqdisho ay ka koobantahay 10 kuliyadood 9 kuliyadood oo soo saarta shahaadada Bachelor iyo kuliyada kale oo soo saarta shahaadooyinka Masterka iyo PHD da,isagoo intaasi raaciyay in sanadkan ay ku soo biireen jaamacada kuliyadaha Caafimaadka iyo Injineerinka.

 

Gudoomiyaha ayaa si gaara u xusay labadan kuliyadood ee cusub ee kala ah

Kuliyada Caafimaadka iyo Kuliyada Injineeriyada, inay yihiin baahiyaha weyn

ee hadda bulshada soomaaliyeed u baahan tahay.

 

Wuxuu intaa ku sii daray gudoomiyuhu “ Tacliintu waxay u baahan tahay caafimaad

dalna dadkiisa ayaa dhisa, taasina waxay ka mid tahay u jeedooyinka aan ugu soo

kordhinay labadan kuliyadood, oo kamid noqonaya kuwii horay u jiray”.

 

Dardaaran uu diray dhamaan bahda wax-barashada ayuu gudoomiyuhu yiri sidan

“ Dadka aan wax-barayno ee aan soo saarayno, waa in-aan ka run sheegnaa

Manhajka, mid fiicanna u dajinaa, si aan u soo saarno, dad tayo leh, dalkoodana

wax-uqabta caalamka kalena la tartami kara”.

 

Jaamacadu waxay xubin buuxda ka tahay, islamarkaana ay ku jirtaa gudiyada

fulinta qaar ka mida ururadan hoos ku qoran:-

 

1) Midowga jaamacadaha wadamada islaamka.

2) Midowga jaamacadaha carabta.

3) Raabidadda Waxbarashada sare ee Wadamada carabta ee Gaarka ah.

4) Raabidadda jaamacadaha islaamka.

5) Midowga jaamacaddaha Wadamada Afrika.

6) Iyo ururo kale oo Caalami ah.

 

Imtixaankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi degan oo guul leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jamacad-muq_1.jpg

 

 

jamacad-muq_2.jpg

 

They Can't stop the Kingdom strive

 

 

jamacad-muq_3.jpg

 

No more guns Pick up the Pen and the book well done

 

 

jamacad-muq_4.jpg

 

 

jamacad-muq_5.jpg

 

 

jamacad-muq_6.jpg

 

 

jamacad-muq_7.jpg

 

 

jamacad-muq_8.jpg

 

 

jamacad-muq_10.jpg

 

Imtixaankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi degan oo guul leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this