Sign in to follow this  
xiinfaniin

Hassan Sheekh in Adis Ababa for Jubbaland Talks with President Madoobe

Recommended Posts

Muqdisho: Xasan Shiikh oo u dhoofay Ethiopia

19 Aug 19, 2013 - 10:15:59 AM

 

Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u dhoofay dalka Ethiopia caawa, waxana ku sii sagootiyay garoonka masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda.

 

Ujeedka socdaalka Xasan Shiikh ayaa lagu soo waramayaa inay tahay shir maalinka beri ah uu la yeelan doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isagu maanta ka anbabaxay Kismayo kuna sugan haatan Addis.

 

Faarax Cabdulqaadir wasiirka madaxtoyada iyo xildhibaano aan tiradooda la cayimin ayaa la sheegay inay duhurnimadii maanta Aadan Cade uga dhoofeen dhanka Addis, iyagoona horudhac u ahaa wafdiga Xasan Shiikh.

 

Wejiga labaad ee wadahadalada DF iyo Jubaland ayaa beri la galayaa oo si toos la filayo inay isku soo horfariistaan labada madaxweyne ka dib markii uu diiday Axmed Madoobe inuu la shiro Faarax Cabduqaadir oo in badan Xasan Shiikh u taliya.

 

Qodobo wax ku ool ah ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan shirkan oo lagu dhameynayo khilaafkii soo jiitamayay mudada badan oo ku aadana habka loo maray dhismaha maamulka Jubaland.

 

Kala soco Garowe Online wararka ku saabsan kulanka labada dhinaca ee Addis

Share this post


Link to post
Share on other sites

The stubborn man finally caves in after collapsing under his weight. It is clear what Kismayo wants: a federal state in Puntland model. I am not sure what Hassan wants now. But from what I am hearing, Madoobe's hand is strengthened by Mogadishu's foolish acts of supporting alshabaab to oppose Jubbaland.

 

We shall see. This is make or break for Hassan. For Madoobe is another opportunity to show that he wants peace in federal arrangement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Monday, August 19th, 2013 | Posted by Pi

Faahfaahin — Madaxweyne Xasan Sheikh oo Adis gaaray, iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo la kulmey Madaxweyne Axmed Madoobe

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh *Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Adis ababa si ay halkaas ugula kulmaan Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Dowlada Itoobiya ay labada Madaxweyne kala dajiyeen laba Hotel.

 

Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa wuxuu la kulmay galabta Madaxweynaha Dowlada Jubaland iyo Wafdigiisa, kulankaasoo ka dhacay Hotelka ay Wafdiga Jubaland degan yihiin, Waxaana laga wada hadlay arimaha Soomaaliya.

 

Dhinaca kale kulanku markuu dhacayay *Waxaa Magaalada dhinac kaga sugnaa Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne xasan Sheikh, Waxaana la filayaa in Beri subax ay bilowdaan Wadahadalada iyo kulanka dhex mari doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Horey Waxaa Adis ababa isugu arkay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wasiirka arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros, kulankooduna waxay uga wadahadleen Kulanka dhexmari doona Axmed Madoobe iyo xasan Sheikh, Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya wuxuu Ncholas Kay u sheegey iney Itoobiya ku hanwayn tahay in Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe kulankoodu noqon doono mid ay kasoo baxaan waxyaabo wanaagsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo Weji Gabax Kala Kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kasoo Jeeda Gobolka Gedo

August 19, 2013

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegaayaan in uu halkaasi ka dhacay kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedaJubbaLandgaar ahaana gobolka Gedo.

 

 

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ka hor inta uusan Madaxweynahu u ambabaxin magaaladaAddis Ababaayaa Madaxweynahu waxa uu Xildhibaanada usoo jeediyey codsi ku saabsan mustaqbalka gobolka Gedo.

 

 

 

Qodobada uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kala hadlay munadayaasha Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa waxaa kamid ahaa codsi ku aadan in ay ku taageeraan sidii gobolka Gedo looga jari lahaa Jubba Land, looguna dari lahaa gobolada Bay iyo Bakool.

 

 

 

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gedo in uu aqoonsanaayo maamulka Jubba Land haddii loo yeelo sida uu rabo oo ah in lagu soo kobo gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana uu ku adkeystay in uusan aqoonsanaynJubbaLandinta uu katirsan yahay gobolka Gedo.

 

 

 

Hase yeeshee mudanayashaan kasoo jeedaJubbaLandgaar ahaana gobolka Gedo ayaa waxay ku gacan sayreen dalabka Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid sinaba ugu cuntami waayey.

 

 

 

Mudanayaashaan ayaa u sheegay Madaxweynaha in gobolka Gedo uu kasii mid ahaanaayo Jubba Land, waxayna diideen in ay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ku taageeraan in gobolka Gedo laga saaro Jubba Land isla markaana lagu daro gobolada Bay iyo Bakool.

 

 

 

Kulankaan ayaa kusoo gaba gaboobay weji gabax uu Madaxweynaha Soomaaliya kala kulmay Xildhibaanada kasoo jeedaJubbaLandee kasoo horjeestay kala goynta saddexda gobolka ee ku midoobay maamul goboleedkaJubbaLand.

 

 

 

Sikastaba kulanka uu Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Jubba Land gaar ahaana gobolka Gedo ayaa kusoo aaday xilli uu magaalada Addis Ababa ka furmeen wejigii labaad ee wada hadalada u dhexeeya Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadahadaladii Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ka furmay Adis Ababa iyo Xassan Sheekh oo markii uu Adis Ababa soo aadayay warbaahinta u sheegay inuu aadayo Tacsida Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya (Warbixin xiiso leh)

August 19, 2013

 

Magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayaa waxaa xalay ka furmay wejigii labaad ee wada hadalada Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land oo uu ka dhexeeyo khilaaf muddo soo jiitamaayey.

 

 

 

Shalay magaalada Addis Ababa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, inkastoo uu Madaxweyne Xassan Sheekh markii uu ka amba-baxaayey magaalada Muqdisho uu saxaafadda u sheegay in uu Addis Ababa u tegaayo sanad guuradii koowaad ee geeridii Raysal wasaarahii hore ee Ethiopia Meles Zanawe ayaa hadana ilo xog ogaal ah waxay Dhanaan Media u xaqiijiyeen in ajandaha ugu weyn ee uu Madaxweynahu u aaday Addis Ababa ay tahay wada hadalka Dowladda Ferdaalka iyo Dowladda Jubba Land.

 

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyaga oo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia oo ay isla shalay gaareen.

 

 

 

Wada hadalada oo ah labo faddhi ayaa Dowladda Fedraalka fadhiga koowaad waxaa u metelaaya guddi uu hormuud u yahay Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Villa Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir waxaana kamid ah Xildhibaano Baarlamaanka katirsan.

 

 

 

Dhanka Dowlad goboleedka Jubba Land waxaa fadhigga koowaad ee kulanka uga qayb gelaaya guddi uu hoggaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubba Land Gen. Canbdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

 

 

 

Fadhiga labaad ee wada hadalada oo ah kulan adag oo indhaha lagu wada hayo ayaa waxaa si toos ah isku hor fariisanaaya labada Madaxweyne ee Xassan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam, waxaa sidoo kale kulankaasi qayb ka ah xubno sar sare oo kamid ah Urur goboleedka IGAD.

 

 

 

Wada hadalada oo ah kuwo aad looga dhursugaayo ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur goboleedka IGAD, waxaana la filaayaa in ay kasoo baxaan natoojin xal u noqda khilaafka labada dhinac oo meel sare gaaray.

 

 

 

Xubno kamid ah waftiga Jubba Land ee Addis Ababa kusugan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land mar uu la xiriiray Dhanaan Media.

 

 

 

Qodobada la hadal hayo ayaa waxaa kamid ah in Dowladda Soomaaliya oo geed dheer iyo mid gaaban u fuushay bur burinta Jubba Land ay shirka uga dhawaaqdo in ay aqoonsan tahay Dowlad goboleedka Jubba Land .

 

 

 

Arrimaha kale ee sida weyn loo hadal hayo waxaa kamid ah in xubnaha Dowladda Soomaaliya uga qayb gelaaya kulanka Addis Ababa ay kamid yihiin Xildhibaanadii af iyo adinba kula dagaalamay Jubba Land , waxaana xildhibaanadaasi kamid ah.

 

 

 

Xildhibaan Alankay, Xildhibaan Magan, Xildhibaan Daahir Amin Jeesow, Xildhibaan Samaan, Xildhibaan Goodir, Xildhibaan Sandheere iyo xildhibaano kale.

Urur goboleedka IGAD oo door muhiim ah ku leh kulamada Addis Ababa ayaa dhankooda waxay shaaciyeen in arrintu sidii hore kasoo durugtay, waxayna rajo ka muujiyeen is fahan dhexmara Dowladda Fedraalka iyo Dowlad goboleedka Jubba Land oo markii hore aad u kala fogaa.

 

 

 

Sikastaba wada hadaladaan oo ah wejigii labaad ayaa natiijada kasoo baxdaa waxay tahay mid la wada sugaayo maadaama xilligaan baahi weyn loo qabo is afrgad buuxa oo dhexmara labada dhinac ee Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land, waxaana wada hadalada kadib hadii la heshiiyo iyo hadii kale ay Jubba lanad sii wadi doontaa dhameystirka Maamulkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is funny that the president at his departure from Mogadishu characterized his trip to Adis Ababa as paying respect to Melez's grave (after one year of his death) :D :D

 

Melez is dead , but Kismayo is alive and kicking , poor president.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Anigu maalin dhaweyd ayaan totally ka deyriyay intii yareyd een Dowlada u hayey ee taageero taasoo awalba salka ku heysay dal jaceyl, laakin maalin dhaweyd maxaa is badaley, this is what I read somewhere(can't remember where exactly but I remember what it was):

 

"Qaar ka mida ciidamada xooga dalka ee ku soo dhaawacmey dagaaladii Kismaayo oo dhaleeceyn dusha ka saarey Wasiirka Gaashaandhiga maadaama uu dayacey ciidamadii ku soo dhaawacmey dagaaladii Kismaayo".

 

I gave up and I didn't complete, these poor men were told to fight with no clear objective on the front line in Kismaayo, maba xumee dowlad ayeyba matalayeen oo warkii dowlada ayeyba ku socdeen iney ka sifeeyaan Madoobe Kismaayo, laakin waxaa ayaan darra noqotey in dhaawacyadoodi iyo meydadkoodi in lagu dayacey Kismaayo bannaankeeda, dhaawacyadii la keenay Xamarna aan dhaya fiican helin oo la deyriyay, wax bonus ahna aanan helin, sababtuna dadka intooda badan waxey sheegeen iney tahay maadaama laga soo adkaadey in dowlada aysan dayac tiri karin dhaawacooda, qaar baa la sheegay iney dhaawacyadii u dhinteen ayagoo Xamar jooga qaarna gobolada intiisa kale naf ka raadiyeen maadaama Xamar xammili weyday.

 

 

Marka aniga waxaan is weydiinayaa, maba xumee Dowlada Kismaayo haba la wareegto xoog iyo muruq waxee doonto ha isticmaasho, balse ragga la dayacey iyo dowladoo dadka been u sheegaysay laheedna mar kasta "garabyada isku dagaalaya Kismaayo waa iney dagaalka joojiyaan sida ugu dhakhsaha badan" waa hadaladii Hassan Sheikh iyo Doctor Saacid, while in fact waxa dagaalka ku jirey ayba aheyd dowlada laftirkeeda.

 

 

Hadii ay dowlada rabto iney la wareegto Kismaayo wax adag ma ahan xaqna wey u leedahay iney maamul u sameyso ama la sameyso dadka meelahaas daga ama ka soo jeeda, laakiin sida wararka sheegeen dowlad ayaa dadkeeda dagaal ku soo qaadey waa wax aan caqliga galeyn, xiskuna qaadaneyn, maankuna aqbaleyn, maskaxduna mareyn!!

 

 

Ilaah baan uga baryeenaa in Hassan Sheikh iyo Madoobe ay xal ka gaaraan arrinka Kismaayo maadaama Addis Ababa ku shirayaan, in arrinka wadanka oo dhan noqdaana Kismaayo waa wax laga xumaado, Madoobe haduu ku adkeystey inuusan meel uga dhaqaaqeyn maamulkii lagu doortey waa inuu tanaazul sameeyaa oo uu yiraahdaa wakaas maamulkii waan ka dagey hadaan anigu noqdey carqalad ee qof kale election haku yimaado ama ha i badalo oo dadka rabitaankooda hala tixgaliyo,

 

hadii kale shirweyne kale oy dowladu observer ka tahey hala qabto haduu rabana Madoobe, Baasto, Barre, Baaraley iyo Mabuto ha u soo istaageen doorashada, on the final dayna Hassan Sheikh ha yimaado ha arko doorashada sey u dhaceyso, hana barakeeyo qofkey dadka doortaan oo dhabarka haka taabto hana u duceeyo.

 

Hassan Sheikh ummadii u sacaba-tumeysay markii la dooranayey waa inuu kalsoonidooda soo celiyaa, Kampala iyo Kiimbo Kominiik lagu saxiixo Kismaayo karaamo u noqon meyso keenina meyso kalsoonida dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;974112 wrote:
Lets hope for an agreement we're tired yaaqey

Whoever I am opposed to is a loser, sorry 'my Somali auto-pilot' was on. Yes, let's hope for resolution.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

Warar si hoose igu soo gaaray waxay tilmaamayaan in wajigii koobaad ee kulanka Addis Ababa uu fashilmay kadib markii la'isku mari waayay qodobo dhowr ah (wali warkani ma sugna). Wajiga labaad ayaa furmi mooda subaxnimadkii maalinta talaadada, kaas oo dhex mari doona labada madaxwyene. Wali ma cadda in kulankani uu wax ka badali doono qodobada la'isku diiday maanta.

 

Sida la sheegay, marka loo fiiriyo kulankii hore ee Addis Ababa Ka dhacay bishii hore, dowlada ayaa ka tanaasushay mid ka mid ah shuruudaha ay ku xirtay aqoonsashada Jubbaland. Taas oo ahayd in gobalka Gedo la ga saaro maamulka Jubbaland. Dhinaca kale, maamulka Jubbaland ayaa ogolaaday in dowladu qayb ka qaadato magacaabista golaha wasiirada iyo waliba tirada wasiirada ay yeelanayso. Dhamaan qodobadii kale waa la'isku diiday. Dowlada ayaa ku adkaysatay in maamulka Jubbaland laga dhigo 6 bilood ama hal sano, midaas oo Jubbaland ku gacan sayrtay. Sidoo kale dowlada ayaa dalbatay in ay la wareegto dadakadda iyo eriboodhka, taas oo ay Jubbaland si cad u diiday.

 

Nothing substantial really changed. Back to square one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;974112 wrote:
Lets hope for an agreement we're tired yaaqey

Hear, Hear. The Jubaaland issue paralyzed the SFG and almost destroyed the peace process. I hope we focus on the main problems now (Al Shabaab, federalism, rebuilding).

Share this post


Link to post
Share on other sites

lets hope for resolution is a nice sentiment

 

But Hassan Sheekh seems to be losing it again. This time though there are contingencies in place to ensure Jubbaland clears the way for establishing a full fledged federal state

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah– Puntlandi oo heley Qodobada Ergada Jubaland iyo DF ay isku mari waayeen ilaa hadda

 

Adis abeba–20 Ogoosto,2013–Pi– Tan iyo Xalay Waxaa Magaalada Adis Ababa ka socdey kulamo loogu Gogol xaarayo kulanka Caawa oo Talaado 20 Agoosto ah dhex mari doona Madaxweynayaasha Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka, Kulamadaas Wax natiijo ah kama soo bixin, in kastoo is badal Isfahan uu ka dhaci karo Kulanka labada Madaxweyne.

 

Ergada Dowlada Federaalka waxaa ka mid ahaa Xildhibaanadii had iyo jeer diidanaa in Jubaland Maamul loo sameeyo, kuwasoo Muqdisho shirar ku qaban jirey iyadoo ay weheliyaan Odoyaashii Beesha ****** sida Xaad iyo Axmed Diiriye. Xildhibaanadaas ayaa kulamada hadda ka socda Adis Ababa waxay la yimaadeen Wax ka baxsan Waxyaabihii looga wada hadley kulamadii kan ka horeeyey ee Adis Ababa ka dhacay bishii Juun sanadkaan.

 

Ergada ka socda Dowlada federaalka oo Xildhibaanadaas ka mid yihiin iyo Ergada ka Socda Dowlada Jubaland oo labada Madaxweyne ka maqan yihiin waxay Qolo walba soo bandhigtey Dhowr Qodob, oo kala ah sidaan:

Dowlada Federaalku waxay soo bandhigeen

 

In kulanka Adis Ababa lagu saxiixo Heshiis oranaya in kulanka Isfahan ka dhacay uuna kasii socon doono Muqdisho, intaas ka dibna Muqdisho lagu balamo si Heshiiska rasmiga ah la isula meel dhigo.

In Magaalada Muqdisho la isugu yimaado halkaasna Dowlada federaalku ay Maamul kumeel gaara u magacawdo Gobolada Jubooyinka.

In Gobolka Gedo la raaciyo Bay iyo Bakool , iydoo Ergada Gobolkaas kasoo jeeda laga reebayo Ergada ka imaanaysa Jubooyinka ee ka qayb gali doona kulanka Muqdisho

 

Jubaland arintaas waa ku gacan sayrtey Waxayna miiska soo saareen Qodobada dhankooda oo ay kamid yihiin..

 

In Dowlada Federaalku si buuxda ula shaqayso Dowlada Jubaland iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka, dastuurkaasoo noqonaya kii ay Lixda saxiixayaashu saxiixeen.

In Dowlada Jubaland ay iyagu maamushaan Deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya qaybtooda aysana Cidna Wakiil uga noqon.

Mushaarka Ciidamada Jubaland in ay qaybtooda ka helaan Dhaqaalaha Mushaar ahaanka loo siiyo Ciidanka Soomaaliya ee Beesha caalamku bixso

In sida Dastuurku qoraya ay Jubaland qayb ka ahaadaan Heshiisyada Caalamiga ah ee saameyn ku yeelan kara Deegaanada Jubaland.

 

Kulankii markii Dambe waa lagu kala kacay waxaana goobta Buuq ka dhaliyey Xildhibaanadii ka socdey Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana kulanka markii dambe goob joog ahaa Ergo ka socota Wadamada IGAD,

 

Ergada Jubaland waxay soo jeediyeen in Wadahadalka loo daayo labada Madaxweyne oo uu wehelin doono madaxweyne Xigeenka Jubaland, sidaas awgeedna ay Sadexdaan Masuul wada eegaan Qodobada ayna ka wada hadlaan.

 

Kulanka Madaxweynayaashu wuxuu dhacayaa Caawa Fiidkii saacada Adis ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magacyada xubnaha wafdiga Jubaland ee kusugan Addis Ababa

August 19, 2013

 

Magacyada xubnaha wafdiga Jubaland ee kusugna Addis Ababa ayaa kala ah

 

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan

Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Cumar Cabdi Rashiid

Prof.Maxamed Cabdi Gaandi

Cabdi Cali Raage

Gen.Darwiish

 

http://dhanaan.com/xubnaha-wafdiga-jubaland-ee-kusugan-addis-ababa/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this