Sign in to follow this  
malistar2012

Gudoonka Baarlamaanka oo warqad uu xilka ku weyn karo u qoray Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa warqad u qoray Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, kaasoo ku saabsan eedeyntii uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

 

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in warqada looga dalbaday Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr inuu keeno cadeymaha ku aadan eedeymaha uu u jeediyay Madaxweynaha, isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyo Gudiga anshaxa iyo xasaanada baarlamaanka.

 

Warqada ayaa la qoray maalin ka hor kadib markii uu soo baxay warka eedeynta ee uu Cali Khaliif Galeyr u jeediyay madaxweynaha, mas'uuliyiin ka tirsan dowladdana ay xiriir taleefan dhex maray Shabaab, waxaana marka loo eego xasaanada xildhibaanka ku leeyahay baarlamaankana ay ku tahay arin culus.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa warqadan qoray intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo booqasho todobaad ah uu ku joogay, iyadoo natiijada ka soo baxda warqada iyo cadeymaha laga sugayo inuu keeno Cali Khaliif ay ka arinsan doonaan Gudiga anshaxa iyo xasaanada baarlamaanka.

 

Dr. Cali Khaliif ayaa hadii uu keeni waayo cadeymo dhab ah waxaa uu weynayaa xubinimada baarlamaanka, balse waxaa ka horeysa in Gudiga anshaxa uu soo gudbiyo, lana horkeeno baarlamaanka, si cod loogu qaado, kadibna waxaa si toos u meel marinaya Maxkamada sare ee dalka.

 

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dr. Cali Khaliif Galeyr inuu raali gelin ka bixiyo warkaas ama uu keeno cadeymo, iyadoo nasiib daro lagu tilmaamay wararka ka soo yeeraya siyaasiyiinta ee wax duminaya.

 

Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka ayaa mucaarado ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana mudooyinkii u dambeeyay shirar siyaasadeedyo ka dhan ah dowladda uu ka dhacay magaalada Nairobi.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

images?q=tbn:ANd9GcTe0UrRRctiE6bnJKF7wRh

 

 

 

Dr. Cali Khaliif ayaa hadii uu keeni waayo cadeymo dhab ah waxaa uu weynayaa xubinimada baarlamaanka, balse waxaa ka horeysa in Gudiga anshaxa uu soo gudbiyo, lana horkeeno baarlamaanka, si cod loogu qaado, kadibna waxaa si toos u meel marinaya Maxkamada sare ee dalka.

Early retirement this old timer needs it ........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this